HIIL-SHARCI: Xaaladda Sharci la’aaneed ee Dhismaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

HIIL-SHARCI:- Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku Waa ‘Hay’ad Hore Loo Meher-Xaday,

Waana Xafiis Bilaa Sharci Ku Dhisan, Waana ‘XAFIISKA ILAALINTA RABITAANKA

MADAXDA GUUD EE QARANKA’. DHALIISHA SHARCI EE XAFIISKA X.I.G.

WAA U FURSAD JEBINTA KIISASKA RAASHINKA iyo BOQORKA CISMAAN!!

QAYBTA 1aad (AARAAR)

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige), isla markaana ah Garyaqaan Tabliiqi-Sharci ah (Voluntary Lawyer), ayaa waxa qormadan taxanaha ah aan ku soo badhigi doonaa xaaladda ba’an ee Sharci la’aaneed ee Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka, ee sababta u ah in wadanka laga waayo Xafiis huwan sifada ‘Xeer-ilaalineed’ oo difaaca Xuquuqaha bulshadan baylahsan iyo cid u ilaalisa Xeerarka dalka ee ay ku tumanayaan kolba Madaxda Siyaasiyiinta ah ee Xukuumadda Madax ka noqota. Waa qormo Bar-bilow u ah soo bandhigida xaaladda Sharci la’aaneed ee dhismeyaasha Hay’adaha dawladda ee kala duwan oo ah barta sababta dhibaatooyinka Maamul-Xumo, oo waxaan jirin Shuruuc iyo Xeer-Nidaamiyeyaal Maamul oo ay ku dhisan yihiin Hay’adaha kala duwan ee dawladdu oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL kuwaas haday jiri lahaayeen khasbi lahaa in Masuul kastaaba oo ah Wasiir iwm ay fuliyaan oo keliya wixii u dejisan hay’adda uu madaxda ka yahay. Dalkani 21-sanadood in kabadan ma sii ahaan karo mid lagu Maamulo indho-la’aan, Rabitaanka Madaxduna ma sii ahaan karo Sharciga ugu sareeya ee Dalka lagu maamulo. Nasiib Wanaag Maanta waxaa Madax ka Hay’adihii ugu sareeyey ee xaga Caddaaladda sida 1) Maxkamaddii Sare ee Dalka; 2) Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka; 3) Garyaqaankii Guud; iyo 4) Wasaaradii Caddaaladdaba waxa madax ka ah Qaar ka mid ah Ragii Sharciyaqaanadda dalka JSL ugu khibradda iyo Aqoonta badnaa, oo badanaa ka tirsan Ururka ugu weyn ee uguna horeeyey Ururada Qareenada JSL ee (SOLLA), arintaasna waa mid Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) aan ugu Mahadnaqayo magacaabista uu madaxdaas iyo kuwo kale oo badan uu u kala magacaabay xilalkaas Sar-sare ee Qaranka ee maanta ay hayaan, kuwaas oo anigu aan aaminsanahay inay u Hiilin karaan SHARCIGA DALKA; Madaxweynihii Magacaabay; Bulshada Baylahsan ee JSL iyo Dawladnimada JSL. Bilshard Waa haddii ISKAASHI ay ka helaan xaga dadka iyo Ururada Sharciyaqaanada ah iyo Saxaafadda Madaxabanaan ee JSL, iyo cid mutawac ah oo madaxbanaan oo aan Shaqo laga eryeyn oo ka dhawaajiya Daahana ka fayda dhaliilaha jira ee Sharci iyo Nidaam.

Maanta oo ah xilli ku haboon oo dalka ay ka jirto murano Sharci iyo Khilaafaad Siyaasi; Adeegsiga awoodaha Sharci uu ka dhex aloosan yahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Qareenada Difaacaya Boqr Buur Madow + Kiiska Raashinka; arinka Maamulka Maxkamadaha iyo Farogelinta Madaxbanaanida Garsoorka iyo Cabashooyin ku saabsan oo lidna ku ah Go’aankii Guddida Diiwaangelinta; iyo Cabshooyin fara badan oo Saxaafadda Madaxabannaani ay kaga cabanayso Xadgudubyo badan oo kaga imanayey Xukuumaddan Cusub iwm, oo dhammaan arimahaasi ay yihiin kuwo u baahan in si cad loogu soo bandhigo BARTA AY SARTU KA QUDHUNSAN TAHAY ee salka u ah dhibaatooyinkaas badankooda, oo ah jiritaan la’aan Nidaamyo Sharci iyo Kuwo Siyaasadeed (Lack of Political and Legal Systems).

