15 Astaamood oo aad ku ogaanayso inaad ku nooshahay nolol barwaaqo ah , Xattaa haddaanad aamisanayn adigu

Waxa dhacda mararka qaar inaad dareento cidhiidhi xaga nolosha ah ood dareento inuu waqtigu kugu xunyahay . Marka lagaa eryo shaqadaad haysay amma aad kala tagteen qofkaad nolosha wadaagayseen oo gurigaagii dumay , amma aad dhacday Imtixaan dabeetana aad dareento niyad jab wayn, quus , wewer, walbahaar iyo fikir iyo isku buuq badan.
Guushu mararka qaar waa: fashilaad aad nolosha ku fashilanto oo aad hadana fashilaad kale u badheedho adoon niyad jabin quusanna.
Si kasta oo aad u niyad jabsantahay Astaamahan 15 ka ah ka eed noloshaada ! Waayo? Noloshaadu Sida aad aaminsantahay oo dhan uuma foolxuma .

guled cumar madar
Astaamahani waxay ku leeyihiin nolol wanaagsan ayaad ku nooshaye dareen walaal.

 

1- Waad tijaabisay oo waad baratay.
Ma jiro qof ku odhanaya noloshu waa fudayd Waayo? Noloshu way caqabado badantahay qaarkoodna adagtahay sida aad uuga gudubto , Mararka qaarna kaaga tagi kara dhaawacyo ay kasoo kabashadoodu baryo qaadato.
Bal xasuuso inta caqabadood ee nolosha kaa hor yimid iyo aad uuga soo gudubtay , Waxaad qaarkood ogaanaysaa markaad dib uuga fikirto wixii sababay in aad godadkaa ku dhacdo. Ha u joojin hore usoco kuwanna hore u dhaaf xal rasmiyana ka gaadh caqabaddan ku hortaagan , Nooloow maalin walba adigoo yididiilo qaba , han leh ,Barwaaaqo filanaya , Jecel waxaad jeceshay. Hore u soco ilaahayna (S.W.T) talo saaro.

 

2- Hurdo raaxo leh iyo niyad wanaag ku seexo .
Warwar badan yaanay kugu hayn inaad noqoto maalqabeen ama taajir isnacay . Ka fikir oo ku mashquul sidaad habeenkii u tagi lahayd furaashkaaga adoo dagan oo faraxsan aduunyana aan ka fikirayn oo madaxu faaruq kuu yahay . Dhibkasta ood soo martay caqabad kasta oo aad ka soo gudubtay , Guul darro wal oo kugu dhacday cuddoon way tagtee illaw ilaahay talo saaro niyad saafiya ku seexo. Ogow nolosha qaladaadka aad gashay iyo kuwa aad ku taagantay ee ku indho adagtahay eenad dareensanayn.

 

3-Ugaajoo inaad sidan ka fiicnaato ood noloshan tu dhaanta gaadho.


         Waa wax wanaagsan inaad yara niyad jabsantahay markaad ku guul darraysatay waxaad rabtay laakiin wali aad raadinayso .
Godkasta ood ku dhacday guul darro kasta ood la kulantay ha quusan haka niyad jabin noloshaada , Xaqiiqo inaad ku noolaato isku diyaar garee .Raadi Farxadda noloshaada , Guusha noloshaada , Jacaylka noloshaada .
Guushu maaha inaad Caqli badantahay waa inaad waqti badan ka fikirto Caqabadaha kulasoo gudboonaada si aad uuga gudubto.

 

4- Wax waad samayn kartaa , Far waad dhaqaajinkartaa . Tallaabo aad qaadi kartaa jirta .

 

Haddaad is dhaqaajin karto aad tallabo ku dhaqaaqi karto ood isbedel samaynkarto dhoola caddee ku dhaqaaq isku day inaad ka midho dhalinkarto ood kaga gudbi karto caqabadaha ku hortaagan , Waayo dad badanbaa jira oon far dhaqaajin karin oo aan haysan meel ay ka baxaan si ay iskaga furdaamiyaan caqabadahan lasoo darsay . Dedaal badan samee oo kalsooni badan naftaada marka hore ku qab, isku filnaanshiyo si’aad u gaadho,

 

5- Aqoontii labadaada gacmood dhexdooda ayay ku jirtaa .

 

Aqoontu waa Awoodda uugu wayn ee kaa caawinaysa inaad ka gudubto caqabadda ku hortaagan hadda. Waqigaaga ku qaado sidaad daqiiqad kasta u ogaan lahayn wax cusub oonad hore u aqoon oo ku sahabsan qaabka noloshaada . Si’aad u dhisan karto nolol saldhig leh, Una xaqiijiso riyadaada nololeed .

 

 

Laosoco Qaybta Dambe inshaa allaah .
Turjumiddii :Guuleed Cumar Madar
Guuleed_madar@hotmail.com