Gabay Baroor-diiq ah: Cadaab lama tusaan – By A.A. Garas

Gabaygan waxa loogu baroor-diiqayaa alle-haw-naxariistee, marxuum Abwaan Muuse Aaye Faarax, oo ka mid ahaa ilayskii abwaanada geeska Afrika, oo Jimcahii 17-August-2012 lagu aasay Hargeysa, waxa habeenimadaa jimcaha curiyey abwaan A.A.Garas. waxaanu ku bilaabay:

Cabdil-qaadirow, dhimasho waa lagama cawdaane;

Cimri-dherer-ba, gabow bow coloo looga caal heline;

Caruuska iyo dhimashays-ku xiga waa casaadaba’e;

Dhaaxay nimaan caan ahayn noo cambariyeen’e;

Xiddigahan casuustiyo cirkaa ximirku caaryeystay;

Cumdahaa galbaday buu ogyihiyo caaqilkii Aaye;

Culayskuu lahaa buu dayaxu caad la meersadaye;

Calaamaadkii Weli inuu lahaa waxa cadeynaaya;

Caarada danbaysee bil soon laga cibaadaysto;

Cishadii khamiisti iyo jimcaha lagu carowsiiyey;

Cawo iyo ayaan buu lahaa caaqilkii Aaye;

Cabsi lama tusaayiyo isaga meel cidhiidhiyahe;

Innagaa cadceed weynay iyo calankii sheed-dheere;

Ciirsi li’i dhul baa haawadoo ciyowgu ooyaa’e;

Cawskiyo iyo dhirtaa ciirtayoo qubay caleentiiye;

Cadaab lama tusaan waxuu ahaa ruux cajaa’ib ahe;

Caqiibooyinkuu dhigay hadaan cidhif tusaaleeyo;

Gumaysigii cadaa geesiyadii caymanka u gooyey;

Ee ciidda Somaliland cawda uga laabay;

Cartankii Siyaad lagu ridiyo celiyeydii guusha;

Carab danablihii buu ahaa cadowga naafeeyey;

Cirsan yeedhkii guubaabadee taliska cayn qaaday;

Ee ciidamada dhiiriyee cududda weyn beeray;

Caroogii libintuu ahaa Muuse caliyowe;

Cadaab lama tusaan waxuu ahaa ruux cajiib badane;

Colaadihii sokeeyaha markii curufku oogmaayey;

Caqligii siyaasigu markuu caannad tari waayey;

Ciroolahii guntayaday ee arlada nabada caynaanshey;

Cadkuu geesi kariyuu fuluhu cuni ogaadaaye;

Ragii tallada ceelka u galee cadday ka dhuubnaaday;

Kacaankii Cigaal niman qarkii loo cayimay hawsha;

Caqabadaha ragii nagu guruu noo cugnaan jiray;

Carradaa nagaatiyo dalkaa haatan lagu ceesho;

Cutubkii rakibay buu ahaa Muuse caliyowe;

Cidba la sinayn Muuse Aaye curinta suugaane;

Caalamkoo dhan baa laga ogyuu caarif ka ahaa;

Cumdihii abwaankuu ahaa cuur la hoos tagee;

Cilmi barashadiisuu ahaa caalim dhaqameede;

Ciliyiinka jannadii ahayd caadil kugu soorye;

Canabkii fardowsaad rabigu kugu casuumeeye;

Wadankana cawilid khayr qabiyo caano nabadeed;

Dhamaad.

Waxa curiyey Abwaan A.A. Garas.