“Gabayga Wasiir Xirsi waa gabay siyaasadi ku jirto maahana gabay ka daacada ee dadka ayaa lagu mashquulinayaa, waana ayaan darro inay….” – W/Q: Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

Xirsi xaaji cali xasan waa halyay umaddii mashquuliyay laakin aanay iyaguna iska fahmin inuu ujeedo ka leeyahay gabayga

farxanMarka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

Xirsi xaaji cali xasan waa halyay umaddii mashquuliyay laakin aanay iyaguna iska fahmin inuu ujeedo ka leeyahay gabayga.

Bulshada somaliland waa bulsho ku caan baxday inay hadal hayso wax la idhi ,wax dhacay,waxa iman doona taas oo ay isku mashquuliyaan waxaanay dan ugu jirin. Taasna waxay ka mid tahay waxyaalaha hoos inoo dhigan markaa dadwaynaha somaliland meelkastooy joogaan waxaanu sheegayaa in aanay wakhtigooda iskaga lumin waxaanay waxba kaa faaideyn oo aanay dani ugu jirin .

waxa Ayaan daraa in saxaafada iyo bulshada intooda badan  hadal hayaan nin yaroo gabyay oo ku gabyay  markuu dadkii iskaga taagwaayay taana wuu ku saxsanaa laakin miyaanay ka xumayn cidan hadh iyo habeen hadal haysa . hadal waa mar un laakin lama soo celceliyo.

Waxaan aad ula yaabay dadkan dantoodii garan la,e e xirsi un  hadalhaysa gabaygiisii , imisa gabay  oo qiimo leh baa la tiriyey oo ay tiriyeen dad qiimo ku leh caalamka oo aanay  cidnaba  hadal hayn marka loo baahdo un mooyaane  . dadkuna ma fahansana ujeedada ka dambaysa .

Waxaana looga baahan yahay cidkasta inay ka fikiraan gabayga iyo sababta ,xirsi ma gabyaabuu ahaa maxaase ka dambeeya gabayga. Miyaanay ogayn in lagu jiro wakhti xaasaasiya oo dawladeenu u dhaxayso laba un mid dooro.

Hadal iyo dhamaan waxan idin leeyay dadwaynaw noqda dad meel dheer wax ka eega ee ha noqonina dad hadal  yar oo aan waxba ahayn wax ka soo qaada oo isku mashquuliya .

Xirsina waxaan leeyahay xirsaw gabay lagaagama baahnee wax qabad baa lagaaga baahan yahay ummadana daaacad u ahaw kana daa mashquulka aad galinayso iyo gabayga bilaa macnahaa.

Umada reer somaliland  waxan leeyahay ninkaas xirsi waa masuul qaran wuxuu  gabaygaa uga jeedana haday qayr tahayna ilaahay ha siiyo qayr keeda haday xumaani ku hoos jirtana ilaahay ha siiyo xumaanteeda.

Maanta lama taagna wakhti la gabyo ee waxa la taagan yay wakhti somaliland ay god madaw gali doonto haday ku sii socoto sidan waayo umadeenu waxay hadal haysaa xirsi, miyaanay ogayn in dalkeenii iyo dadkeenii la qabsan doono oo dadkeenii iyo dhalinteenii ka tahriibeen miyaanay ogayn in dalkii cidkastaa soo galayso, miyaanay ogayn in dadkii yaaban yahay, miyaan la ogayn in dhulkeenii oromo soo gashay oo ay ku tarmayso, dadkeeniina ka tahriibeen oo is waydaartan socdo. taasina waa masuuliyad ka maqan dadkeena inay gartaan oo ka hadllaan dhamaan dhibaatooyinkaas oo dhan laakin loogama baahna nin yaroo adoo kale inuu ku mashquuliyo oo uu kaa mashquuliyo inaad fikirto oo isaga un aad hadal hayso.

Laaakin aynu ka hadalno wixii dan guura xirsina gabaygiisu isaguu gaar u yahay ee ummadu waxba kama faaideyso qasaare un mooyaane.

Gabogabo.

Waxaan leeyahay ummadeena xirsi wuxuu ahaa nin aan dadku aqoon laakin cida wax ka dhigtay waa shacabka iyo hadal hayntooda isaguna wuu helay intuu rabay. Runtii qofka haddii dadka hadal hayaan oo ay xaga xun ka eegaan waa Ayaan daro ee u daaya shaqadiisa xaga wanaagsan ka eega isaguna dadkan wax ka dhigan haw shaqeeyo daaacadna haw noqdo haddii kale mar aan maanta ahayn ayuu garan oo ay ka kulushay. Dadkaaguna ha kuu sinaadaan ee ha kala jeclaysan tusaale ahaan xafladii uu ka gabyayay dadka gacanta ku hayaa waxay u badnaayeeen dadkay xirsi isku qaraabo yihiin taasina waxay ky tusaysaa cadaalad darada iyo kala jeclaysiga.

Isagana waxaan leeyahay xirsaw macno keen gabay macno maahee dad iyo dalbaad masuul ka tay oo aad wasiir u tahaye dadku wax  ay  ku qan caan keen . dadkana waxaan leeyay ninkaa ha laga daayo wax kasta oo uu dhibsanayo isaguna dadka yaanu iska dhex saarin oo wanaagsan oo dan guuda ha qabto .

F.G

Hadal tagay tiigsi ma laha ilaawa xirso gabaygiisa

Wixii shalay ilaw oo waxa maanta  taagan ka hadal

Hadalkaagu ha noqdo mid faaido u leh cidkasta

Hadal haynta waxa ka wanaagsan inaad iska ilawdo wixii la soo dhaafay.

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 002522-4400319

 Hargeisa

Social activist

Thank you all

Post number:  RP23