INQILAABKII UGU HOREEYEY SOOMAALIYA EE FASHILMAY ee 1961-kii waxay Saraakii Reer-Waqooyiga ahayd ee reer Somaliland ay ku badbaadeen, waxay ahayd fursadii ay ka faa’iideysteen DHALIIL XAGA SHARCIGA AH. Sidaas si la mid ah, si loo hagaajiyo xaaladda Sharci-xumo iyo Maamul-xumo ee ka jirta dalkeena iyo Dayacaada Masuuliyadeed ee Qareenada, Xeer-ilaanta, Maxkamadaha, Baarlamaanka iyo guud ahaanba Dawladdu ee xaga hagaajinta iyo Dhugasho la’aanta Sharci, waa inay ahaadaan kuwo looga faa’iidaysto dhanka saxda ah. Sidoo kale, marunada Sharci iyo Khilaafaadka Siyaasi ee MADHALAYSKA AH ee ragaadiyey horumarkii dalka isla markaana khalkhalka iyo khatarta geliya Nabadgelyada iyo jiritaanka dawladnimo, sida kuwan maanta ka dhexjira Sharciyaqaanada iyo Ururada/Xisbiyada Siyaasadu, waa inay ahaadaan kuwo dhibaatooyinkaas looga faa’iidaysto dhanka wanaagsan. Si taas lagu suurto geliyana waa in la abuuraa JEWI SHARCIYEED. Si haddaba loo suurta geliyo arimahaas, waa in KIISKA-RAASHINKA ee ay u xidhan yihiin Badhasaabkii hore ‘XAMARJI’ iyo raga kiiskaas kula xidhan, iyo sidoo kale KIISKA-BOQORKA CISMAAN BUURMADOW, waa inay ahaadaan kuwo iyaguna hela fursad la mid ah Kiiskii Inqilaabkii 1961-kii oo kalena waa in Dhaliisha Sharci ee jiritaan la’aanta Sharci ka soo baxay Baarlamaanka JSL oo lagu aasaasay Dhismaha Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku waa inay ahaataa mid maslaxad u ah oo looga faa’iidaysto JEBINTA KIISASKOODA, Waayo Xafiis Xeer-ilaalineed oo aan Ku dhisnayn Sharci Xaq uma yeelan karo inuu Maxkamad Sharci ah (Court of Law) cid ka hor dacweeyo, oo wuxuu xafiiskaasi uu waayeyaa Xaqii Is-hortaagid Maxkamadeed (Right to Standing)!! Si arintaas loo suurto geliyana waxa halkan aan ku soo bandhigayaa qormo DHALIILID WAX DHISID ah (Constructive or Positive Critizism) ku saabsan xaaladda liidata ee Sharci la’aaneed ee dhismaha Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka JSL. Waana sidan:-

Muwaadin mudadii 21 sanadood ahayd ee Dalkan JSL uu dhisnaa, Xafiiskan Xeer ilaalintu gebi ahaanba ma laha:-

(b) Ma jiro wax Sharci ah oo kasoo baxay Baarlamaanka JSL oo tilmaamaya Jiritaanka Sharci ee dhismaha Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka; (t) Sifadiisa Qaanuuneed (Legal Status); (j) Ujeedada (Objectives) Dhismihiisu uu u abuuran yahay; (x) Hawsha-shaqo (Functions) ee uu u qabto dalka; (kh) Awoodaha Xafiiskaas; (d) Qaab-dhismeedkiisa; iyo (r) inta Waaxood ee uu ka koobanayahay, iyo Waax waliba waajibaadka shaqo ee ay dalka u qabato; (s) Lama Garanayo ma HAY’AD baa (Body or Institution)? (sh) Ma XAFIIS-baa (Office)?!! (dh) Ma Heer-Qaran-baa (National Level)? (c) Ma Xukuumadda ayey ka tirsan tahay? (g) Ma Dawladda ayey ka tirsan tahay? (f) Ma Garsoorka ayey ka tirsan tahay? iwm.

