Abdilahi Yusuf iyo Adduun-aragga Siyaasiyiinta Soomaalida maanta: Kala duwanaanshihii SSDF-USC iyo SNM – By Aadan Muse Jibril – Qaybtii 5aad

Aadan Muse Jibriil

“Waxaan ah ku-simaha Safaaradda Spain ee UK (Charge-De-Affair… Sannadkan waxaanu haynaa Guddoomiyanimada EU, arrimaha Somalida ayaa lagu wareersan yahay Waxaan kuugu imi in aad iiga xog-waranto waxaa kala duwanaansha labada Somaliyeed, Somaliland iyo Koonfurtu ku salaysan yahay”.Runtiina ma aha markii iigu harraysey ee sua’aashaan oo kale aan la kulmo. Marar badan oo kale ayaa la iga weydeyey madal arrinka Somalida lagaga hadlayo, muddadii aan London Joogey.

Mar walba oo su’aashani iga hortimaaddoba waxaan xasuusin jirey sidii ay u kala duwanaayeen saddexdii urur ee Somaliyeed ee dagaalka hubaysan kala soo horjeedey maamulkii Siyaad Barre,  kana soo dagaallamayey Dhinaca Ethiopia. Kalana ahaa SNM, SSDF, iyo USC. Haddaba saddexdan urur ee kor ku xusani siday kala ahaayeen:- Labadii urur ee SSDF iyo USC waxay lahaayeen astaamo isku mid ah iyo isla markaa kuwo ay ku kala duwanaayeen intaba. waxaase muhiim ah astaamaha kulminayey oo ahaa: Madaxda sare oo ahayd military, maaliyada iyo hubka oo ay ka heli jireen (wax yar mooyee) dalal shisheeye, waxayna ku dhisnaayeen qaab reernimo, taas oo SNM ruuxeedu kala mid ahayd. Waxayaalaha ay ku kala duwanaayeen waxaa ka mid ahaa: SSDF, in kasta oo ay ku bilaamantay qaab reernimo, haddana waxaa jirey in mar dambe ururro kale ku soo biireen markaasna ururku isu rogey mid aan reer keliya ahayn. Haddana, nasiib darro, uu mar labaad isu rogey mid 100% reeraysan, sidaasna ku dhammaaday. SSDF iyo SSF tii ka horraysey ba waxay markii hore si dhow ugu xidhnaayeen dadka gudaha oo ay dhaqaalaha ka heli jireen. Laakiin markii lacag badan iyo hub fara badan ay SSDF ka heshay dalka Liibiya ayaa waxaa meesha ka baxay ku xidhnaanshihii dadka iyo kharashkii dadku bixin jirey, iyo weliba dagaal yahanadii ururka oo markii lacagta Liibiya timid magaalooyinka soo galay, oo ka yimid foromihii dagaalka, si ay lacagta qaybtooda u helaan, oo magaalooyinka Deridhawa, Harar iyo Addis Ababa ugu nastaan, taas oo ay ka arkayeen dhaqanka madaxdii ururka. Waxaa intaasi dheeraa iyada oo waxii khilaafaad ah iyo isqabad ururka dhexdiisa lagu daaween jirey xadhig iyo khaarajin dil ah. Iyo ayada oo madaxdu diidi jirtey in shirar wada tashi la qabto, wax dimoqoraadiyad lagu sheegi karaan aanay jirin.  Taas oo ugu dambayntii sabab u noqotay burburkii waynaa iyo kala yaaciiku dhacay ururkii SSDF.

SNM, waxay labada urur ee hore kala mid ahayd qaab-dhismeedka oo iyada nafteedu ahaa qaab dhisnayd qabiil, sida ururda SSDF iyo USC. Waana arrin aan la yaab lahayn marka la eego  in taliskii Militeriga ahaa ee Syaad Barre dadka Somalida kala dhex dhigay shaki qabiil, wacyiga iyo dareenkii qabiilka oo la siyaasadeedyey, kana kormaray oo qariyey dareenkii iyo adduun-aragii wdaddaniga ahaa. Taasaana qayb waeyn ka qaadatay in ay meesha ka baxdo is-bahaysigii loo baahnaa iyo midnimadii qaran oo ahayd in mucaaradadu isu gaashaan-buuraysato si markaas si midaysan loogu wajahi lahaa khaterta keli-talisnimo iyo amr-ku-taaglayntii dawladdii Siyaad Barre. Hase yeeshee, SNM waxay si weyn ugaga duwanayd labada urur ee kale dhinca tayada nuxurka dimoqoraadiyada ee ururka dhexdiisa iyo ku dhaqanka mabdaa’ xisbinimada. Arrimahaas oo lagu soo koobi karo sidan:

Advertisement
  • Hay’adaha ururka, hawlohooda iyo xilalkooda oo si caddaana u kala qeexnaa (sida Golaha dhexe, Guddida Fulinta) madaxda sare ee urukuna aanay hawl maalmeedkooda ku fara-gelin jirin;
  • Ciidamada SNM waxay hoose imanaayey hoggaanka siyaasadda ee ururka, oo aha mid rayd ama medeni ah;
  • Ururku oo ku tiirsanaa taageerada shacabka gudaha, xagga maaliyadeed iyo, xagg ciidan intaba, taageero ballaadhana ka haystey gudaha iyo debeddaba;
  • Waxii is-qabada ah ama khilaaf ah oo lagu maarayn jirey dibushiisiin ama go’aan wadareed xisbinimo (marka laga reebo xaalado kooban);
  • Odayaasha dhaqanka oo mar walba ururka awood laxaad leh ku lahaa, waxna ka qaban jirey, dhinacayada, xallinta khilaafaadka, soo ururinta qaadhaanka dadweynuhu ku taageerayo ururka iyo soo ururinta dhalinyaro dagaalyahano cusub ee degaanada kala duwan ee dadka dhexdiisa;
  • Iyada oo ururku ahaa mid si qoto dheer ugu dhaqma labada qaab ee kala ah dimoqoraada, casriga (Modern system of organization) iyo demoqoraadiyada dhaqanka soo jireenka ah ee xoolo dhaqatada (Pastoral Democracy). Metaal ahaan, waxaa SNM suura gelisey qabashada lix shirweyne (Six General Congresses) oo mid mooyaane shanta kale ba Gudoomiyaha ururka la beddeley, si nabad ah oo dimoqoraadi ah, taas oo aan caado u ahayn jabhadihii Afrika ee u halgamayey dimoqoraadiyada. Haddii labadii urur ee SSDF iyo USC aynu metal ahaan u soo qaadano, Abdilaahi Yusuf iyo G. Mohamed Farah Aydiid Midna lama beddelin mudadii ururadaasi jireen oo dhan.
  • Dhinaca dhaqanka, kaalinta guurtitu waxay ahayd mid dhextaal ah. Mar kasta oo ururka khilaalf weyni soo kala dhex galo Guurtida ayaa go’aan wadareed ku dhammayn jirtey khilaaf kasta. Taas waxaa caddaynaya markii shirkii Ball-Gubadle, April 1999, laga baqay in Ururku wiiqimo ayaa guddomiyhii waqtigaas lagula taliyey in uu jagada banneeyo, isaguna go’aankaas kama hor iman ee wuu aqbalay markii odayaashu soo jeediyeen, asaga oo aan weli waqtigiisii dhammaan laakiin ka eegaya danta guud ee ururka. Arrintan nafteedu waa mid ku ugub dhaqanka ururadii siyaasadeed ee waqtigaas ee Africa.

 

Markii gudaha dalka la soo galay maxaa dhacay?

