“Yurub Baan ka Gacan Haadiyaa Markaan Guurawee” – Qaybtii 2aad ~ Maxamed Siciid Gees

Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees
Maxamed Siciid Gees

Jeffrey Herbst oo ah Professor wax-ka-dhiga Jaamacadda Princeton University Qaybta Culuunta Siyaasadda, ayaa Buug u qoray oo la yidhaahdo State and Power in Africa, oo uu kaga hadlayo barbardhigaya sidii dawladuhu uga unkameen Yurub iyo Afrika, waxa uu ku soo qaaday arrimo khuseeya waddankii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Dimuqraadiga la odhan jiray.

Prof. Jeffrey waxa uu ka hadlay iyada oo kooban in awoodda dawladaha ka jira dalalka Afrika ay ku kooban tahay qaybo dalka ay ka taliyaan oo qaybo badan aanu xukunkoodu gaadhin, sababta oo ah waa nidaamkii ay ka dhaxleen gumaysiga, kaas oo ku koobnaa magaalooyinka waawyn ee ay xukumi karayeen ama gaadhi karayeen. Halka dawladaha Yurub ay ka dhismaan cashuur ay ka qaadaan muwaadin kasta oo hanta ama dakhli soo gallo, taasina suurtogelinays inay xukumaan dalkooda.

Maamulkii gumaysiga Yurub ee afrika waxa uu isku koobay inuu cashuuro badeecadaha soo gelayaa iyo kuwa ka dhoofayaa magaalooyinka ay xukumaan ee shaqo iyo awood kuma lahayn hantida shacabka dalka ku nool, sidaas darteed xukunka gumaysigii Yurub ma saamayn bulshadda dalalka ay ka talinayaan. Dawladihii dhaxlay markii gobanimada ay heleena waxba kama ay  beddelin maamulkii.

Waxa  kale oo uu ku soo qaaday buuggiisa Prof. Jeffrey, in xasiloonida dawladnimo ee dalalka Afrika ay samayso sida dadwenuhu ugu filiqsan yahay ama u deggan yahay dalkaas. Waxa uu soo qaatay haddii Gobal ka mid ah dalkaas oo caasimaddu ku taal uu yahay meesha dabcan ugu dad badan, dalka intiisa kale si siman loo deggan yahay waxa suurtagal ah inuu dalkaasi uu xasilooni yeesho oo isqabadku yaraado, haddiisee laba qaybood oo kala durugsan ay jiraan oo aad loo deggan yahay. Labadaba waxa badan in loolaniyo isqabad siyaasadeed oo kala go’ keeni karaa uu yimaaddo. Tusaalooyinkii uu soo qaatay waxa ka mid ahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya oo yidhi waxa tirada dadweynuhu ku kala nool yahay Muqdishu iyo degaanka ku dhow iyo Hargeysa iyo degaanka ku dhaw, sidaas darteed isqabad iyo dagaal ilaa goosasho keenay ayaa ka dhacay;

Ka sakow, hibashada iyo taariikhda labada dal ay kala ahaayeen, sad-bursigii Soomaaliya ama konfur, tacadigii iyo maamulxumadii  maamulkii militariga ahaa. Waxa  isweydiin leh, maxaa labadaa degaan ee Banaadir iyo Waqooyi Galbeed ka dhigay meeloo dad badani ku dhaqan yahay, inta u dhexaysa ka dhigay dhul teelteel loogu dhaqan yahay. Dhinaca Waqooyi Galbeed waxa uu weligii ku xidhnaa Imaaraddii Harar, taas oo lahayd wax-soo-saar beereed ama cunto, waxana magaalo xeebdda u ahaa Saylac iyo Berbera. Sidoo kale Muqdisho waxay ku xidhayn Shabeelada Hoose, sida Afgooye oo wax-soo-saar beereed iyo cunto lahayd oo ay ku dhismeen magaalooyinka xeebta Banaadir ee Muqdisho, Marka & Baraawe.

Labada qayboodba waxa ku xidhnaa dhaqan iyo ilbaxnimo caalami ah oo ka soo jeeda Carabta, dadka beeraha iyo wax-soo-saarka lahaana waxay ahaayeen dhinaca konfureed Adoon laga keensaday Bariga Afrika oo dadka Jareerta ihi ka soo jeedaan ama Soomali Bantu, dhinca Waqooyina dadka beeraha iyo wax-soo-saarka lahaa waxay ahaayeen ilaa maanta yihiin dadka Oroomada ah, meelna Soomaali Geel-jire shaqo kuma lahayn.

Dhulkaas weyn ee dhexeeya labada qaybood waa dhulka Geel-jire xoola dhaqato, Laandheeree sheegatadu ku nooshahay oo gabayga iyo hadradu ay tahay wax-soo-saarkoodu. Waa dhul aan wax ka soo bixin oo aan cunto jirin, sidaas ayaa tarantii dadka yareeyey, xataa biyaha la cabbo iska daa kuwa wax lagu beerto ayaa gaadhi gaadhi saar ah.  Goballada Gaguduud biyaha waxa ku jiraa Radioactive ka badan heerka WHO ogashahay ee caafimaadka dadka waxyeelin, cuduradda feedhaha iyo dhimashada carruurta waa meelaha ugu badan dunida.

Burco marka Bari looga baxo ilaa magaalada Buuranne ee duleedka Jawhar wax la cuno iyo nolol ma jirto, waayo waa dhulka ay ka soo abuurmeen Xagjirka, Budhcad-badeednimadu, Warlord-nimadu, Qaxootida Soomaaliyeed ee Yurub iyo Waqooyiga Maraykan iyo dunida kaleba tegay waxa uu ka soo jeedaa degaankaas. Waxa ka magacaaban maamul ku-sheegyo, sida Khaatumo State, Puntland State, Gel-Mudug State, Ximan iyo Xeeb State, Hiiran State oo awood iyo jiritaan lahayn.

Nimanka dunida ka teliya ee Jimciyada iyo Ururrada Caalamiga ah u samaystay iyo turjumaanadooda, si kasta oo ay isugu dayaan ma dhisi karaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Mamulka ka dhisma Banaadir haddii aad loogu dedaallo uu soo gaadhi karaa Jawhar. Nidaamka iyo Mamulka  ka dhisan Hargeysa ee Somaliland haddii loo dedaalo waxa uu gaadhi kara ilaa dalka intiisa badan oo uu samayn ku yeelin karaa.

Sidaa dalal ka kale ee Afrika ee su`aasho waxay tahay Somaliland ma wada gaadhi karto xuduudeed, Waayo? Waxa jira dhul ah Tribal land oo aanay xukumin, dhulkaas ballaadhan oo ah mid Geel-jiraha oo loo yaqaano afga Carabiya “Mandaqata Alqabaa’iil”

Maxamed saciid gees

Landhan

Boqortooyada Biritayn