Lama garanayo Ma Xafiis Debi Ooge ahbaa!!? Ma Xafiis ka tirsan Xukuumadda oo keligood difaacabaa!!? Qofka noqonaya Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Ma Xukuumadda cusub ee la soo doorto (Shantii sanadoodba mar) ayaa iyadu soo magacaabaysa!!? Ma Dawladda ayuu ka tirsan yahay, oo uu u Shaqeeyaa!!? Ma wuxuu ilaaliyaa oo keliya Xeer Ciqaabta Soomaaliyeed (Soamali Penal Code)!!? Ma Xafiis iskii si madax banaan Dembiyada Ciqaabta ah u soo ogaa?!!, Mise Marka Madaxda Xukuumaddu ay sidaas ka dalbato ayuu Hebelo Dembi ku soo eedeyaa!!? iwm.

Waxa xaqiiqo ah Xafiis kasta, Hay’ad kasta iyo Madaxdeeduba waxay u eg yihiin kolba nooca ay yihiin Shuruucda iyo Xeerarka ay ku dhisan yihiin, waxa kale oo ay la cayn iyo Macba yihiin kolba cidda soo saartay Shuruucda ama Xeerarka ay ku dhisan yihiin. Haddii Hay’ad Qaran oo awood u lihi ay soo saartay Shuruucda Dhismeyaasha Hay’adaha Dawladda oo loona qaabeeyey in ay noqoto Hay’ad Qaran, waxa Xafiisyadu ama Hay’aduhu ay noqdaan kuwo QARAN, laakiin haddii ay cid gaar ah oo aan awood Sharci u lahayni ay soo saarto Xeerarka ama Shuruucda dhismeyaasha Xafiisyada ama Hay’adaha Dawladdu, waxay Hay’adahaasi noqdaan ‘HAY’ADO HEBEL’, Madaxda maamulaysaana waxay noqdaan kuwo ku shaqeeya Rabitaanka cidda samaysatay Hay’adda ama Xafiiska ay madaxda ka yihiin, kuwaas oo fuliya oo keliya ujeedada iyo Rabitaanka ciddaas samaysatay. Sidaas darteed, Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku waxa uu yahay ‘XAFIISKA ILAALINTA RABITAANKA MADAXDA GUUD EE QARANKA’!!. Waayo, xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Qaranku wuxuu ku dhisan yahay Xeer Madaxweyne Lambar 02 ee 16, August 1997. Xeer-Madaxweyne haddii uu waafaqsanaan waayo Sharciga iyo Dastuurka waxa Xeerkaasi uu noqonayaa ‘XEER-HEBEL’. Haddaba, Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka JSL wuxuu ku dhisan yahay oo Food-saaraha u ah dhismiisa Sharci, waa Digreeto uu qoray marxuum Ex-M/weyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Sidaas darteed iyadoo xaga hoose aan ku faahfaahindoono sababaha iyo dhaliilaha Sharci ee Xeerkaas Madaxweyne ee Dhismaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, ayaa horta halkan waxaan si kooban aan ugu soo bandhigayaa Xeer ku sheega uu ku dhisan yahay Xafiiskaasi Xeer-ilaanta Guud ee Qaranku ciddii u baahataa wxaay nuqulka asalka ah ay ka heli kartaa Cinwaanka Shabakadda internet-ka: http://www.tabliiqisharci.co.cc/2012/01/ Digreetadaas uu qoray marxuum Ex-M/weyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (ilaahay ha u naxariisto oo Qabriga ha u nuuree) oo Lambarkeedu yahay Xeer-Madaxweyne lambar 02 ee 16, August 1997, kana kooban Sideed Qodob oo keliya ayaa waxay u dhigan tahay sidan:-

 

DHISMAHA XAFIISKA XEER-ILAALINTA GUUD EE QARANKA

16 August 1997

Xeer Madaxweyne Lambar 02 ee 16, August 1997

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland:

Markuu Arkay: Qodobabada 128, 82, 145 iyo 124 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Markuu Arkay: Xeerka Nidaamka Garsoorka ee soo baxay 12 Juun1962 Dawl. Som.

