Yaa Bixiyay Magaca Xisbiga WADDANI? – Qalinkii Khadar Maxamed Faarax

Xisbiga WADDANI waxa uu ka mid yahay axsaabta qaran ee maanta jira. Xilligii hoggaanka WADDANI ka baxeen UCID ee ay wadeen hindisaha aasaaska urur-siyaasadeedka ayaa waxa Hadhwanaag Hotel ku kulmay Maxamed Xasan Dirir (Xoghayaha Warfaafinta WADDANI) iyo Suxufi C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji). Dirir waxa uu u sheegay Xaaji in la alkumayo urur cusub, loona baahan yahay in loo magac-bixiyo, dad badanina hawsha ku jiraan, isaguna (Xaaji) uu dhankiisa ka dedaalo. Is-afgarad ayaa lagu gunaanaday.

xaji
Maalin dambe ayuu Suxufi C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji) diray 18 magac oo WADDANI ku jiro ayna ka mid ahaayeen Wadajir, Talawadaag, Ilsan, Aaya-talis, Hankaab, Hirad, Dayax iyo kuwo kale. Shirkii xulashada magacyada meelo kala duwan laga keenay waxa uu ka dhacay Kaah Hotel ee Hargeysa, waxaana lagu doortay magaca WADDANI oo uu bixiyay Suxufi C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji).
Mar dambe oo ku beegan kahor shirweynihii WADDANI  ayaa ay si gaar ah u kulmeen Guddoomiye iyo C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro, iyada oo qabanqaabada is-araggana ay gacan ka geysteen Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Sayid-Cali C/Raxmaan Axmed….. Suxufi Xaaji waxa uu guddoomay abaal-marintii magaca uu bixiyay, waxaanay Guddoomiye Cirro ku ballameen in looga baahan yahay wax ka badan magac-bixin. Dabcan isaga oo  Suxufi C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji) ah Agaasimaha Somaliland Space Channel waxa uu door weyn ka geystay ololihii WADDANI ugu soo baxay Xisbiga Qaran..
Suxufi C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji) waa wiil dhallinyaro ah oo ku dhashay Gadar sannadkii 1991-kii, waxbarashadiisana ku qaatay Hargeysa, eeggana ka mid ah bahda saxaafadda Somaliland. Qaar badan oo ka mid ah hawlahan waan ogaa, ragga ku xusanna kuwo badan ayaan ka wareystay. Ugu dambayn waxa aan hambalyaynayaa saaxiibkay C/Raxmaan-Xaaji.
 
Khadar Maxamed Faarax