Aniga oo ku hadlaya Magacayga, kan Hogaanka Xisbiga KULMIYE,kan Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye, Kan Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxaan Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii,Asxaabtii iyo dhamaan Shacbi waynaha Somaliland Geeridii Naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum: Dr.Cabdishakuur Sh.Cali Jawhar oo maanta Geeriyooday.
Waxaan Marxuumka Illaahay uga baryayaa inuu Naxariista Janada ka waraabiyo Ehelkiisiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin…………………..Aamiin…………………….Aamiin.
Md. Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE