Ama Arin-keen Ama Aqbal-keen – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Marka laga yimaad dhacdooyinkii lama illaawaanka ahaa ee Taliskii Siyaad Bare ee ay kamid ka ahaayeen  MORGAN IYO GAANI  dhaxalsiiyeen Shacabka Somaliland, waxa u sii dheeraa qorshooyin kale oo dhanic socday xasuuqa shacabka oo  ahaa sidii ay u kala fogayn lahaayeen oo ay colaad uga dhex abuuri lahaayeen Bulshada kuwada nool Boqcadan  Alle kuwada uumay ee  Jamhuuriyada Somaliland,  iyadda oo uu Taliskaasi kalahaa ujoodooyinka qarsoon, balse  Alle mahadii Qorshayaashaasi masii tamarin oo waxay xidhantay 1991, wakhigaas oo uu soo af-jarmay Halgan dhiig badani ku daatay oo lagaga xoreeyey dhulka Somaliland Xukun kii Afweyne. Halgan kaasi run ahaantii waxa uu ahaa mid Shacab oo laga wada qayb-qaatay oo aanay cid kali ah ku suntanayn sida raga qaarkood ku naaloodaan. guushaa kadib, waxay  Shicibka Somaliland  si buuxda oo dhamaystiran  u wada go’aaansadeen gacmo isqabsi , iskaashi, nabad kuwada noolaanshiyo iyo inay Qaran ay wada leeyihiin binaystaan.

Ujeedadii Halganka iyo wada-tashigii Bulshada walaalaha ah ee Somaliland  waxay ahayd inaynu suulino(tir-tirno) ujoodooyinkii shisheeye iyo amar-ku-taaglayntii 21 sanno, waliba ay  inoo sii dheerayd  “Qaybi oo Xukun” iyo  waliba sidaa si lamid ah,  inaynu inagu ismaamulno oo masiirka dalkeena ka talino. Taas Alle Mahadii waynu ku guulaysanay oo kadib waxaynu dhaqan  galinay  dariiqii  qof kasta oo muwaadin ahiba uu xaqiisa ku heli lahaa haddii uu hamigiisu yahay inuu  ku fadhiisto kursiga ugu sareeya hogaaminta dalka iyada oo ay u fududaynayso  nidaamkan dimoqoraadiyadda Axsaab tiro badan ku dhisan ee aynu qaadanay.

Ubucda: Haddaba, Horumarka Dalkani waxa uu ku iman karaa ,  in kolba cida aynu Xilka Qaranka u dhiibano in haddii ay ku dhacaan ama ay ka baydhaan jid ka weecsan kii aynu u dooranay in arin loola yimaad oo lasaxo iyada oo la eegayo danta Qaranka iyo Shicibka. Balse , haddii aanad hayn macluumaad ku aadan inay cagta saareen jid qaloocan , waxaa muddan inaad afkaaga xidhato ,halka aad ku dhaleecayn lahayd waxaan jirin iyo inaad BAR-BAR dhigto DHIIGYO CABKII UMMADDA XASUUQAY ee ay ugu horeeyeen MORGAN IYO GAANI.  Magacyadaa marka ay dhagaha  shicibka kusoo dhacaan waa xasuus iyo maalmo MADOW.  Waxaana wax laga xishoodo ah inaad garab dhigto kuwaa oo aad ku mataasho Masuuliyiinta da’da yar ee habeen iyo maalinba heegan ka u ah inay dalkooda iyo dadkooda u adeegaan oo ay gaadhsiiyaan horumar.

 Gabogabadii :  “ Ama Arinkeen noqo ama Aqbal-keen”   tallo keen oo soo bandhig wixii qaldan ee ay ummadu kula arkayso oo u haddal si ( Objective) ah.  ama iska Aamus oo u hogaansan habsami u socodka hawlaha qaran. Mucaaridnimaduna waa wax sixid iyo dhisid (Constructive) ee ma aha wax dumin ( Destructive ) iyo inaad waxaan sal iyo raad toona lahayn aad ku shaabadayso Masuuliyiin Qaran.)

Talooyin: Madaxda qaranka waxaan kula talinayaa inayna hadalada Afmiishaarnimo ka mashquulin hawlaha qaran. Kuwa Ficiladaa ku mashquulsana waxaan kula talinayaa inay ka waantoobaan. Bulshadana waxaan ka codsanayaa inayna hadalada malo-awaalka ah dheg u dhigin. Saxaafaddana waxaan si nasteexa u waydiisanayaa inay ka taxadiraan soo bandhigida iyo Buun-buuninta wixii qarankeena waxyeelaaya, horumarka socda caqabadaynaaya, shicibka kala fogaynaaya , Cadawgeenana ka farxinaaya.

Wabillahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa, Somaliland