Maarkuu Arkay: Xeerka Lam. 81/96 ee lagu dhisay Wasaaradda Caddaaladda.

Markuu Arkay: Qodobka 147 ee Dastuurka ee ka hadlaya dhismaha Hay’adaha gaarka ah.

Isagoo tixgelinaya: Danta Shaqada.

Wuxuu soo saaray:-

Qodobka 1aad (DHISMAHA)

1. Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ka koobmaa Xeer ilaaliyaha Guud iyo Ku xigeenkiisa oo ka hawlagala dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Xafiiska Xeer ilaalintu wuxuu u qaybsamaa waaxyahan soo socda;

a- Waax qaabilsan dacwadaha ciqaabta ah.

b- Waax qaabilsan dacwadaha iyo arrimaha madaniga ah, idaariga ah iyo kuwa Maaliyadda.

c- Waax qaabilsan kaydinta iyo faafinta shuruucda;

3. Xarunta dhexe ee Xafiisku waxay; ku taal Hargeysa, waxaana Xafiiska ka hawlgala kaaliye sare iyo hal xisaabiye iyo tiro shaqaale hadba inta looga baahdo waaxyaha.

Qodobka 2aad (Xilka Waaxda Oogista Dacwadaha Ciqaabta ah)

1. Xilka Waaxda oogista dacwadaha ciqaabta ah waxaa ka mid ah:-

b- Ilaalinta xuquuqda dawladda iyo hay’adaheeda iyo dadka aan awoodda lahayn;

t- Oogidda dacwadaha ciqaabta ah;

j- Rafcaan ka qaadashada dacwadaha ciqaabta ah;

x- Ka tilmaan-bixinta baadhista dembiyada ee Boolisku gacanta ku hayaan;

kh- Kormeeridda xabsiyada iyo xarumaha dhaqan-celinta ah;

d- Diiwaangelinta, ururinta iyo tirakoobka dacwadaha ciqaabta ah;

r- Dhammaan waajibaadyada uu saarayo Xeerka Nidaamka Garsoorku Xafiiska Xeer ilaalinta; Xeerka Habka Ciqaabta iyo Qodob kale oo Xeerka Ciqaabta ah;

s- Dacwadaha Dastuuriga ah;

2. Waxa ka hawlagala waaxdan ku xigeeno Xeer ilaaliyaha Guud; Gobol kastana waxa u jooga ku xigeen waxaanay hawshooda u igmadaan wakiilo.

3. Waaxdan waxa madax ka ahaanaya mid ka mid ah ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha guud oo uu magacaabo Xeer ilaaliyaha Guud, ahna kan ugu da’weyn xaga shaqada (Seniority).

Qodobka 3aad (Waax Qaabilsan Dacwadaha iyo Arimaha madaniga ah, idaariga iyo kuwa Maaliyadda)

1. Xilka Waaxdan qaabilsan dacwadaha iyo arrimaha Madaniga ah, idaariga iyo kuwa Maaliyadda, waxa ka mid ah;

b. Ilaalinta xuquuqda iyo dhawridda danaha dawladda si sharciga waafaqsan;

t. Ilaalinta shuruucda maamul ee daladda iyo hay’adaheeda;

j. Wakiil uga noqoshada dawladda iyo hay’adaheeda Maxkamadaha hortooda dacwadaha ay dhan ka yihiin markasta oo loo baahdo;

x. Ku gacan siinta dawladda iyo hay’adaheeda dacwadaha madaniga ah iyo kuwa Idaariga ah marka ay is difaacayaan;

kh. Talo ka bixinta dacwadaha madaniga ah iyo kuwa idaariga ah iyo kuwa Maaliyadda;

d. Dhexdhexaadinta isqabadka maamul ee hay’adaha dawladda gudahooda;

r. Diyaarinta iyo diiwaan gelinta heshiisyada ay dhinac ka tahay dawladda ama hay’adaheeda;

s. Dersidda go’aanada iyo xeer-ndaamiyeyaasha maamul ee dawladda iyo hay’adaheeda;

sh. Xil kasta oo uu sharcigu farayo Garyaqaanka dawladda.

