Xeerdejin iyo xukuumad is xambaar ah:qalinkii Boobe yusuf ducaale:Qormadii 9aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Qormada: 9aad

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu awoodahaas ayuu siinayaa Shir-guddoonka. Bal hadda aynu ag dhigno awoodaha uu siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada:

Qodobka 14aad:

Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

1. Gudoomiyuhu wuxu furayaa, xidhayaana fadhiyada, wuxuu sheegayaa saacadaha iyo ajendaha fadhiga soo socda, isaga oo af-ahaana ku war-gelinaya Xubnaha Golaha Wakiilada.
2. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu wuxuu mas’uul ka yahay fulinta iyo ku dhaqanka Xeer-hoosaadka, ilaalinta nidaamka Golaha iyo habsami u socodka hawlaha Golaha oo dhan.
3. Gudoomiyuhu wuxuu hadalka u qaybiyaa Mudaneyaasha, wuxu hogaamiyaa doodda, wuxu soo jeedinaya su’aalaha, wuxuu nidaamiyaa habka codaynta, wuxuna ku dhawaaqaa natiijadooda.
4. Gudoomiyuhu wuxuu kormeerayaa shaqada Golaha iyo hawl-maalmeedka ay qabtaan xoghayntu.
5. Gudoomiyuhu wuxu matalaa, kuna hadlaa magaca Golaha Wakiilada. Wuxuu xidhiidhiyaa Golaha iyo baarlamaannada adduunka ee dhiggiisa ah.
6. Haddii Gudoomiyuhu heshiis caalami ah soo galo, wuxu Goluhu ku ansixinayaa heshiiskaas cod haldheeri, (aqlabiyad fudud).
7. Gudoomiyuhu wuxu saxeexaa heshiisyada caalamiga ah ee Goluhu la galayo baarlamaannada adduunka ee dhigiisa ah.
8. Gudoomiyuhu wuxu dhaariyaa Xoghayaha Guud, ku-xigeenkiisa iyo la-taliyeyaasha.
9. Gudoomiyuhu wuxuu saxeexa go’aamada Golaha iyo waraaqaha kale ee rasmiga ah. Marka uu maqan yahay ama uu buko waxa saxeexaya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha marka labaduba maqan yihiina Gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
10. Gudoomiyuhu wuxu iska leeyahay furista Golaha marka kooramku buuxsamo, iyo xidhitaankiisa hadaan Golaha soojeedin kale ka iman.
11. Gudoomiyuhu wuxu ahaanaya mid u dhex ah mudaneyaasha marka laga reebo xaalada codkiisa loo baahdo.

Waa qof iyo maankii sida uu u qiimeeyo is-barbar-dhigga labadan awoodood ee Xeer-hoosaadkani kala siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Shir-guddoonka.
Falanqaynta Qodobbo ka mid ah Xeerkan Sir-doonka Qaranka:
Qodobka: 1aad: Erey-bixinta Xeerka:

Faqradda 4aad ayaa ah:
Xog qarsoodi ah: Xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah, taas oo bixinteeda ama sheegiddeeda aan la ogolaan ay khatar ku tahay ilaalinta amniga iyo danta qaranka.

Faallaynta Qodobka: 1aad, Faqradda: 4aad

Halkan waxa aan caddayn, aan muuqan, aan sugnayn, aan qeexnayn, aan meel oollin oo aan taagnayn oo madmadow badani ku jiraa: Maxaa noqonaya xog qarsoodi ah. Waxa kaaga sii daran, xog dabeecad ahaan ama qiimo ahaan xasaasi ah. Halkan waxa la iska weydiin karaa: dabeecadda iyo qiimaha xogtu waxa ay noqon karaan. Waxa intaas oo dhan ka sii daran marka ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqoto.

Goorma ayay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqotaa? Sidee se ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi ku noqotaa? Tolw, yaa sargooya ee go’aan ka gaadha goorta ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaan xasaasi noqoto? Hadal waa margi ayaa la yidhi, waana maah-maah Soomaaliyeed oo ilaa aammanuu soo jirtay. Alla, Xukuumaddeennu belaayaysanaa iyada oo aan saddex jirsan ayay durtaba haysataa qalab aanay dawladaha waaweyni haysan oo lagu cabbiro daabeecadaha iyo qiimaha xogta qarsoon ee xasaasiga ah. Sacabka ha loo tumo.

Hay’addani Madaxweynaha ayay hoos imanaysaa, isagana haleelkiisa iyo waqtigiisuba waa ay iska yar yihiin. Sidee ayuu ku ogaanayayaa in ay xogtu dabeecad ahaan iyo qiimo ahaanba xasaasi tahay? Yaa uuga mas’uul noqonaya si uu uga go’aan-qaato? Yaa uuga mas’uul ah in aan Muwaaddiniinta daacadda ah ee dal iyo dadba u shaqaynaysa lagu wanjalayn?

Haddii aanu jirin oo aanu hawl-gal maanta ka ahayn Xukuumaddeen barakaysan hab-dhaqankii iyo caadooyinkii sadhaysnaa ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre, maxaa keenay in laga fekero dhismaha Hay’ad Sirdoon Qaran loogu wan-qalo oo ummadda lagu bah-dilo oo aan soo marin jaranjarooyinkii Hay’adaha Qaranka lagu dhisayay. Xataa hanashadii iyo agaasinkii ammaanka ayaanay ku fiicnayn oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku tahay. Hawlaha ammaanka waxa ka go’aan-qaata Hay’adaha ammaanka ee Ciidan Qaran iyo Boolis Qaran leh.

Qodobka: 5aad

(Ujeeddooyinka Hay’adda)

1. Ujeeddooyinka loo aasaasay Hay’adda waxa ka mid ah: