Dadku Waa Gobe , Waayahaa Gabay! – By Cabdiftaax Sh. Nuux Jaamac

Cabdifataax Sh. Nuux

Tuugsiga adoon baran

Habka loo badbaadiyo

Sida laysku bixin karo

Garashada ka soo baadh.

Abees

Aan soo qaato qalinka iyo warqada si aan waxoogaa uga idhaahdo qiso ka dhacday suuqa wakhti duhurnimo ay saacadu ku sii siqaysay oo aan dhex lugaynayay, waxaan ku war helay sawaxanka iyo qaylada agtayda ka baxaysa iyo hoonka gawaadhida dabada isku wada haya,dadku waa  in sii ordaysa  iyo in  soo ordaysa, oday ahaydaa, islaaan ahaydaa, hablo dhalinyara ahaydaa, inamo dhalinyara ahaydaa, dhamaantood madaxa ayay gacanta kuwada  hayaan oo midkasa wajigiisa murugo ayad ka dareemaysaa, anoo yaaban ayaan u cararay halkay dadku u cararayeen, mise waxaanad filayn iyo falaadhiba hore kaagama go’aan ee waxaan isha markiiba la helay qof jiifa meel wada dhagaxaana, yaabay oo maskaxdayda waxaa ku soo dagdagtay dadkani maxay qofkan ka eegayaan ee ay ugu yaraan meesha dhagaxaanta badan uga soo qaadi waayeen, qofkastaa naxdin ayuu madaxa gacanta isa saaray, qaar wajiyadooda ayad ka arkaysaa iyadoo ilmadu gobo’leedahay dhabanadooda, qaar kalana calool adayg iyagoo muujinaya ayay ku celceliyaan kalmada inaalilaahi wa inaa ilayhi  raajicuun, qaar kalana yaab ayay madaxa gacmaha saareen, horaan u dhaqaaqay anigoo jidhkaygu dubaaxinayo si aan u ogaado waxa meesha ka dhacay, waaba qof wayn oo  da’a ah sidii wax hurdo aad u dheer si naxdin leh looga salaliyay ayaan kor isula booday aniga oo   firka naxsan ayaan eegay anoo dhuuxaya wajiga qofka meesha yaala , waa islaan da’deedu gu’gii lixdanaad tirsanayso , waa wayd diifaysan oo in waayuhu dafireen ay dusheeda  ka muuqato , sida laga yaabo in dhici lahayd oo ah inaan  u qaadato  qof aan dhamayn oo suuqa qudheedu  dhex seexanaysay ama ay tahay dadka suuqa ka dawarsada , may noqon ee indihihii aan  saarayba waxaa I galay dareen & in qofkani yahay qof xaafadiisii ka soo baxay isagoo si fiican u labisan.