2. Waxa ka hawlagala waaxdan ku-xigeeno Xeer ilaaliyaha guud.

3. Waaxdan waxaa madax ka ahaanaya mid ka mid ah ku-xigeenada X/Guud oo uu magacaabo Xeer ilaaliyaha Guud, oo ah kan ugu da’weyn dhinaca shaqada (Seniority).

4. Ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha guud marka ay galayaan dacwadaha Madaniga, Idaariga iyo Maaliyadda waxay hay’adaheeda ay daafacayaan ku lahaanayaan xushmadda Qareenimo oo dhan boqolkiiba 15% qiimaha dacwadda ay difaacayaan oo ka dhaxaysa doodaha iyo xafiiska Xeer ilaalinta.

Qodobka 4aad (Waaxda Kaydinta iyo Faafinta Shuruucda)

1. Waaxda kaydinta iyo faafinta shuruucda xilkeedu yahay:-

b. Daabacaadda, faafinta iyo kaydinta shuruucda;

c. Diiwaangelinta ururada samafalka ah;

j. Diiwaangelinta iyo xafidaada shaabadaha dawladda iyo hay’adaheeda;

x. Hawlkasta oo loo arko inay leedahay ilaali iyo dhawrid.

2. Waaxdan waxaa madax ka ahaanaya mid ka mid ah ku-xigeenada Xeer-ilaaliaha Guud oo uu u magacaabo Xeer ilaaliyaha Guud, oo ah kan ugu da’weyn dhinaca shaqada (Seniority).

Qodobka 5aad (Mushaharka iyo Gunnada)

1. Mushaharka iyo Gunnada Xeer-ilaaliyaha guud waa derejada A1.

2. Mushaharka iyo Gunnada Ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud waa derejada A2.

3. Derejada Shaqaalaha kale waxaa lagu dhaqayaa xeerka shaqaalaha dawladda.

Qodobka 6aad (Maqnaashaha Xeer-ilaaliyaha Guud)

Markuu Xeer-ilaaliyaha guud Jamhuuriyadda Somaliland fadhigiisa ka maqan yahay hawl darteed ama sababo kale awgeed, waxaa hawsha xafiiska sii haynaya ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud……….

Qodobka 7aad (Tirtirida)

Waxaa la tirtiray qodob kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon karin Xeerkan.

Qodobka 8aad (Dhaqangal)

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo.

Allaa Mahad Leh.

Maxamed Ibraahim Cigaal

Madaxweyne”

DHISMAHA XAFIISKA XEER-ILAALINTU WAAFAQSANA SHURUUCDAN:-

Muwaadin, Sharci ahaan Aasaaska Dhismahan Hay’adda Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranku Ma Waafaqsana 1) Axdi-Qarameedkii 1993-kii, 2) Dastuurkii Ku Meelgaadhka ahaa ee 1997-kii iyo 3) Dastuurkeenan Maanta ee la ansixiyey 2001-kii, oo ma waafaqsana Qodobadooda, kuwaasoo kala ah

1) MA WAAFAQSANA AXDI-QARAMEEDKII 1993-kii

Ma waafaqsana Axdi-Qarameedkii 1993-kii Qodobadiisan soo socda;

Qodobkiisa 17aad Xubintiisa 3aad xarafkeeda (x) ee Axdi-Qarameedkii oo si cad u tilmaamaysaa Xilka Xukuumaddu saaran iyadoo u dhigan sidan :-

Xilka Xukuumadda wakhtiga Kala-guurka waxaa ka mid noqonaya:

(x) Dhamaan Xeerarka Xukuumadda wakhtiga kala-guurka waxaa ansixinaya Golaha Wakiilada.;

Qodobkiisa 19aad ee Axdi-Qarameedkii wuxuu tilmaamayaa in Xafiiskan Xeer ilaalinta Guud uu ka mid yahay Hay’adaha Madaxabanaan;

2) MA WAAFAQSANA DASTUURKAN-kii 1997-kii JSL ee Ku Meel-Gaadhka ahaa 

Ma waafaqsana Dastuurkii ku meelgadhka ahaa ee 1997-kii Qodobadiisan soo socda;

Qodobka 128aad iyo Qodobkiisa 147aad ee Dastuurkaas Ku Meel Gaadhka ahaa oo u dhigan sidan:-

Article 128: (The Procuracy) The Procuracy shall consist of the Attorney General and his Deputies

“Article 147: (The Law of Government Bodies): Each of the special Bodies of the Government shall have its relevant law which will set out its structure, responsibilities and the privileges of its Heads.