Waxaa xusid mudan in markii dalka la soo galay xukunkii siyaad Barrena meesha ka baxay in kala duwanaanshii ururadii siyaasada ee Somalidu halkiisii ka sii socdey: SNM, waxay abaabushay shirweyne dibuheshiineed. Kaasoo ujeedadiisu ahayd in beelihii reer Somaliland ee la kala safnaa labadii dhinac ee dagaalkii dheeraa ee tobanka sano socday, ee ka dhexeeyey taliskii Siyaaad Barere iyo jabhadii SNM in lagu heshiisiiyo. Hase ahaatee laba arrin oo soo kordhay darted ayaa wax ka beddeleen natiijadii shirkaas, Kuwaas oo kala ahaa;

1. Ali Mahdi Mohamed oo dawlad aan loo dhamayn kaga dhawaaqay Muqdisho,

2. Iyo siyaasiyiintii dadkooda lagu laayey Moqdishu oo markii firxadkoodii soo gaadhay Burco aad ugu adkaystay in Somalia laga goosto oo aan dib wax loogu darsan. Ragaas oo ku doodayey in aan Xamar wax dambe lagu darsan waxaa ka mid ahaa Mohamoud Saalax Nuur Fagadhe, Ali khalif Galayd, Mohamed Ali Caateeyo iyo rag kale. Waxaan si buuxda u xasuustaa habeen aanu ku soo jeednay Guri Burco ah oo Ahmed Siyaalnyo ku jirey, oo aniga, Saciid yusuf Abdi Saciid, Ali Khaliif iyo Fagadhe ku doodeyney oo Ali Khaliif Galayd iyo Fagade aad ugu doodeen, in si cad aynu u kala dhaqaaqno inaga iyo Moqdihsu. Anigu waxaan habeenkaas daafacayey arrinka Fedaralismka. Ali Khaliif waxaa intaas u dheerayd dood aad u qurux badan oo uu leeyahay waa in si caddaalad ah wax loogu qaybsadaa Somaliland dhexdeeda.

Haddii halkan aan wax yar oo dhextaala raacsado, waxaan qabaa in doodii Ali Khaliif Galayd ee habeenkaasi ahayd mid garr ah, oo manta laga dhaqaaqi karo si loo jebiyo gidaarka samaysmay ee khaatumona si weyn uga qayb qaadaday, oo halkii arrinka talo qaybsiga laga hadli lahaa,  nasiibdarro, ay bedeshe gacan ka hadal iyo kala shaki sii weynaada. Maanta ayaa laba dhinac, gaar ahaan xukuumada Silaanyo waxaa looga fadhiyaa in ay gadaarkaa dadka walaala ah la dhexdhigay si caqli iyo wada tashi ummaddu wadaagto (Ururrada Siyaasada, xukuumada iyo Golayaasha qaranka) lagu dhameeyo, si nabada ah oo ku dhisan caddalad iyo dibusheshhiin.

Marka laga reebo khilaafkan nasiib darrada ah, oo marka dambe sii xoogsaday ee  Bariga, Somaliland Shirweynyaashii nabadda iyo dibuheshiisiintu weli halkoodii bay ka sii socodeen ila iyo Borame, Shiikh ila Ceerigaabo, waxayna noqdeen dhaqan si joogto ah ay tahay in loo tixgeliyo.

Xagga Somalia se kala duwanaanshihii ayaa weli taagan siina qoto dheeraaday, waxaa haddiiba ka bilaabmay dagaalo ku salaysan loollan xukun raadis ah oo aan wax loo aabe yeelayaa jirin. Ila maantana dabkii olokiisu bilabmay ayaan aan weli damin.

Haddaba kala duwanaanshaha ka jira Muqdishu iyo Hargeisa yaa sameeyey. Ma faragelin shesheeye, mise waa fal Somaliyeed, kee baase khayr roon, ma in xaalku sidaas ku sii socdo mise in (Wisaayad) UN iyo AU Trusteeship xaalo ku sii hoobto?. Waxaa dhab iyo xaqiiqoba ah in tan dambe dadka Somaliyeed dan u tahay, mar haddii Shant boqol (500) ee nin oo dhammaantood wada raba in ay Madaxweynyaal noqdaan aan meesha laga saari karayn!

Follow us On