Taariikhdu wanaag, farxad iyo murugo mid ay tahayba iyada aya isa soo celisa , waxaan xusuustay waqti laga joogo 12 sanno oo aaan ku jiray dugsiga dhexe dhacdo ka dhacday fasalkii aan wax ku baranaayey markii Cabdiraxmaan maxamed Cilmi oo ahaa saxiib aanu isku naf ahayn/isku dheerayn looga yeedhay xafiiska laga maamulo dugsiga gaar ahaan qaybta la soo joojiyo ardayda xukun ciqaabeedka lagu fulinaayo iyada oo xiisadii ugu horaysay ee qaybta labaad ee nusasacaha ka dambaysa lagu jiro ayaa macalin Xasan oo ahaa maamulaha fasalkayaga/form master uu cabdiraxmaan si cadho leh ugu yeedhay manuu sugin intii uu kacaayey ee waxa uu iskugu daray dhirbaaxo, janjiidho iyo
– waliba in uu gacanta ugu garaacay kursi qaybta wax lagu qoro ee uu cabriaxmana fadhiyey, “waar kac adaan kula hadlayaaye ayuu ku celceliyey ilaa toban jeer laba daqiiqo waqti aan ku qiyasay gudahood Cabdiraxmaan markii uu baxay isaga oo arga-gaxsan waxa hal mar aamusay fasalkii oo ka koobnaa 88 arday oo dhammmaan wiilal ah anigu waxaan ku jiray ardaydii aadka uga naxday macalin Xasan madaama aanu isku kursi ahayn labada Number ee aan ku xaadirnaanan ay kala ahaayeen 31 iyo 32.
Cabdiraxmaan markii maamulka dugsiga loo geeyey waxa loo sheegay in uu sameeyey falkii ugu xumaa ee arday dugsiga wax ka bartaa uu ku dhaqaaqo muddo 60 sannadood oo dugsigaasi dhisnaa, madaama uu Cabdiraxmaan uu ahaa saxiibkay isla markaana aanan wax dambi ah oo uu faraha kula jiray ku ogayn waxaan go’aansaday in aan ka daba tago waanan kacay walaw uu aliflihii fasalka/kaabe galaaskii uu ii diiday hadana baryo ka dib ii ogolaa waxaan meel daaqad ah ka fiiriyey macalin Xasan iyo Maxamed oo qaabilsanaa arrimaha ardayda oo laba ulood hareeraha kaga kala jira Maxamed waanan ka baqay in aan qolka yar ee kooban ee ay ka socoto ciqaabta Cabdiraxmaan galo hadana waxaan jeclaysanayaa in aan wax ka ogaado arrinta saxiibkay . waxa igu soo duulaysa Maxamed oo marka uu usha ku dhuftaba ku leh Cabdiraxmaan erayadan ” dib maad u qori waxan oo kale ? ma waxaad rabtaa inaad edeb darro cusub na barto ? Cabdiraxmaan si qayliyo cabsi ku jiro ayuu u leeyahay alla Macalin maya walaahi u noqon maayo ? macalin Xasana waxa uu leeyahay maxamedaw ninkan diirka ka siib.
arrintii ayaa dugsigii wada gaadhay madaama uu Cabdiraxmaan qaylo xoogan ku dhuftay ardaydii wali ma wada xarooon oo qaarbaa dhuumasho ku gelaaya fasaladooda kuwa kalena daarada ayey iyaga iyo macalimiintii is eryanayaan waxayna u badan yihiin kuwa iskiriiin dhagaxa oo ay ku nusasaacaynayeen ku raagay uu gu biyoobo . macalimiin iyo arday u badna kaabe -galaasyadii ayaa isa soo tumay qolkii yaraa ee Maxamed lagu maxakamadaynayey hortiisa la kala qabay maxamed iyo macalimintii waxayna u eekaatay saddex nin oo labadood nin iskugu tageen madaama ay ciqaabtu u muuqatay mid ka weyn ta caadi ahaan dhex marta arday iyo macalinkiisa waxayna xaaladu noqotay in si cadaalad ah loo weydiiyo macalimiintii ninkan/cabdiraxmaan waxu sameeye hal mar ayaa toban qof dad aan ku qiyaasay ku dhawaaqeen maxuu sameeyey ? macalin Xasan oo cabdiraxmaan u arka in aan wali laga jarin ciqaabtii uu mutaystay ayaa ku dhawaaqay bal eega waxa uu ninkan qoray waxaanu jeebadiisa macalinku ka soo saaray macalinku warqad nooca imtixaanada lagu gali jiray ee bayaada loo yaqaano(warqad A4 leeg ee liidimaha leh/xariiqaha )macalingoobta taagnaa ayaa fiiriyey waxaanu ka codsanay in uu kor u akhriyo madaama aanan wada eegin Karin , erayadan ayuuna ka akhriyey waqrqadii” anba kuguma dhaafeen hadday taadu dheelide’e maxaa dhacay dhankaagay u jiiftaa dhaliishuye, ma dhiiradu nimaan garab wax lagula dhisaynine naftan dhool hilaaciyo dhibic baa u muuqdee, anna dhaawacaygii jacayl dhidibka aastay la dheel dheeliyaayeey” oo ku jirta hees uu qaaday maxamed saleebaan tubeec dad badan ayaa u arkay in cabdiraxmaan qalad loo garaacay hadana sida caadada ah macalin iyo arday looma garnaqo xataa haddii uu macalinku qaldan yahay cabdiraxmaan oo wajiga laba meelood kuusan yihin gacana ta kale kor ugu haya ayaa fasalkii ku noqday arday fasalku waxay sugayaan natiijada dambii lagu eedeeyey cabdiraxmaan qaarna wali waxayba ka sii naxsan yihiin qaabki loo qabtay cabdiraxmaan iyo waliba qayladii macalin Xasan , macalin Xasan ayaa soo galay fasalkii waxaanu noo diiday in la soo hadal qaado cabdiramxaan arintiisa horena waxa laga galay xiisadii uu isagu u lahaa waxayna ahayd xiisad carabiga loogu yeedho Imlaa’ oo ka waranta qaab qoraaleedka saxsan ee carabiaga waana la yeedhinayaa cabdiaraxmana waxba ma qori karo oo gacantii uu wax ku qori lahaa waa dhaawac laakiin ma sheegi karo oo macalinka kuma odhan karo macalin anigu ma qori karo oo gacanta kale ayuuba u baqayaa aniga ayaa isku dayaaya in aan cabdiraxmaan kiisa iyo kaygaba wada qoro aniga oo macalinaka iska eegaya sidiibaanan ku dhamaynay xiisadii markii la rawaxay waxaan ka mid ahaa raday nasiib u heshay in uu cabdiraxmaan nooga waramo erayada uu qoray ee uu ciqaabta ku mutaysay waxu u noo sheegay in uu shalay uu warqada kaga rawaxay fasalka isla kursiga u fadhiistana uu geliyey meesha buugaagta la dhigto warqadana uu ka soo iibiyey lacag uu kala hadhay nusasaacihiisii waxaanu cabdiraxmaan noo sheegay in uu ogaaday inaay kursigiisa ay gelinka dambe fadhiisato Hinda Cabdi oo ah ardayad ay muddo sheeko wadaag ahaayeen isla markaana uu noogu tilmaamay in inta uu danaynayo in ka yar ay iyadu danayso hindana ay heshay warqada ka dibna hooyadeed u gaysay iyada oo dacweoonaysa hoooyadeedna ay saaka kula soo kalahday dugsiga sidaasina loo ciqaabay cabdiraxmaan .
waxa xusid mudan in cabdiraxmaan oo saxiibtinimada ka sakaw aanu isku xaafad ahayn oo anaanu duhurkii isa sii raaci jirnay aanu sii mari jirnay waddo hor marta istuudyaw Arraweelo la odhan jiray waxana maalin ku beeganay iyada oo ay ka baxayso heestii Tubeec ee erayadeedu ciqaabta u noqdeen Cabdiraxmaan , cabsi uu qaady darteed cabdiraxmaan waxaanu ka leexan jirnay markaanu u dhawnahay arraweelo oo jid kale ayaanu mari jirnay.
haddaba maalin aan ka foagayn waqtigan aan qoraalka qoray ayey heestii ka soo gashay idaacad aan dhagaysaneyey go’aan aanan maamuli karin ayaan ku bakhtiiyey idaacadii waxaanan is weydiiye tolaw adna ma lagu maqlayaa aniga oo hareeraha iska eegaya.
W/Q- Cumar Cali Xasan “Seerbiya