3) XAFIISKA XIG MA WAAFAQSANA DASTUURKAN JSL ee 2001: Qodobadiisa soo socda oo iyagu ka hadlaya ‘HAY’AD’ laakiin aan ka hadlayn ‘XAFIIS’ yar (Institution or Body, But Not an ‘OFFICE”) sida:-

Qodobka 113aad xubintiisa 1aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan:-

 (HAY’ADAHA DAWLADDA EE GAARKA AH)

Hay’adaha Dawladda ee Qaranku waa:-

1) Xeer-ilaalinta Guud;

2) Baanka Dhexe;

3) Hay’adda Shaqaalaha Dawladda;

4) Hanti-dhawraha Guud.

Haddii loo baahdo hay’ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan.

Qodobka 122 ee Dastuurka JSL oo Sheegaya (Xeerarka Hayadaha) una dhiga sidan:-

Hay’ad kasta oo ka mid ah hay’adaha Dawladda ee Gaarka ah waxay yeelanaysaa Xeer u gaar ah oo qeexaya Qaab-dhismeedkeeda; Waajibaadkeeda iyo Dharsanaanta Madaxdooda

Xeerka u gaarka ah Hay’adaha Dawladduna waa Xeerka ama Sharciga lagu Aasaasayo Dhismaha Hay’ad kasta Dawladeed kaasi oo qeexa arimo badan, sida Ujeedada (Objectives) loo dhisayo Hay’addaas; Sifadeeda Qaanuuneed; Madaxbanaanideeda Haday madax banaan tahay iyo hadday hoostegayso Hay’ad kale ee ka saraysa; Hawsheeda shaqo (Functions) Awoodaheeda ay ku fulinayso ujeedooyinkeeda; Shurrucda lagu dhaqayo ee ay hoos tegayso sida Shaqaalaheeda; Maaliyadeeda iwm; Qaybaheeda; Waaxyaheeda; Laamaheeda iyo mid waliba hawsha ay qabanayso; iwm.

WAA MAXAY NATIIJADA SHARCI EE KA DHALANAYSA SHARCI LA’AANTA JIRITAANKA XAFIISKA XEER-ILAALINTA GUUD EE QARANKA?!!

‘Hal Xaaraan Ahi Ma Dhasho Norig Xalaal Ah’

Mar haddii Xafiiskaasi uu ku sugan yahay xaaladdaas ba’an ee Sharci-la’aaneed, ee gobi ahaanba aanu jirin Sharci hore loogu aasaasay dhismaha Hay’adda Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL, isla markaana warqadda FOODSAARAHA u ah dhismaheeduna ee Xeer Madaxweyne lambar 02 ee 16, August 1997 ee xiligii marxuum Cigaal, xeerkaas oo ahaa XEER-DHICIS ah, oo aanay u dhamaystirmin dariiqaddii Xeer-dejineed, oo xukuumaddii xiligaasi xeerkaas may soo marin Golihii Wakiilada ee Baarlamaanka ee xiligaas, oo xeerkaas M/weynuhu muu waafaqsanayn Qodobka 17aad Xubintiisa 3aad xarafkeeda (x) ee Axdi-Qarameedkii 1993-kii kaasi oo si cad u tilmaamayey xilka xiligaas saarnaa Xukuumaddu wuxuu ahaa sida ku cad xarafkaas (x) mid u dhigan sida Dhamaan Xeerarka Xukuumadda wakhtiga kala-guurka waxaa ansixinaya Golaha Wakiilada.. Sidoo kalena xeerkaas M/weynuhu muu waafaqsanayn  Qodobada 128aad iyo Qodobka 147aad ee Dastuurkii Ku Meel Gaadhka ahaa ee 1997-kii. Sidoo kalena xeerkaas M/weynuhu ma waafaqsana Qodobada 38(1), 55, 113 iyo 122 ee Dastuurkeenan maanta ee JSL ee dastuurkeenan maanta, oo intuba shardi ahaan jidaynaya in Xeerarka Xukuumadda ee lagu dhisayo Hay’adaha Qaran la soo mariyo Baarlamaanka JSL si ay u Ansixiyaan oo Xeerarkaasi ay u noqdaan kuwo Sharci ah.

