Marka aqoonyahayn la yidhaa, fikirka inta badan laga heysataa waa qof jaamacado dibadeed wax ku soo bartay oo woxoogaa dhaqanka qorbahana yaqaan, ama jaamacado wax ka soo dhigey, ama meelo dibadeed ka soo shaqeeyey, afka waaweyn ku hadla, oo dadka kale wax u sheega, muraayad cad gashada oo qof culus u eeg. Waxa uu talooyin ka bixiyaa arimaha dalka ka socda isaga oo u dhiga hab ka duwan ka dadka caadiga ihi u bixiyaan oo waxa uu soo xigtaa arimo dalal kale ka hirgalay ama ka dhacay oo uu rabo in wax laga barto. Inta badan waa qof da’diisu u dhexeyso 40 jir ilaa 70 jir. Waa fikir aad u qaldan oo daduari afduubeen oo marar badan dadka lagu jiha wafeeriyo.
Haddaad taariikhda dib u raacdo, aqoonyahanadii ahaa feelasuufyada ee giriigga u badnaa, jaamacado kamey soo bixin, reer galbeedna wax muu soo barin, waxaaney aqoonyahanno loo aqoonsadey iyaga oo aan qaar badani 30 jir gaadhin. Iyada oo ay sidaa aheyd, ayaa hadana maantadaa la joogo wixii ay iyagu sheegeen ama fikirkii ay keeneen ayaa jaamacadaha casriga ah ee dunida manta lagu dhigtaa. Taa waxa an uuga jeedaa, aqoonyahanku maaha khasab inu noqdo qof jaamacad weyn ka soo baxay uun. Waxa uu noqon karaa, qof wax bartey oo garaad iyo fikir wanaagsan keeney. Waxa kale oo uu noqon karaa qof da’ yar ama mid dhexe ama qof da’weyn.
Aqoonyahanadii cilmiyada qaarkood dejiyey sida Michael Angelo iyo Rafael, waxa ay aqoonsi sare heleen iyada oo dhalinyaro ah. Maantadan la joogo raga sameeyey Microsof iyo Facebook, waxa ay hindiseen iyaga oo 30 jir gaadhin oo weliba labaduba waxbarashadii jaamacadda meel dhexe kaga tegey iyaga oo aan dhameysan.
Inaga weli dadku da’da ayay ku kala danbeeyaan, oo waxa ay rumeysanyihiin, in kuwii iskuulada ka hor galay oo malaha ka waaya aragsanaa iney ka caqli badanyihiin, sidaa darteedna ay xaq uuga leeyihiin iney ama taliyaan, ama wax sheegaan ama tooda la maqlo. Khasab maahaa taasi. Jiil kasta iyo da’ kasta aqoonyahan ayaa ku jira da’diisu inta ay doonto ha noqotee. Khasab mahaa inad ku socdo talada kii kaa horeeyey. Caalamka an joogno haddaad u fiirsato, markasta ardey ayaa macalinkiisii dhaafayey oo la imanayey wax ka sareeya wixii macalinku u dhigi jirey.
Berigii hore, dadka in yar ayaa wax baran jirtey oo fursad u heli jirtey iney iskuulo galaan. Dhalinyarada fasalka 8 aad ka baxa ayaa la odhan jirey mutacalimiinta. Berigii danbe ayay kor u kacdey oo qofka dugsiga sare ka baxaa wuxu ahaa mutacalim weyn oo imtixaankii GCE da dhameeyey. Markii danbe ee dad woxoogaa ihi jaamacado galeenna, jaamicigu isgaa ahaa qofka aqoon iyo heykal sare looga danbeeyo.
Yaa aqoonyahan lagu sheegi karaa maanta bulshadeena? Aqoonyahanku waa qofka aqoon aasaasi ah leh ee ilaa shaahadad jaamacadeed qaatey ama wax u dhigma ee ku darsadey fikir wanaagsan iyo ficil iyo niyad inu wax bedelo. Inkasta oo laga yaabo in xagga danbe laga aqoonsado, saasaanta aqoonyahanka wanaagsan waxa la arkaa intaan da’diisu aaney gaadhin 30 jir ama marka uu madaxa la galo 30 ka. Waa xiliga kartida qofku u weyntahay, ee khatarta qaadan karo ee uu wax bedeli karo. Dadka da’da weyn waxa loogu yimaadaa in sida wax loogu dhiibey uun ay wax u wadaan ooney waxba bedlin ama ay iska ururiyaan iney wax bedelaan.
.
Aqoonyahan dhabta ah ee bulshadeenu wuxu ku dhex jiraa dhalinyarada 7 sanadood ee u danbeeyey jaamacadaha ka baxdey ee dabka hoose ku shidanyahay. Waa kuwa iney qarxaan doonaya balse aan weli helin fursadii ay ku qarxi lahaayeen. Waa kuwa tiro ahaan uugu badan dadka aqoonta bartey. Waa muhiim iney dhalinyaradaasi inta ay yaryihiin doob dilaacsadaan, oo ay dumiyaan gidaarka ku gudban ee nolosha, haddii ay tahay dhaqaale iyo siyaasadba. Waa inaaney marti uun u ahaan dad wakhtigoodii qaatey oo maamulka iyo hoggaaminta dalku u tahay shaqo labaad.