Xorriyad (Freedom) 

 

Xorriyaddu waa aragti iyo mabada’ sal balaadhan oo qalad wayn laga fahmay micnihiisa iyo nuxur ahaan wuxuu u jeedo. Waa aragti aadanuhu siyaalo kala duwan u qaato si ku salaysan halka uu awoodda kaga jiro, cidda uu yahay, lacagta uu haysto intay leeg tahay, rag iyo dumar kuu yahay, meesha uu joog, xaalada uu ku sugan yahay iyo waxyaabo kale oo badan.

Ereyga xoriyad waa af Carabi lagu isticmaalay afka Soomaaliga. Si aad iyo aad u kala duwan ayaa “xoriyad” loogu isticmaalaa af Soomaaliga. Tusaale ahaan ereyadan soo socda ee af Ingiriisiga ah waxa badiyaa lagu turjumaa erey isku mid ah oo ah “xoriyad”: 1. Liberty, 2. Freedom. 3. Independence. Tan danbe mararka qaar baa dadku u isticmalaaan xorriyad iyaga oo ka hadlayaa in dal ka xoroobo gumayste. Tusaale ahaan “Somaliland waxay xorriyadda heshay 1960”. Aalaa se waxa la door bidaaa madax-banaani (independence).

Micnaha faraha badan ee la siiyay af ahaan ereygan waxay keentay in fahamkiisu kakanaado oo uu noqod mid marin habaabay. Sidaasdarteed, way haboon tahay in culumida afka Soomaaliga baratay ama dersitaa ay u maaro helaan arinkaas. Maadama oo aanan ka mid ahayn kuwa bartay afka ama dersa, uma daadegayo halkaas.

Aragti ahaan xorriyadda oo aan halkan uga jeeda “freedom” laftigeeda ayaa leh wejiyo badan oo waxay inta badan ku xidhan tahay halka aad ka taaga tahay. Isku qaska wejiyada badan ee xorriyada ayaa u ah sees qalad fahamka xorriyadda.

Qofka aadanaha ahi wuxuu leeyahay dareeno iyo rabitaano shaqsi ah oo ay adag tahay inuu ka wada xoroobo. Dad aad u tiro yar baa gaadha derejadaas. Qofku wuxuu ka dhex jiraa bulsho leh diin iyo dhaqan go’aamiyo wax badan oo ka mid ah noloshiisa, sida wuxuu cunayo, sida uu u cunayo, wuxuu xidho, sida uu u xidhanayo, meeshuu seexdo, sida uu u seexdo, sida uu u hadlo, wuxuu ka hadlo, cidda uu guursanayo, sida uu u guursanyo, marka uu dhinto sida loo aasayo iyo cidda aasaysa iyo wayxaabo badan oo qofku qabto si maalin le ah ama xillile ah. Qofka way ku adag tahay inuu helo fursad uu ugu noolaado si ka duwan sida bulshadiisu u nooshahay. Ha noqoto ta ugu wayni in qofka lagu soo koriyay oo maskaxdiisu ay u samaysan tay sida ay bulshada uu la nool yahay rabto, balse sidoo kale qofka laftiisa ayaa ka maaga inuu ka horyimaado bulshada.

Dhaqanada iyo diinaha bushooyinku waa keligood saxnayaal oo bulsho waliba waxay ku ababisaa caruurteeda in diintooda iyo dhaqankooda qudhi saxan yahay. Hadii ilmuhu ka dhex dhashay bulsho Hinduu haysata waxay u badan tahay inaan qofku isku hawlin inuu wax ka ogaado diin kale ama uu su’aal geliyo diintiisa. Sidaasdarteed, waxay u badan tahay inuu sidaa ku dhinto.

Qofku wuxuu yimaadaa aduunka isaga oo taag daran oo ilme yar ah oo ooyayaya. Wuu koraa. Waalidkii nolosha ay ku nool yihiin iyo dugsiga uu u tago inuu ka waxbarto (hadii ay jirto) ayaa saamayn wayn ku yeelata sida uu isu arko qof ahaan ilmahaasi. Midaas buu la koraa. Maadama oo aan dadku u helin fursad ay ku kala doortaan qoysaska ay ka dhalanayaan, way ku adag tahay dadku inay kala xushaan dhaqankooda, dalkooda iyo diintooda ama diin la’aantooda (tan danbe waa mid tobanaankii sano ee danbe ku soo badatay dunida, gaar ahaan reer galbeedka).

Xadhkahaas badan ee ku xidh xidhan qofka waxa u dheer mid kale oo bulshadii meel wada joogtaa ay isku raacday inuu u noqdo xidhe guud oo qof walba qabta. Waxay u bixiyaan magacyo badan oo ku xidhan dabcan afka bulshada. Soomaalidu waxay tidhi xeer. Xeerka sida uu u ku yimaadda laftigeedu way ku kula duwan yihiiin bulshooyinku. Qaar baa ku tiirsan xeer ay aamisan yihiin in Eebaha ay caabudaan uu u soo dejiyay, qaarna waxay ku tiirsan yihiin dad ay ixtiraamaan diin ahaan ama dhaqan ahaan oo u sameeya xeerka, qaarna iyaga ayaa samaysta. Tan danbe ayay hada u badan yihiin wadamada casriga ah ee aynu ku hoos noolahay.

Xeerkaasi, si kasta ha ku yimaadee, waxyaabaha uu ka hadlo waxa ka mid ah xorriyadaha qofka iyo heerka ay gaadhsiisan tahay awoodda bulshadu u leedahay xeer ahaan inay xannibto. Bulshadu waxay aqoonsan tahay in dabarka bulsho ee qofka ku xidhani aanu ahayn mid qasbi kara. Tusaale ahaan hadii la yidhaahdo qofku gacanta bidix wax kuma cuni karo, waxa hubaal ah hadii uu ku cuno in aan bulshadu talaabo ciqabeed daran ku qaadi karin, marka laga yimaado inay haaraamaan ama gadoomiyaan.

Dabarka xeerka ku dhigani wuxuu muraayad u yahay dhaqanka iyo xeel dheerida aqoontooda. Tusaale ahaan mar baa bulshada reer galbeedku ciqaab xun (oo dil ka mid yahay) marin jirtay dadka la yimaada aragtida saynis ee ka duwan tii Kiniisaddu qabtay. Rag badan oo horyaal u ahaa korordhka cilmiga sayniska ayaa ku god galay feker saliim ah oo ay la yimadeen oo ka soo horjeeday xeerarkii bulshada u yiil oo lahaa dabarro is barkinaya dabarka bulsho iyo xeerka bulsho.

Bulshooyinkan maantu waxay aad ugu horumareen siyaasad ahaan oo waxay gaadheen heer dhawr dadyow oo kala dhaqan duwan la iskugu keeno hal maamul siyaasadeed leh xeer wadareed iyagoo dhan maamula. Waxa taas barbar socota in dunida laftigeedii isku furan tay oo hadii waagii hore wabiyada iyo buuruhu xuduudo aan la dhaafi karin ahaayeen, maanta si sahlan baa labada daraf ee dunida la iskaga gooshi karaa.

Sidaasdarteed, waxa lama huraan noqotay in la qeexo xeer guud oo aadanuhu wadaago isaga oo ku kala duwan diinta, dhaqanka, afka, aragtida, aqoonta, horumarka maadiga ah iwm.

Markaas xorriyaddii qofku uu u qeexi jiray sida bulshadiisu u aragto waxay noqotay in loo qeexo si guud oo xeer lagu asteeyo. Markas baa la yidh xorriyadda qofka waa in la dhawraa si aan qof waliba dhiniciisa ugu halgamin si uu u dhacsado wuxuu u arko inay kaga maqan yihiin bulshada inteeda kale ama aanu uga caasiyoobin bulshada oo fawdadu u badan.

Isku qaska sida wax bulsho u aragto iyo xeerka u yaal waxay tiir wayn u tahay in bulshadu fawdo gasho waayo qof waliba si gaar ah ayuu u turjumanayaa arin kasta isaga oo ku doodaya inuu ku saleeyey caado soo jireen ah oo laga yaabo inuu u qaloociyay si isaga markaas u dan ah.