Sidoo kalena Madaxweyne kastaaba, isgaoo cuskanaya Qod: 90aad, Xubintiisa 3aad Xarafkiisa ‘s’ ee u fasaxay inuu M/weyne magacaabi karo Xeer ilaaliye Guud oo Qaran, isla markaasna M/weyneyaashu Qodobkaas 90[3-s] mooyaane, ay si badheedh ah uga indho qarsadaan Qodobada kale ee Qodobada 38(1), 55, 113 iyo 122 ee Dastuurka, si ay u samaystaan una magacawdaan Masuuliyiin ku magacaaban Xeer ilaaliyeyaal Guud oo Qaran oo madax ka ah Xafiisyo iyo Hay’ado Dawlo oo bilaa Sharci ah, si Masuuliyiintaasi ay u noqdaan ku shaqeeya Rabitaankooda (Will of the Rulers), una ahaadaan Ilaali-yeyaasha RABITAANKA Madaxda Guud ee Qaranka, halkii masuuliyiintaasi ay magacaabayaan u ahaan lahaayeen masuuliyiin ah Xeer-ilaaliyeyaal Guud oo Qaran.

Haddaba, Muwaadiniin iyo Suxufiyiin maadaama dhismaha xafiiska Xeer ilaalintu uu yahay mid ku sugan xaaladda ba’an ee Sharci-la’aaneed, sharci ahaan dhismahan Xeerta Guud ee Qaranku, ayaa sababta natiijada Sharc-darada dhismihiisu waxay noqonaysaa sidan soo socota:-

1) Wuxuu waayeyaa ilaalintii Sharci (Legal Protection);

2) Waxa laga jarayaa Miisaaniyaddii Qaran oo uu qaadan jiray;

3) Xafiisku wuxuu waayeyaa Xaqii-Dacwadeed (Right to Sue) ee ku xusan Qodobka 28 (1) ee Dastuurka JSL, ee ah in Xafiiskaasi laf ahaantiisu, uu Qof ahaan wax u dacweyn karo, Dacwad Xeerka waafaqsana Maxkamadda awoodda u leh uu ka furan karo;

4) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa Xuquuqdiisii-is-difaacid (Right to Defence) ee ku xusan iyana Qodobka 28 (1) ee Dastuurka JSL, ee sida Qof jira uu isaga oo magaciisa iyo Shakhsiyadiisa isticmaalaya uu iskaga difaaci lahaa Dacwad Maxkamad Sharci ah horteeda (before a Court of Law) kaga furan lahaa si waafaqsan Qodobka 68aad ee Xeerka Habka Madaniga;

5) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa Xuquuqdii Matelid  (Right to Representating) Cid kale ugu doodi lahaa (on behalf of Someone) sida [Qaranka ama Dawladda ama Xukuumaddaba] wuxuu waayeyaa awoodda wax dacweynta Maxkamadda horteeda uu wakiilnimo ahaan ku meteli kari lahaa si waafaqsan Qodobka 51 ee Xeerka Habka Madaniga;

6) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa Xuquuqdii (Right to Standing);

7) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa xuquuqdii yeelasho hantiyeed (Right of Ownership of a property);

8) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa xuquuqdii uu Heshiis cid kale (Right to enter a Contract) uu kula geli kari lahaa;

9) Xafiiskaasi wuxuu waayeyaa xuquuqdii bixin-amaaheed iyo qaadasho Deymeed iyo dhammaan macaamilaadkii-sharci ee kale ee uu dadka uu la samayn kari lahaa, iwm.

