Dhaxalkii Askariga! Qaybta 5aad

Qaybtan iyo wixii ka dambeeya, waxa aynu si toos ah ugu falan-qayn doonnaa xidhiidhka ka dhaxayn kara shakhsiyadda Muuse Biixi iyo hogaaminta.

Marka aynu u nimaadno shakhsiyadda Muuse Biixi, iyo xidhiidhka ay la yeelan karto hogaamin umaddeed, amaba hadii si kale loo dhigo, ma leeyahay Muuse Biixi astaamo tilmaamaya in uu ummad hogaamin karo? ma ka duwanyahay askartii aynu hore u soo sheegnay ee dalalkoogii halaagay? mise waa iyagii oo muuqaalka ayuunbay ku kala duwanyihiin?

Jawaabta su’aalahan, waxa fure u noqon karta in aad marka hore wax ka ogaato hogaaminta iyo qaybaheeda. Si kooban, hogaaminta waxa lagu soo koobi karaa laba qaybood oo kala ah: qayb la xidhiidha aqoonta maadiga ah ee qofka iyo qayb la xidhiidha hab-dhaqanka iyo dabeecadda caadiga ah ee qofka. Qaybta hore ee hogaaminta, ee xidhiidhka la leh aqoonta maadiga ah ee qofku, waa xaddiga tacliinta uu yaqaanno, waayo-aragnimada uu haysto iyo fahamka uu hogaamiyuhu u leeyahay dhibaatooyinka soo wajihi kara, amaba dalkiisa ka jira. Marka uu hogaamiyuhu fahmo dhibaatooyinka umaddiisa haysta, waxa uu la kaashanayaa tacliinta uu leeyahay, isaga oo mar walba ku ladhaya waayo-aragnimadiisa, isla markaana sida ugu fiican u xallinaya dhibaatooyinkaas. Waxa kale, oo ay tacliinta, fahamka iyo waayo-aragnimaduba ka caawinayaan hogaamiyaha, in uu horumar gaadhsiiyo dadkiisa iyo dalkiisaba, horumarkaas oo inta badan noqda mid qof walba halkiisa ku taabta. Sida aan aaminsanahay, horumarka umaddeed, marnaba kuma xidhna dhaqaalaha ay umaddaasi haysato, balse waxa uu ku xidhanyahay hogaamiyaha ay umaddaasi hesho, iyo sida uu umaddiisa ugu hogaamiyo waddada horumarka iyo badhaadhaha. Hadaba, marka diirada la saaro Muuse Biixi, ee laga eego astaamaha noocan ah ee hogaamineed, wax badan ayaa ka maqan. Tusaale ahaan, tacliintu waa laf-dhabarta uu hogaamiyuhu ku hago umaddiisa, hadaba, marka laga reebo tacliin ciidan, Muuse Biixi kuma jirto CV-giisa wax tacliin ah oo si toos ah ula xidhiidha hogaaminta ummadeed, mana laha wax si uun loogu tilmaami karo in uu aqoon u leeyahay maareynta arrimaha dalka. Wakhti xaadirkan, waxa dalka haysta mashaakil badan oo ay ugu horreeyaan mushkiladaha dhaqaale, mashaakilkaas waxa ka mid ah: shaqo la’aan baaxad weyn oo dalka daafihiisa ka jirta, taasi oo inta ugu badan sabab u noqotay tahriibka daba-furanka noqday ee dalka ay dhallin-yar badani kaga haajirtay, waxa muuqda farqi sii kordhaya oo u dhexeeya heerka dhaqaalaha ee dadka dalka ku nool, kaasi oo abuuri kara in ay dabaqado ku salaysan heerka dhaqaale ay dalka ka abuurmaan, taasina ay horseedi karto qalalaase dhaca, waxa jirta magaalooyinka dalka oo sii koraya, iyo adeegyadii bulshada oo sii libdhaya, tusaale ahaan: magaalooyinka waaweyn ee dalka waxa ka jira biyo la’aan laxaad leh, tayo la’aan dhinaca caafimaadka, waxbarashada, waddooyinka iwm ah iyo mashaakil dhaqaale oo faro-badan. Dhanka kalena, waxa si baaxad leh u sii kordhaya tirada dadka magaalooyinka u soo hayaamaya, isla markaana nolol fiican ka raadsanaya. Hadabada, iyada oo koritaanka bulshadu uu sii kordhay, hadii ay adeegyada bulshadu yaraadaan, waxa ay sababi karaan kacdoon umaddeed oo dalka natiijo taban (Negative) iyo mid toganba (Positive) u soo kordhin kara. Dalka waxa yaalla boqollaal dhibaato oo kale, kuwaasi oo aan halkan lagu soo wada koobi karin oo intoooda badan uu xalkoogu ku xidhanyahay aqoon. Hadaba, hogaamiye aan aqoon u lahayn sida loo xallin karo dhibaatooyinkaas aqoonta ku xidhan ee dalka yaalla, dalka ma hogaamin karaa?

Ma dafirayo in uu Muuse Biixi faham iyo waayo-aragnimo weyn u leeyahay dalka iyo dadka, taariikh mug lehna uu ka yaqaanno dalkan iyo waayihii kala duwanaa ee uu soo maray. Balse waxa aan aaminasanahay in uu fahamkaas iyo waayo-aragnimadaas Muuse Biixi uga faa’iidaystay si khaldan, hadii ilaahay ogolaadana qaybaha dambe ee maqaalkan ayaan ku sheegi doonaa.

Waa inoo qaybaha dambe……….

Allaa mahad leh.

Qalinkii: Maxamed Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com