Fadeexad horleh oo fursado shaqo lagu musuqmaasuqay oo dul hoganaysa wasaaradda Xanaanada xoolaha

Waxa sharciga shaqaalaysiinta dawladu dhigayaa in fursadaha shaqo ee ka banaanada wasaaraddaha ama hay’adaha dawlada lagu baahiyo (lagu xayaysiiyo) warbaahinta maxaliga ah si ay muwaadiinta shaqo doonka ahi u soo codsadaan shaqooyinkaas banaan (Job Vacancy).

Arrin WeynSidaa darteed, hay’ada shaqaalaha dawladu iyada ayaa u xilsaaran in ay baahiso fursadahaas. Haddaba waxa afartii sano ee u dambeeyey wasaaradda xanaanada xooluhu qaadaneysey shaqaale aan loo marin nidaamkii shaqaalaysiinta ee ahaa in hay’ada shaqaalaha dawladu xayeysiiso si dadka aqoontaas iyo waaya-aragnimadeeda lihi u codsadaan uguna tartamaan fursadahaas.

Waxa xusid mudan, maanta oo ay taariikhdu tahay 6/17/2014 in wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Dr Cabdi aw Daahir imtixaan uu isagu diyaariyey ka qaaday dad uu isagu si hoose u qortay oo aan la baahin, waxa wax laga xumaado ah in hay’adii shaqaalaha dawladda ee shaqadan lahaydna ay ku raacdo si ay cadaalad-darrada iyo dulmiga u laban laabto.

Wasiirka xanaanada xoolaha oo kaashanaya gudoomiyaha hay’ada shaqaaluhu waxay kufsadeen nidaankii shaqaalaysiinta qaranka iyaga oo taa badalkeedana qoranaya dad ehelkooda ah ama ay isku beelyihiin.

Sidaadarteed, mudane madaxweyne waxaanu kaa codsaneynaa in aad arinkaa wax ka qabato si ay cadaalada shaqaale qoristu u guuleysato isla markaana shaaqaaleysiinta ku dhisan musuqmaasuqa qabyaalada indha-la’aanta ah meesha looga saaro.

Magacyada dadka ku Saxeexan qoraalkan

1)    Faarax Ducaale Jamac

2)    Cabdalle X. Saleebaan

3)    Guleed Maxamed Cabdi

4)    Xasan Sulub Caalin

5)    Warsame faahiye Cali

6)    Siciid Cismaan Cali

7)    Foosi Yaasiin Sacad

8)    Xuseen Baashe

9)    Maxamed Rashiid saleebaan

10) Maxamuud Xasan Waaberi

Wabilaahi tawfiiq