FAALLO: Buugga Gorfeynta Silsiladdii Deelleey – W/Q. Faarax Maxamed

Ummad waliba si ayey u kaydisaa taariikhdeeda iyo sooyaalka nolosheeda. Dadka soomaalida oo ah ummad aan wax akhris-qorriinka  aad ugu horayn, waxa Ilaahay

hibo u siiyey murti afeed lagu magcaabo suugaan. Suugaantaa ayaa in badan loo adeegsadaa hab xusuus qor ah oo la isugu tebiyo  awaala waranka  iyo faaleynta  dhacdooyinka dunada soo mara islamarkaana lagu odorsaa  mustaqbalka iyo waxa u soo sido si casharo wax ku ool ah looga kororsado.

Hadaba buug dhowaan soo baxay ayaa qoraaga Ibraahin. Y. Axmed oo loo yaqaan ‘Ibraahin Hawd’ waxa uu ku gorfeeyey; maanso suugaaneedii loogu magac daray ‘Silsiladdii  Deelley’ taasoo ka curatay geyiga soomaalida dabayaaqadii todobaatanadii socotayna ilaa horaantii sideetankii.  Silsiladan oo lagu tilmaami karo ta ugu hodansan suugaanta soomalida ee casriga ah, waxa ay si qoto dheer inoo dareensiinaysaa waayihii iyo waqtigii la soo maray.

Waxa ay ina xusuusinaysaa in ay jireen ummad soomaaliyeed oo miyir qabta oo fekerta oo dooda waa intii aan dilka iyo umulo dooxa la iskula dhiirran, wax kale oo ay ina xusuusinaysaa in uu  beri  jiri jirey qaran soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Buuggan la magac baxay ‘Gorfata Silisiladdii Deelley’ waxa uu gorfeyn iyo falanqayn qoto dheer ku sameynayaa laba diiwaan oo hore loogu ururiyey maansooyinkii ku jiray Silsilada Deelley. Iyada oo ay Deelley tahay silsilada ugu baaxada weyn ee abwaano intaa tiro iyo tayo lehi ay ku kulmaan-( wax ay ka koobnayd 67 maanso waxana ka qayb qaatay in ku siman 50 abwaan) isla markaana ay badan tahay siyaabaha loo dersi karo, iyo hillinada loogu aroori karaa; tusaale ahaan; xag siyaasadeed, xag raad raac taariikheed, xag sarbeeb, iyo xag murti afeed iyo suugaaneedba.  Ayaa waxa uu qorragani xooga saaray  baadhitaan dheer na ku sameeyey ; arrin ku saabsan xidhiidhka ay maansadani la leedahay siyaasadii qabyaaladeed, ee bilaabaatay xilli ku dhaw markii ay Deelley soo baxday. Buugga xoogiisuna arintaa ayuu ka waramayaa.

Farriinta Deelley:

Maansada Deelley oo sidedeeba loo curiyey in lagula dagaalamo anshaxa qabyaalada ayaa laga dhiibanayaa aragtiyo kala duwan, isla markaana la isu duur xulayaa, mar waa la kala shakiyayaa, waxyaabo aan la isu muujin jirin oo ceeb ku ahaa dhaqanka iyo ilbaxnimada ummada ayaa la dhaawaacayaa. Marka danbena waxa soo baxaysa in aanay Deeley waxba ka tarin dhaliilida anshaxa liita ee qabyaalada,  waxana ka soo baxay  is afgaranwaa aad loogu kala fogaaday, kaa soo keensaday in la kala shakiyo, la is tuhmo marka danbena la isu badheedho, dawlada lafteediina lakala xigsado. Ayaandarada soomali heshayna halkaa ayey ka soo unkantay sida uu qoraagu soo tebinayo.

Waxa uu qoraagu xusayaa isaga oo u cuskanaya halhayso dhaqanka soomaalida ku jira, in la isla fahmi waayey macnihii dawladnimo ee baahida loo qabey, in la eeday oo aan la manaafacaadsan, in aad la isku maan dhaafay markii lagu shabahay ‘Tulud’ geel ah oo la amaanayo laakiin aan la garan wax kale oo ay ku fadhido iyo qiimo kale oo ay leedahay.

