YAA HARAGEEDII NAGAGA CELIYA? – Qaybtii 2aad

 (Taariikhaha  5 Feb iyo  23 Feb iyo shaqsiyaadka xilka ummadda  xilligan  hayaba, waxay ahaan doonaa qaar  ay shacabka reer Somaliland xasuusan doonaan,wanaag iyo xumaan hadba kay ku xasuusan doonaana  ILLAHAY  ayuun baa og)

Shirka London

Waa run in  5 Feb 2012 in ay ogolaadeen in laga qayb galo Shirka London labada Gole,Golaha Wakiilada  iyo Golaha Guurtida .Ka horna waxaa sii ogolaaday  madaxdhaqameedka(Salaadiinta),waxaa iyana la yaab noqonay markay labada Xisbi ee Mucaaridka ahi iyana qalinka ku duugeen in Dowlada Somaliland ka qayb gasho Shirka London ka dhacaya 23/02/12. Fadhi ay labada ay labada Gole yeesheen 5 Feb 2012 waxay si wada jir ah qalinka ugu duugeen in ay meesha ka saaraan qodob aad u muhiim ahaa oo ay Golayaashu laftoodu  hore  u ansixiyeen kaas oo odhanayey “cid  kasta  oo reer Somaliland  ah, kana  qayb gasha Shirarka Soomaaliya  loo qabanayo,wuxuu ku sifoobayaa dembiile qaran,horuna waxaynu u diidnay Shirir ka muhiimsanaa,ka wax tar badnaa kan London lagu qaban doono.

London 23.02.12 waxaa London lagu qaban doonaa Shir balaadhan,waxaa ka soo qayb galayaa Dowlado fara badan sida ay sheegtay Wasaarada arimaha Dibada ee Ingiriisku,ma jiro wax Liis ay oo ay ku qoran yihiin magacyada  Dowladaha iyo Ururada Shirka ka soo qayb galaya,laakiin waa la hubaa in ay ka kala iman doonaan qaaradaha dunidan aynu ku nool nahay,ogaadana kuma jiraan Dowlado iyo Ururo Dayaxa ka imanaya oo uu magaca Somaliland ku cusub yahay.

Ajandaha Shirka:-

Security: sustainable funding for the African Union Mission in Somalia (AMISOM), and support for Somali security and justice sectors
• Political Process: agreement to what should succeed the transitional institutions in Mogadishu in August 2012 and the establishment of a Joint Financial Management Board
• Local Stability: a coordinated international package of support to Somalia’s regions
• Counter-terrorism: renewed commitment to tackle collectively the terrorist threat emanating from Somalia
• Piracy: breaking the piracy business model
• Humanitarian: renewed commitment to tackling Somalia’s humanitarian crisis
• International coordination: agreement on improved international handling of Somalia issues

Sida Somaliland Shirka uga qayb gelayso:-

Sida  Somaliland shirka uga qayb galaysaa waa mid cad  oo aan wax mugdi ahi aanu ku jirin waxayna tahay:-

1.       Somaliland weli lama aqoonsan,oo ma fadhiisanayso halka ay fadhiisanayaan Dowladaha shirka ka soo qayb galayaa.

2.      Waxaynu fadhiisanaynaa halka ay fadhiistaan Maamulada ka jira Soomaaliya,waa cadaan ,waxaynu ka mid noqonaynaa,laynoola dhaqmayaa  si la mid ah sida loola dhaqmo Puntland,Galmudug,Ehlusuna wajamaaca iwm.

3.      Dowlada TFG ee Soomaaliya ,iyada waxaa loola dhaqmayaa sidii Dowlad la aqoonsan yahay,soo dhoweynta,qaabilaada iyo ka qayb qaadashada Shirkaba.

4.      Somaliland waxaa la siiyey waqti aad u yar in ay ka hadasho shirka,sida maamulada kale ee Soomaaliya,mana jirto wax tixgelin gaar ah oo ay Somaliland shirka ku leedahay.

5.      Runtii waa wax  lala yaabo,lagana xishoodo shaqsiyaadka ku sheekaynaaya Somaliland waxaa la fadhiisinayaa meel gaar ah,muraayad ayey ka daawanaysaa Shirka iwm.

6.      Dowlada Somaliland  aad iyo aad ayey uga BEEN sheegaysaa Shirka London lagu qaban doono 23.02.12,waxaadna moodaa in ay Dowladu doonayso in ay fushato dan gaar ah,balse waynu u wada joogi doonaa.

7.      Dowlada Uk,waxay mar kasta isticmaalaysaa erayga “Soomaaliya”,marar lagu qasbo oo keliya ayey isticmaalaysaa magaca Somaliland,taasina waxay marqaati cad u tahay in Shirku yahay  Shir Soomaaliya loo qaabanayo.

Hadal iyo dhamaan anigu mar kasta waan ka soo horjeedaa in Somaliland ka qayb gasho Shirka London Soomaalida uga furmaya 23/02/12,waxaan ka soo horjeedaa in Somaliland ay la mid noqoto maamulada Soomaaliya ka jira xilligan,laakiin ceeb may ahaateen haddii Soomaaliya oo mid ah iyo Somaliland ay wada hadlaan,oo weliba ay ku wada hadlaan dhulkooda.

Xasuus Abwaan Ibrahim Gadhle-ILLAHAY  naxariistii Jano ha siiyo!

Waar! hoy! dadkaygoow
  Laba daan dhexdoodiyo
  Dalqo bahal qof galayoo
  Dirqi iyo tu fool adag
  Debedda ugu soo baxay
  Halkii shalayto lagu dilay
  Ma dareemi waayee
  Durba miyaa iloowdeen
  Duunyadiinii dhacantiyo
  In dadkiinii maqanyahay

Xusuus:

“Qof caashaq  ayeynu naqaanaa” “Weli inta aynu meel fadhiisanay ma isweydiinay maxaa  inoo dan ah?  “Way howl yar tahay sida la idiin karbaashaa”  “ dan la iima dooran ee ILLAHAY ayaa ii qoray”—–Erayadaa waxaa  Khayrida Hargeysa ka yidhi  ILLAHAY NAXARIISTI JANO HA SIIYEE Madaxweynihii  hore ee Somaliland Md.Maxamed X.Ibrahim Cigaal.

“ Wada dhegayso haddii aad jeceshay ,ka eeg shabakada Halbeegnews.net amase youtube.

ALLAA  MAHAD LEH

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political  Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com