Indhahaygii Meeye?

Waa gabadh da’da dhexe ah, waxay ka soo jeeddaa reer diimeed quraan ruug ah, dhererkeedu waa gobol ah, midab ka aabbaheed bay ka raacday oo waa maarriin ka dhalaala, waa gabadh jimcoon oo isku dhafan, waxa ka muuqata ladaan baahsan oo illaa caruurnimo soo taxan, timaheeda maan arag laakiin waxa la xisaabiyaa dhinaca qurxda. Waxay ahayd gabadh aad u samir badan oo qabna leh, may jeclayn nolosha ayaayufka ah, hammigeedu wuxuu ahaa guri rays leh oo cagaaran iyo caruur qurxoon. Dhawr goor way ku gacan saydhay shukaansi gacan togaalayn ah waanay ka gaashaamatay nolol ku meel gaadh ah.

Waxay la nooshahay hooyadeed iyo aabaheed, reer kooda iyadaa ugu weyn, waa curad isha lagu hayo, iyana taas way ogtahay. Hooyadeed waxay ku tidhaahdaa; “hooyo adigaannu kaa sugaynaa abaal iyo baanashaba” waxa lagu layliyey wax qabso waxna noo qabo. Odayga aabbaheed wax buuran gacanta kuma hayo waa shaqaale dawladeed oo mushahar caato ah qaata, wuxuu u badan yahay masaajid ka iyo safka hore.

Yaasmiin Waqti duhura ayey ka soo baxday dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magalaada Hargeysa, inkastoo cadceed aad u kululi jirto, waad garan kartaa xilli duhura oo huur iyo kulaylba jiro, ardaydu buugta ayey dhafoorka saaraan rag iyo dumar ba, iyagoo raxan raxan iyo laba lababa u sheekaysanaya.

Yaasmiin waxay aad u jeclaan jirtay inay kali ahaato, haddii laga tagi waayo waxay sheekada ku darsan jirtay Ubax oo ay isku gedo ahaayeen. Waxay soo hormartay Fooqii Jinka, ee marka la hormarayo shaydaan ka hoos iyo korba loo naari jiray, iminkana ah Imprial Hotel, waxay doonaysaa inay raacdo baska Jigjiga yar.

Waxay soo gaadhay halkii ay baska ka raaci jirtay ee gidaar ka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, waxay madaxa galisay kolay qaad oo aan suuq badan haysan oo islaan la yaidhaahdo Xaawa ay xoogaa Dadar ah ku iibiso. Islaan ta maalin kasta way isa sii salaamaan, islaan tuna way iska jeceshayhay Yaasmiin, waayo islaamuhu way jecelyihiin hablaha iska dhukusa.

Baskii aad buu u raagay, oo maxaa ku dhacay tolow baska, dee maxaa ku dhici lahaa Xisbiyaa kiraysanaya hadday doonaane waligaaba sug. cadceediina aad bay ugu soo dhawaatay Yaasmiin, iyo Xaawa qaadlay, buugaagteeda ayey isku babisay, aad bay u dhididay illaa uu ka soo dagay timaheeda, kana soo dareeray qoorteeda dheer isagoo sii dhex mushaaxaya labadeeda naas iyadoo dareemaysa qabow iyo neecaw macaan markay is babiso.

Goor danbe ayaa meesha waxa isa soo yuubay nin da’da dhexe ah, gadh madoobe xooggan ah, Xaawa qaadlay ayaa habaryar u ah, gaadhiga ka muu soo dagin dhinaca ayuu ugu soo qabtay, isagoo salaamaya Xaawa illeen waa habar yartiiye laakiin salaantu way ka shisheysaa Xaawa. Xaawa way yaabban tahay, waayo waligeed inuu dhaafo mooyee muu soo ag istaagin, maantase waa waji cusub iyo bariido cusub. Ishiisu way dhaafsan tahay meelaha kan dhaw. Xaawa waxa niyaddeeda ku soo dhacday inay ku tidhaahdo inanta ii qaad, oo waaba jaanis ka uu rabo alla nasiib badanaa. Wali guri aad rabtay roob ma ka gashay?

Markaasay tidhi; hooyo “inanta ii sii qaad” reer magaalinimo ismu qaddimin uu yara aamusay markaa suu yidhi walaal xaggaad dagan tahay, waxay tidhi walaal Jigjigayar, hadddana inyar buu aamusay oo is yara afuufay calaashaan yaan lagaa garan, hadda iyadaa buu u socday oo xagguu u socday haddaa? Wuxuu u socdaa waa Yaasmiin oo gacan xalaali korisay jidh xalaala oo dubaaxinayana la fadhida Xaawa qaadlay agteeda.

Goor danbuu yidhi ina mari walaal, markaasay haab haabatay buugaagteedii, Xaawana labada dhaban ka sii dhun katay. Gaadhigii bay kursiga danbe dabada saartay, isaguse wuxuu jeclaa xagga hore, oo waayo? Dee qoortaa ku daashay siduu kolba u qooraansanayo, shilna uu ka baqayaa, reer magaalnimo muraayadda dhexe ayuu ka la socdaa, wuxuu aad u egayaa labadeeda bishmood ee  muudsiga ku fiican, iyo wajigeeda oo uu aad uga helay. Wuu jeclaan lahaa inay hagoogtu ka yara xumaato oo uu halkaa ka qooraan sado laabteeda iyo qoorteeda, balse way gaashaaman tahay, waana gabadh digtoon.

Magacii iyo muuqiiba laysu baray, laysna toyey, aabaheed iyo adeeradeed ba uu gartay, ka qoray lanbarkii, goor danbe ayey gurigii gaadheen, markaa suu yidhi; oo dhawaa gurigu, markaasay tidhi haddaan baska soo raaci lahaa mar horaan iman lahaa ee waad sheekaynaysay.

Goor habeennimo ah oo ay isu diyaarisay hurdo ayuu soo wacay lanbar kiisa waxay ku qoratay Sheeko, iyadaa ula baxday oo waayo? Maaliin tii uu soo qaaday ayey yara karahday oo uu aad sida idaacdda ugu fatahay sidaa wgeed bay ugu qoratay Sheeko, telafankii ayey ka qabatay. Salaan iyo salaan teed ka dib wuxuu bilaabay inuu warkiisa iyo noloshiisa aad uga warramo si loo aamino.

Wuxuu u sheegay inuu reer USA yahay, isla markaana uu yahay aasiyaan reer Hargeysa ah, inuu guursaday gabadh inaadeertii ah balse ay kala tageen, wax caruurana aanay u dhalin. Yaasmiin waxay weydiisay magaciisa oo saddexan waanuu u sheegay waxayse ka heshay magaciisa koowaad oo waa Mukhtaar.

Magacii Sheeko Mukhtaar ayey ku baddashay, waxaanay abuurtay jawi lagula sheekaysan karo, oo aad u daggan, inta badan Mukhtaar baa soo waca iyaduna waa jawaabe fiican oo la gorfaysa hadba hadalka siduu u soo dhigo. Waxay jeceshay diinteenna macaan kamuu waalin wuxuu la wadaagay fikirkeeda diiniga ah, waxa kasta dhinaca diinta ayey ka eegtaa isaguna kama hor yimaaddo.

Muddo toddoba bilood ah ayey sheekaysteen, si fiican ayey ugu bogtay, waana ninkii ay ku riyoon jirtay, waxay u aragtay inay heshay nin keedii, daal danbe iyo haasaawe danbana in laga gudbo way u bislaatay. Wuxuu soo bandhigay guur, si fiican oo gobonnimo leh ayey uga ajiibtay, waxa loo ballamay in la bilo oo la ballaysimo maysin lagu kulmo, iyo madal barkhadeed.

Meher kii qarniga iyo aroos kii saban ka ayuu isu barkiyey, qaar kamida ardaydii Faarx Oomaar waxay ahaayeen kuwo la qaybsada farxadda Yaasmiin. Guri fiican oo aad u qurux badan ayuu dajiyey, gaadhi iyadu iska leedahay iyo hablo u shaqeeya, ayuu ku xeeray. Ma cidlooto gurigeeduna waa guri qaran nolol aad u wanaagsan ayuu abuuray runtii. Ismay odhan habeen ayey dhibaato kaaga imanaysaa Mukhtaar laakiin bahal caydhin ma daayo ninna caaddii ma baajo.

Waxa soo baxay wajigii runta ahaa, iyo dhaqankii uu qarsanaayey, habeen walba gurigu waa ku cidla Yaasmiin, quruxeey ba’ illeen quruxdu waxay qiimo leedahay marka lagula joogo, waliba ta dumar ka. Habeen walba waa u soo jeed, iyadoo xammaaladdii xidhan oo gurigii uunsigu is dhaafayo ayey sariirtta kolba dhinac ka eegtaa, xaggan isu rog ma joogo, xaggan u jiifso adaa sheegaya, oo xaggee buu qabtay tolow? Magalaada miyaanu joogin? Mayee uu joogaa meelna muu tagin oo haddaa xammaaladdan bilaa badhan ka ah ee waxa wanaagsan ku dhex jiraan, iyo waxan oo diirimaad iyo kulayl ah, muxuu ugu iman waayey, khrash ka faraha badan ee baxay ayaa igaga daran, quruxda Yaasmiin.

In muddo ah ayey ku jirtay inay kaligeed sariirta seexato, gaadhigii daaqadda soo istaagaba waa isagii mayee maaha, habeen ka mida habeennada badan ee Yaasmiin ku dheeraday ayey wacday markaa suu ka qabtay lana hadli waayey, waxay maqashay cod aad u hooseeya oo uu lee yahay aamus aamus waxay is waydiisay yuu aamusiinayaa? Muxuu kuula hadli waayey? Mooyi ama mooji.

Dhaqan ka wanaagsan ee dumarka Soomaalidu waa waxay dheeryihiin dhiggooda, gurigaa waxa jooga ilaaliye xoog badan oo fitir iyo faatir u kala tuuraya wixii loo diro, amaba ay u yeedhan karto, waayo qofka shaqaalaha ah ee jilicsani amarka uu u nugulyahay. Ama illayn waa xore kabaheeda intay xidhato ayey iska soo dukaan san kartaa sidiisa, laakiin haween keennu waa gob, ee innagaa gumayna.

Qaad kuma oga, balwadna kalana umuu sheeggan, waa ninkii ayaadaha quraanka la akhrinayey, haddana Yaasmiin wax walba waxa kaga daran, sariirtan iska giigsan ee aan habeenna go’eedu jactadayn. Dumar ku waa cajaa’ibe waxa loo sheegay in ninkeedu naago ku xidhan yahay oo la tunto, ma naago kalaa waa heblaayo iyo heblaayo waaba ceeshow milixdii, waa dadkii ay isugu dhawaayeen nolosha.

Warwar badan ayaa soo food saaray ma naag waxan taqaannaa, aqoon daaye mabay filayn sheekadan. Habeen walba waa u soo jeed, waxay dareemaysaa xanuun badan oo nafsaani ah. Subaxa hore ayuu guriga ku soo dhacaa isagoo daallan oo xalay laysu dhiib dhiibay.

Dumar ku waa gobe waxaas oo dhibaato ah oo ay ninkeeda ku qabto hooyadeed ma oga, waxba ma sheegaan markay ku rabaan marka kalana adaa ii sheegi waxay sameeyaan. Mukhtaar habeenno is xiga ayuu gurigiisa fiid yimi xoogaa sariiirtuna iska yara jactadday, Yaasmiinna way cokonayde ilaahay ballankii ay barqo iska toostay. Sidii dhaqan ku ahaa quraac beer ah oo kulul ayey wadaageen, Yaasmiin waxay farxad badan ku qabtaa gurigeeda iyo nolosheeda, Mukhtaarse telefoonadaa ku badan iyana way aragtaa. Way xanuun badan tahay markaad nolosha la wadaagto qof aan kula jacayl iyo dareen ahayn.

Miyuu waan toobayaa, habeen walba waa u guure. Yaasmiinna waa u galgalasho, waxay nafteeda ku hiiftaa Xaawa qaadlay iyo galabtii uu ka soo qaaday kolaygeedii, waxay aad u xasuusan tahay noloshii Faarax Oomaar iyo sidii loo jeclaa, wacnaan lahaydaa in maalmaha dib loo celiyo, fiicnaan lahaydaa inuu qofku u noolaado siduu isagu jecelyahy, adduunyooy, adduunyo. Waxa guursaday nin ninna maqabo oo ninkeeda sawka magaalada jooga maaha, iyada uma joogo dar kale ayuu u joogaa, oo nin ka ma waxbaa ka siya?

May dhalaal ma qabo, sidan ayaa la fiican inuu u noolaado, naagtii horaba waxay kaga carartay cibaaradan. Yaasmiin waa qof aad u edeb badan waana ta keentay inuu waxbaba iskaga tirin waayo xataa umay sheegin dhibaatadeeda hooyadeed, laakiin way caqli badan tahay. Waxay la xidhiidhay saaxiibadeed Ubax war hufan oo waafi ah ayey ku hafisay, Ubax waa naag firfircoon oo fariida markiiba talo iyo tusaale ayey siisay, waxaanay u noqotay shinbir. Yaasmiin taladii Ubax kadib waxay qaadatay go’aan iyadoo soo xuuraan tay guriga uu naagaha kula qayilo Mukhtaar.

goor casar ah ayey xidhatay xijaab iyo indho shareer, waxay beegsatay gurigii uu fadhiyey albaabka ayey si deggan u garaacday waayo? Waa khadra Cismaane waa laga furay waxay codsatay in loogu yeedho Mukhtaar. Albaabka waxa ka furay wiil wax dareena muu qaadan oo muxuu u qaadanayaa, gabadh lugaynaysa ayaaba rabtee oo doonaysa; saaxiibkii ayuu u sheegay in bannaanka loo taagganyahay oo yaa u taaggan, Khadra Cismaan. Waa inoo dhaqan in sidaa fudud qofka loogu yeedho, isagoo macawista dhinaca haya, garan fiino ahna xidhan ayuu u soo kacay waa tuma? “Waa inan kuu baahan oo aanad garanayne”

Haddii dumarku kugu bataan makala garanaysid tii aad u baahnayd iyo tii wadkaaga ahayd. Waxay iska qaadday niqaabkii ama indhareer kii waxay tidhi “Indhahaygii meeye” oo ma indhuu hayaa indhihiisii ayuu kolba dhinaca u dhuftay naxdin waynaa, gabadhaadii xalaasha ahayd oo kuugu timi xero dhillo maxaad samayn lahayd adigu? Yaasmiin sidan bay yeeshay Wagar ay hoosta ku sidatay ayey madax laba ka kala dhigtay. Qaylo iyo buuq baa is qabsaday isaguna dhulka ayuu shafka daray. Markaasay ku miyir beeshay iyadoo ku qaylinaysa “Indhahaygii meeye” ma doonayo inaan halkaa dhaafiyo waayo waxaas oo kale ayey odayaashu ka garnaqaan anigu halkaas ayaan kaga hadhayaa  indhahaas lumay ayaan waddada ka sii eegayaa bal inaan arko. Indhahaygii Meeye?.

Maxamed Aadan Tarabi
Bulay571@gmail.com
Saint Louis, USA.