Dhagaxaanta ay ku dhacday darteed ayaa nabaro wajiga kaga sameeyay, dhiiga ayaa Butaacaya  waa wakhti ay cadceedu bartamaha dul taagantahay wax kaloon ku sababeeyo garan mayo ee waa saacada qofkasta oo miyir qabaa ay adagtahay inuu socdo,dadka intan ku urursan waa in dano gaar ah u socota, in shaqo tagaysa iyo hawl maalmeedkooda intay soo dhamaysteen suuqa ka sii caraabaya si ay u qado doontaan, iyadoo qofkastaa ay ku adagtahay inuu dareenkiisa siiyo qofka da’da ah ee nabarada wajigiisa ku yaalaan ayaa islaan iyaduna da’a ahayd oo agagaarkayga taagnayd ay carartay si ay iskugu daydo inay kiciso, islaantii dhulka jiiftay Waxaa gashay ruux wehel oo aad moodo in didsanaatii iyo gacal la’aantii ay dareemayay mar kaliya dabayshu qaaday ,islaantii intii aanay erey kalaba odhan waxay gacanteeda midig kaga buuxsaday dhudhunka gacantii islaanta oo ay siidii wax doonaya in ay wada dhaqaaqan aayar yar jiiday, islaantiina  isma ay giijin ee sidii ay islaantu rabtay ayay yeeshay oo jihadii ay afka u saartay ayay ula talaabo dhaqaaqay iyadoo cagaha jiidaysa, dadkii meesha joogayna taageero ayay ka heshay waxaana la awooday in si dagdaga loo soo qaado, si bal ugu yaraan dhakhtarka loo geeyo, isma oga iyadu  oo way miyir doonsoontay, dhiiguna shalalaxdaa ayuu ka hayaa, ma sidato telefoon mana garanayso cid ay kala xidhidho xaafadeedii, waxaan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo intii u raacday dhakhtarka, la soo dawee oo dhiigii la jooji, way soo kacday wuxuu nasiibku ii saamaxay inaan ereyo kooban la gaadho, waxaanan ugu bilaabay hooyo maxaa xiligan ku socodsiiyay cadceedu ay bartamaha taagantahay miyaanad caruur lahayn ku nasisa,waxay iigu jawaabtay iyadoo hadalka ii bal balbalaadhinaysa, hooyo waxaan ahay qofkaa aad da’deeda arkayso in waayuhu uu I gabay oo wakhtigu iga hiiliyayna dhafoorkayga ayay ku taalaa, iyadoo hadalka sii wadatana waxay ii sheegtay inay koriso oo ay hayso caruur agoon & Rajaa  oo toboneeyo gaadhaya,waxay ii sheegtay inay suuqa la fadhiisato qudrad yar oo isugu jirta baradho, tamaandho, saladh yar iyo kaaroo, iyo hadba wixii ay awooda ee lacagteeda yari ay u jarto, waxay ii sheegtay in aduunka ka soo galaa uu iska yaryahay sida qofkastaa qiyaasi karo, maalinoo dhan halkaas ayaan kuduudaa ayay igu tidhi, dadka macaamiisha ii ahina waa iska danyar oo waa af iyo gacan maalintay soo helaana way iga iibsadaan maalintay soo waayaana amaah ayay igaga qaataan, iyadoo tawaawaca sii wadata ayay igu tidhi, tobonkaa caruura ee aan hayo oo qaar ay yihiin kuwo aan haanta iska waraabinayn qaarna ay yihiin kuwo  qaangaadhay oo halkii aan ku nasan lahaa iyagu igu nastay, afar ka mid ahi way tahriibeen ayay igu tidhi, oo laba ayaa badda ku dhintay, 2 kalana waxay ku xidhan yihiin  meel aanan  magaceeda garanayn ayaa la iigu sheegay, midna wuu waalanyahay oo guri ayuu iigu xidhan yahay ,inta kalana bariiskooda iyo noloshooda ayaan la daalaa dhacaa, cidi ima oga oo oogadeyda ayad ka aragtaa, mase jecli inaan dadka baryo oo waxaan ku kalsoonahay dhididkayga & in maalin maalmaha ka mid ah wakhtigu I saacidi doono waxay markasta ay ku taagnayd jidka rajada, iyada oo markasta nafteeda walbahaarka kaga dajin jirtay niyad wanaaga ah in ay maruun dhabayn doonto yididiiladeeda, wakhti kasta oo ay ku qaadatana aanay ka hadhi doonin ilaa ay isku filaadaan oo ay suuqa ka nasato, ama kuwan aan korinayo ee aan bariiskooda la ildaranahay ku nasan doono, waxay ii sheegtay inaanay jaarkeedu waxba ka hagradeen hadii ay inuun wax hayaan balse ay iyadu sheegtay inay ugu jeeb roontahay oo iyadana ka sii il-daran yihiin ,waxay far waawayn iigu sheegtay in waayaha wadanka ka jiraa ay adagyihiin laakin “Caruur yar yar waa la waayay maxay ka yaqaanan” ayay tidhi, ugu danbayntii iyadoo ay indhaheeda ilmadu dareerayso oo aanay  marnaba tani dhamaad u  noqon doonin  murugadii iyo hoos u ogyii dishooday, il bihiqsi kasta oo ay maskaxdeedu firaaqo heshana  ay  ka fikiri doonto noloshan ku adkaatay ayay iigu soo gabagabaysay Dadkeenu waa Gobe,Waayahaa gabay, aniguna anigoo ilmadu I hitiq leedahay ayaan goobtii ka soo jarmaaday anigoo cagaha dhulka jiidaya oo jidhku I dubaxinayo waxaanan ku hadaaqayay, Waligeed aduunyada wakhtigaa qof saacida qofna  waayahaa xidha, ilahay ha u gargaaro inta diifaysan  oo ay ugu horaysa hooyadaasi.

Qalinkii C/fataah Sh.Nuux Jaamac ( Suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468