Arimahaasi waxay la macno yihiin, Muwaadiniin Xaq uma yeelanayaan Xeer ilaaliyeyaasha Guud iyo Wakiiladooduba in Suxufiyiin iyo Hay’ado saxaafadeed toona midna Maxkamado-Sharci hortooda idinkagama soo dacweyn karaan,xaqna uma yeelanayaan inay Maxkamada horteeda idin kala doodaan ama dacwoodaan. Waxa keliya oo ku filan in Suxufiyiintu ama Qareenadoodu ugu horaynba Maxkamaddaas dacwaddu ay ka furan tahay ay ka dalbadaan IN DHINACA XEER ILAALINTU AY SOO CADAYSO SIFADEEDA SHARCI EE AY KU DHISAN TAHAY!!!?, markaas Garsooraha Maxkamadda ee qaadaya KIISKU laf ahaantiisu wuxuu ku Khasban yahay inuu weydiiyo, isla markaana uu Amro IN XEER ILAALINTU AY ISA SOO CADDAYSO SIFADEEDA SHARCI iyo oo Maxkamadda ay hor keento SHARCIYADDA AY KU DHISAN TAHAY XEER ILAALINTA GUUD EE QARANKU!!? idinkanu waxaad xaq u yeelanaysaan in la idin tuso iyo in la idin siiyoba Nuqul ka mid ah Sharciga ama Xeerka ama Waraaqaha ay keento waxay si dacwadda. Waayo Maxkamadda lafteeda ayaa u baahan inay hesho iyo inay ogaato sifaha Sharci iyo Sharciyadda Dhismaha Xeer ilaalinta, si ay Goa’aankeeda ugu salayso, una gaadho Xukun ku dhisan Caddaaladda ilayn ‘GARI ALLE AYEY TAQAANE’. Muwaadin haddii Maxkamaddu ay diido inay idinka aqbasho dalbkiina ah in Xeer ilaalintu ay IS-CADDAYSO, taasi waxay kuu muujinaysaa in Garsoorahaasi uu habranaayo, oo aanu dhexdhexaad ahayn, oo aan laga filan karin inuu soo saaro Go’aan Caddaaladeed, waxaanad xaq u leedahay inaad is-hortaag aad ku samaysid ama/oo aad Maxkamadda ka saraysa aad arinka u gudbisid, una faahfaahisid sida ay wax u jiraan iyo waxa aad kala kulanteen Garsoorahaas doonaayey inuu indho la’aan uu wax ku Garsooro, iyo inuu uu doonayo inuu dhinac aan lahayn Xuquuq-Sharciyeed oo ay Maxkamad kusoo hor istaagaan  (Right to Standing), ama ay cid kusoo dacweeyaan (Right to Sue), ama aan xaqba u lahayn inay metelaan QARANKA SOMALILND iyo ay sheegtaan inay yihiin Hay’ad leh Shakhsiyad Qaanuuneedba (Legal Personality) oo Xeer ilaalin sheeganaysa uu dacwad ka dhegaysto!!? Muwaadin, intaa dabadeed xaalku saddexdan arimood mid uun bay noqonaysaa oo Maxkamaddu ay yeelaysaa;

(1) In Xeer ilaalintu ay ISA-SOO-CADAYSO oo Maxkamadda ay hor keento Sharci sax ah oo ay ku dhisan tahay oo ka soo baxay Baarlamaanka JSL, oo idina aad ku qanacdaan Sharci ahaana dabadeed Dacwaddii sidaas lagu sii guda galo oo dhegaysigeedii uu halkaas ka bilaabmo;

(2) In haddii Xeer ilaalintu jiritaankeeda Sharci ay ISA-SOO-CADAYN kari weydo, dabadeedna sidaas Maxkamaddu ay ku joojiso dhegaysigii dacwadda, isla markaana Maxkamaddu sidaas ay ku Oodo Gebi ahaanba Galkii Dacwadda Ciqaabta ahaa, ilaa iyo inta laga helayo Xeer ilaalin Guud oo Qaran oo ku dhisan Sharci ka soo baxay Baarlamaanka Qaranka ee JSL; iyo waa ta saddexaade

(3) ILLAAHAY KAMA DHIGO’E In Maxkamaddu ay ahaato Mid Habrato oo ku dhici kari weyda inay Amarto Xeer ilaalintu inay isa soo caddayso oo Sharcigii ay ku dhisnayd ay Maxkamadda horkeento,