Doolarkiibaa Jabay: Waa Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo – Qalinkii Mustafe Cabdi‏

dallarLaba todobaad ka hor ayey ahayd markii madaxweyne Siilaanyo daboolka ka qaaday inay ka go’an tahay in qiimaha doolarka oo dhawaan cirka isku shareeray dib loogu soo celiyey halkii uu hore u ahaan jiray dhawr sano ka hor oo ah lix kun iyo shan boqol oo ah lacagta Somaliland.

Baanka Dhexe iyo guud ahaan Bagiyadda kale ee dalka waxaan odhan lahaa maanta jaanis ayaad haysataan ee halkaas ka sii wada xoojinta iyo awaamiirta dawlada ee ah salka u dhigida iyo xal u helitaanka qiimaha lacagta qalaad ee dalka laga isticmaalo.

Shacabka Somaliland haddi ay dani ugu jiri waydo qiimaha doolarka ee jabay waxay noqon doontaa mid ay fahmi waayaan, iyagoo ay dhanka kale jaanis u arki doonaan ganacsadu, isla markaana ay ka faa’idaysan doonto nuglaanta shacabka, balse haddii shacabku fahmo oo uu lacagtiisa qiimaha loo yeelay ka faa’idaysto waxay noqon doontaa in ganacsatadu daba socoto shacabka iyo Bangiyada Somaliland.

Guud ahaan laamaha xukuumadda ee madaxweyne Siilaanyo dhawaan faray inay ilaaliyaan qiimaha iyo kor u qaadka lacagta Somaliland waa fursadii ugu horaysay ee xukuumadu ku naaqishto xal u helida lacagta Somaliland, waana guul u soo hooyatay shacabka iyo dawladda, waana astaamaha qaran leeyahay ee lagu garto inay maareeyaan wax kasta oo la soo darsa, gaar ahaana qodob kasta oo ay ku jiraan masiirka umadda.

Ugu danbayntii waxaan halkan ka bogaadiyaan oo aan leeyahay hambalyo madaxweynaha Somaliland ee gartay inuu hoos u eego danta shacabkiisa ee hadh iyo habeen aanu ka seexan sidii uu daryeeli lahaa, isla markaana gartay inuu si qoto dheer hoos ugu eego qiimo u yeelka lacagta Somaliland ee ay shacabku u baahnaayeen in xal waara loo helo.

Madaxweyne la tashiga iyo go’aanada aad ka soo saartay qiimo u yeelka lacagta Somaliland waa mid aanu ku leenahay waad astiibtay waanad ku mahadsantahay malaayiin jeer. Waa talaabo aad hore u qaaday ka soco oo qiimo u yeelka shilling-ka qaranka halkaas hakaga hadhin.

Qalinkii: Mustafe Cabdiraxmaan

Cmustafe99@gmail.com