Wonderbag waxay isbedel ku samaynaysaa nolol-maalmeedka dadka geeska Africa.

Qayb ka mida dadaalada lagu badbaadinaya xaalufinta deegaankasoo waajahayabulshadeena bariga Afrika, ayaa aalad cusub madaxa la soo gashay gobolka. Aaladdan wonderbag oo ah kiish ku karinaya cuntada habka soo celinta kulka ayaa cuntada ku diyaardsadaan qoysas nasiib u yeeshay in ay noqdaan kuwii ugu horreeyay ee isticmaala mandaqadda geeska Afrika.

“waxay u kaydisaa qoyskayaga in ka badan kala badh kharashkii dhuxusha aan ku bixin jirnay ,taasoo u dhiganta illaa $10 toban dollar bishiiba .” ayay dhahday Isra ahmed oo ah Ardayad Jaamacadda dhigata. Waxa ay tidhi Iyadoo hadalkeeda sii wadata “waxa ka badan xataa in aan sii diyaarin karo cuntadayda goor hore subixii ka hor inta aanan tagin jaamacadda oo aan digsiga ku dhex rido wonderbagga, iyada oo duhurkiina qof kastaa ugu yimaado guriga qado diyaara oo, illaa intii aan bilawnay isticmaalka kiishkan maan isticmaalin ka badan hal girgire badanaana waxan isticmaalnaa kaliya dabka aan quraacda shidno inaan ku diyaarino qadada ”.

Sida magaca ku xusan kiishku waxuu u shaqaynayaa si layaab leh ,digsi aad cuntadii isku shubtay oo ay in yar oo daqiiqado ah kadib markii ay karkartay ayaa la dhigayaa kiishka dhexdiisa. Ujeedada kiishku kadib waa in ay hayso oo ay soo celiso kulaylka ka baxaya digsiga kaasoo cuntada ku karinaya isla kulaylkaa.

raashinTani aad bay muhiim u tahay maadaama qiimaha dhuxusha iyo xaabadu ay aad u kordhayaan iyada oo khayraadkii dabeeciga ahaa ee deegaankuna si dhakhso leh u dhamaanayo. Wondebag waxay si cajiiba u yaraynaysaa wakhtiga ay kaa qaadanayso cunto karintu iyada oo dhuxusha,shooladaha gaaska iyo kuwa dabkaba –celcelis shan saacadood – oo aad cunto karis ku mashquulsanaan lahayd ay kaa fursanayso, taasoo u dhiganta 50-90 boqolkiiba wakhtiga cuntada aad dul fadhiyi lahayd. Waxa kale oo ay Wonderbagtu isticmaalaysaa ilaa boqolkiiba 80 biyo ka yar intii la isticmaalayay taasoo aanu jirayn wax uumi bax ah inta ay cuntadu kuu karayso. Markaa waxa halkaa ka cad in hal cunto oo aad sida caadiga ah aad u karisay aad isticmaalayso biyaha 5 cunto oo aad wonderbagta ku kariso in la mid ah.

“Wonderbagtu waxa ay kaa caawinaysaa yaraynta karbon dhayogsaydhka cimilada in ku dhaw illaa 1 tan badhkii sanad walba waa ay ka nadaafad badan tahay ,waana doorasho badbaadoleh,sidoo kalena u roon deegaanka ,”ayaa uu dhahay ridwan dayib oo ah wakiilka shirkada wonderbag ee geeska afrika.

Waxan doonaynaa inaan ku baraarujino ummada sidii deegaankeenna loo badbaadin lahaa” ayuu ku sii daray Ridwan. Waxa uu sheegay in inta lagu jiray tijaabada ee sannadkii hore ay dad badan u kaydsameen lacag badani, Marka la eegi Djibouti waxa bishii reerku waxkariska ku isticmaalaa ilaa $100 ku dhawaad am aka badan.

Faaiidooyinka kale ee wonderbag leedahay waxa la dareemi doonaa inta lagu jiro bisha barakaysan ee ramadaan . bishan gudeheega qoysaska isticmaalaya wonderbag waxay heli doonaan wakhti badan oo ay seexdaan ,cibaadaystaan ama ay waxyaabo kale qabsadaan. Tusaale Marka suxuurta la samaynayo uma baahan doonto wax maarayn ah gabi ahaanba. Tijaabooyinkii sanadkii cusbaa ee soonka islaamku wuu wanaagsanaa qoysaskii lagu tijaabiyayna waxay kici jireen ilaaa 3 am ooy ku  suxuuranayeen suxuur diyaara oo kulul.

Website ka somaliga ah ee www.ha-wonderbag imika waxa lagu daray systemka lacag bixinta onlinka ah “online payment system”  si dadka dibadaha joogaa ay ugu iibiyaan dadkooda aaladdan.

lolWaxa kale oo tijaabiyay reer miyiga oo gabadh caruur yaryar haysata ayaa ka mid ah dadka ka faaiidaysanaysa wonderbag loogu deeqay . “waxaan eegaa riyahayga aroortoo dhan waxaanan guriga ku soo noqdaa qadada inyar ka hor.waxaana ka warwari jiray carurta dushayda ka ooyaya oo aan sugi karayn wakhtiga ay qadada diyaarinayo. Wonderbag markan helay waxan cuntada diyaariyaa subixii waxaanan guriga ku soo noqdaa wakhtiga qadada waxanan ku cuntaynaa cunto kulul oo sii bislaatay. Maan rumaysan bilawgii hore waxaaan u malaynayey inay kaftamayaan dadku marka ay ii sheegeen in kishkan cunto lagu kariyo.” Ayey tidhi gabadhan oo ka mid ah dadka loogu deeqay kiishka bilawgii mashruuca.