Xorriyadda markaas laga hadlayaa, marka xeer ahaan la eegayo, waa midda ku astaysan waxa bulshadu isla garawsatay iyada oo lagu salaynayo dabeecadda banii aadamka oo ah inaan midna midka kale ka xaq badnayn, ka sarayn oo aanu lahayn mudnaan u gaar ah. Markaa qof waliba wuxuu xor u noqday inaanu ka xishoon aragtidiisa oo aanu is odhan ka awoodda fadhiya ayaa kaa caqli badan ama kaa xoog badan, ee sida ay ula muuqato inuu u sheego hadii uu hayo aragti ku saabsan tusaale ahaan biyo xidheen webi soo fakada hadba, abaaro soo noq noqday, tuug naftii isugu keentay, hanti la wada lahaa oo la boobayo, awooddii oo si xun loo isticmaalay, halka ay tahay in bulshadu u jeesato iwm. Wuxu xor u noqday inuu dhaq dhaqaaqo, cibaadaysto, guursado inantuu tabo, ay guursto inankay rabto (iyada oo aan la eegin dabarka bulsho ee beel gaar ah diidaya guurkeeda), inuu xor ka noqdo gaajo oo ka lagu aaminay hantida guud uu u cadaalad qaybiyo dadka oo dhan, inuu xor ka noqda cabsi.

Dhibta maanta taagani waxay noqotay in dadka qaar ay fahmi waayeen qaarna ay ogaan isugu qaseen sadexda arimood ee aynu kor ku see sheegnay. Sadexdaas oo kala ah 1. Qofka iyo naftiisa (waxay rabto iyo waxay siiday) 2. Qofka iyo bulshadiisa 3.         Qofka iyo xeerka.

Xorriyaddu waxay ku salaysan tahay inaan dadku is adoonsan oo si cabiidsan, inaan qofna qof ka sarayn oo u awood sheegan, inaan qofna ama kooxina ku qasbin qof waxay rabto. Tusaale ahaan dadka diimaha samaawiga ah haysta (Islaamka iyo ehlu kitaabka) waxay aamisan yihiin in Ilaahay dadka abuuray oo uu isagu dunida keenay iyaga oo siman. Iyada oo taas laga duulayo waxa la asteeyey in aadnahaas Ilaahay abuuray ay kala xoroobaan oo qof waliba qofka kale xor ka noqdo, xorra u noqdo noloshiisa. Sidaas oo ay tahay hadii qofku isagu isku soo rogayo dabarro uu ku saleeyey diintiisa ama dhaqanka bulshadiisa ama rabitaankiisa shaqsiga ah cidina u diidi mayso. Waxaa se shardi ah in qofku xor ka yahay dadka kale. Garo oo hadii qofku yidhaahdo anigu Ilaahay xor kama ahi oo kharmiga ma cabayo, doofaarka ma cunayo iwm, xorriyadu u diidi mayso ee way dhiirigelinaysaa waayo xorriyaddu dadka ayay kala xorraysay ee qofna naftiisa weerar kuma aha. Sidaasdarteedbaa xorriyad ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ay tahay xorriyadda caqiiidada si loo ilaaliyo in qofku isaga oo Muslim ah, tuaale ahaan, uu ku dhex cibaadaysan karo bulsh Kiristan ama Hinduu u badan.

Xorriyaddu waa waxa ka taagta daran ka ilaaliya ka xoogga wayn, ka lacagta haysta ka ilaaliya ka faqiirka ah, ka badan ka ilaaliya ka yar. Xorriyaddu waa waxyaabihii u horeeyey ee diinta Islaamku ku soo kordhisay dunida: in dadku kala xoroob. Waxaa se yaab ah kun iyo afar boqol oo sano kadib, dadkii Muslimka ahaa laga baryayo inay qaataan wixii diintoodu u sheegtay waagaas. Waxaanan se ula yaabin wax badan oo diintu ina fartay baynu aasnay ama iska indho tirnaa ama cid kale u tirinaa lahaansheheeda.
Xorriyaddu waa hanti iyo xoog uu qofku leeyahay keligii waana waxa keliya ee ka ilaaliya qofka bulshada inteeda kale gaar ahaan kuwa xoogga badan ama lacagta badan. Bulsho waxay horumari kartaa inta ay leeg tahay xorriyadda ay siisay qofka. Waxa tusaale kuugu filan dal walba oo ka mid ah kuwa horumaray ee maanta jooga ama taariikhdu kuwa ay dhigtay ee waayo hore talin jiray. Sababta oo ah horumarka waxa keena fekerka. Waxana fekera qof haysta xorriyadda fekerka.

 

Guleid Ahmed Jama

http://www.guleidjama.blogspot.nl/