Legdankii iyo loolankiina uu u batay dhaqankii baadiyaha hashii Maandeeeq ee magaalada joogtayna ay u ekaatay oo ay ku dhex luntay geelii badnaa ee miyiga joogay, dhaqankii iyo dabcigii miyiguna oo ka xoogbatay kii magaalada, ilbaxnimadii, dawladnimadii iyo wixii ummad ka dhexeeyey ama ka dhexayn  lahaana halkaa ku baabeen.

 farriintaa ayuu buuggani marba dhinac innaga tusaayaa isagoo ina dereensiinaya sida uu u fashilmay garaadka wanaagsani, sida ku talagal iyo ku talo gal la’aanba loogu guuldaraystay xejinta qaranimadii iyo dawladnimadii loo soo halgamay ee naf iyo maalba loo huray.

Waxa kale oo buuggu qaybaha danbe inoogu soo tebinayaa arimo kale oo ay Deelley ka hadashay oo ka mid ah dhaqanaddii  iyaguna sida ba’an ugu dhexfaafay bulshada, dawlad iyo shicibba sida Eexda, Laaluushka iyo musuqmaasuqa, gunaanadkana waxa uu inoo tilmaamayaa sidii ay sadaashii Deelley u rumowday.

Dhaxalka Deelley:

 Maansada Silsiladdii Deelley iyo inta la casri ah ama la ujeedo ahi waxay u taaganyihiin oo tilmaamayaan marxalad iyo waqti ka mid ah taariikhda ummada soomaaliyeed soo martay, taaso haddii aan la kaydin si fudud lagu illaabi lahaa, isla markaana waxa ku duugan casharo badan oo faa’iido u leh jiilasha danbe.  Runtii ma arag mana akhriyin raadraac suugaaneed, ku saabsan taariikhda iyo hidaha soomaalida oo ka hodansan ka ku jira maansada Deelley sidaa awgeed waxa haboon in lagu daro manhajka wax barashada ee dugsiyada. heer kasta waa ay la jaan qaadi kartaa.

Gebegebo:

Waa dhif iyo naadir in aad akhrido buug af soomaali ah oo ku kooban ama ka hadlaya Faaqidaad iyo Gorfayn/Naqdi keliya, sidaa awgeed buugga Gorfayntii Deelley waa buug ka duwan buugaagta kale ee laga qoray  suugaanta soomaaliyeed. waxanan filayaa in isagoo kale aan hore loo qorin, marka la eego mawduuca uu ka hadlayo. Waxa uu diirada saarayaa  mawduuc aan hore wax looga qorin, isla markaa waxa uu furayaa albaab cusub oo laga geli karo, suugaanta soomaaliyeed. Waxana uu hordhac u noqon karaa in la furfuro oo la sharaxo ama laga doodo suugaan badan oo weli qeedhiin oo aan ilaa hada lagu dhiiran in la furfuro oo la faaqido.

Waxa uu daahfur u noqonayaa cilmi iyo aqoon cusub oo lagu ,magcaabi karo ‘Gorfayn’ ama Naqdi. Isla markaa waxa uu bilaabi karaa in hadda wixii ka danbeeya suugaanta soomaaliyeed aan duuduub lagu liqin qaybteeda maansada ah. marka sida buuggan oo kale loo shaandheeyo waxa ay leedahay xiise gaara ah. In arin noocan ah soomaali lagu soo tebiyaana waa libin u soo hoyatey af soomaaliga.

Buugga Gorfaynata Silsiladdii Deeley waxa ka boggan kara oo macnihiisa oo dhanna la soo bixi kara qofka hore u akhriyey Maansadii Deelley Diiwaanada laga qoray ama mid ka mid ah si uu u helo nuxurka gorfayntan.

Qorraaga Buuggan  oo aan qalinkiisuna innagu cusbayna waa uu ku mahadsanyahay sida uu mar kale xiisaheena u kiciyey.

W/Q: Faarax X. Maxamed