“Doqontu way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato” -.Cumar Axmed Cali

Murti Somaliyeed ayaa tidhaahda doqoni way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato.

Waxaan uga jeedaa, maanta oo kale markay xaaladuhu sidan u cakirmaan, waxa loo ciirsadaa dowladnimada oo dhabarka u ridata duruufa iyo waayaha qalafsan ee shacabka soo food saara.

Laakiin nasiibdaro, innagu qarankii aynu maanta oo kale ku baxsan la hayn hore ayaynu qabyaalad ugu curyaaminay, mana miro qaran awood ahaan maanta dabooli kara, baahida ay shacabkeenu la tiicayaan.

Haddii aynu maanta mudaharaadno iyo haddii aynu af qoti ku ooynana, midna abaaraha iyo sixir bararku ku joogsan maayaan, maxaayeelay, sixir bararka inna haystaa maaha mid gudaha ka dhashay ee waa mid dibada inagaga yimid, wax qudha ee maanta oo kale lagula tacaali karaana waa, awood dhaqaale iyo mid maamul oo horumarsan, saasina maaha mid ay maanta indhaheenu arkayaan.

Haddii koontiinarada ameerika ayaa ama shidaalka ay wadamada Carabtu soo saaraan, ama bariiska ay hindiya iyo pakistaan beertaan, aynu halkan ugaga muddaharaadayno waa sideeda, laakiin wax kale oo maanta faraha innoogu jiraa ma jiraan, marka laga reebo in aynu innagu dhexdeena is caawino Ilaahayna u toobadkeeno.

Sideedaba marka ay xaaladahan oo kale dhacaan, dowladuhu waxay qaadaan talaabooyinkan soo socda: Sixir bararka waxay ku maareeyaan, in ay alaabooyinka qaaaliyoobay kab ku sameeyaan, si uu qiimuhu halkii uu ka yimid ugu noqdo, ama se cashuurta ayay dowladdu ka dhaaftaa, si qiimuhu hoos ugu dhaco, labadaa midna awoodeedii innooma muuqato.

Sidoo kale markay abaaruhu dhacaan, dowladuhu waxay ku maareeyaan in dadkii abaartu wax-yeelaysay ay quudin iyo dib u dajin u sameeyaan, wixii xoolaha uga hadhayna calaf ayay ugu raadiyaan, laakiin se taa sugideedu maanta, waa riyo maalmeed uun.
Ugu danbayn, haddii ay bulsho ahaan innaga dhab tahay rabitaanka qaranimo maanta oo kale loo baxsado, maxaynu maalin walbana ugu taagan nahay qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada?.

Maxaynu maalin walba dowlanimada ugu miisanaa galaanka qabyaaladda, ee aynu u yagleeli waynay qaran maanta oo kale la irkado?.

Maxaynu maalin walba codkeena qabyaaladda iyo beelaysiga ugu hiilinaa, ee aynu qarannimada ugu hiilin waynay?.

Maxaynu maalin walba caqabadaha ugu gudubnaa, marka la damco in la soo saaro khayraadka dihin ee dhulkeena ceegaaga?.

Ummad waliba waxay dowladnimada gashato ayuun bay ka heshaa.

Ninba tacabkii togaay kaa maal.

cumaraxmed331@gmail.com