Weligaa belaayo ma ku heshay?!

 

Caweys dhexe oo gudcur ah ayay ahayd. Dhulku waxa uu ahaa madow aan geedka iyo bahalka si fudud loo kala garan Karin. Waxa ay fadhiyeen ardaa xerada geela ku qabsan. Habeenkaas reerku neef ayuu shidhaystay oo jiidh iyo jibaadhba way ka haageen. Saruuraddii haysay iyo basaastii ku raagtay labadaba way ka raysteen. Kor iyo kalba duxdii baruurta ayay ku liiliyeen, hadhaagiina kabaha ayay ku subkadeen. Kildhi shaah ah oo loo keenay ayay isagana heensadeen. Markuu nin waliba fujaankii ugu dambeeyay ku shubtay, ayuu Gamadiid raggii su’aal ku soo dhex tuuray: weligaa belaayo ma ku heshay? Guutaale ayaa markiiba inta uu fujaankii gunta dhulka u dhigay xusuustay qiso beri hore ku dhacday oo aan marnaba nudaygiisa ka bixin. Sheekadii ayuu bilaabay. Madowgii gudcurka waxa ku darsamay murugada ay sheekada Guutaale abuurtay.

Raggii waxa ay u qaybsameen mid dhabanka iyo gacanta isku haya oo amakaagsan iyo mid iswaydiinaya toloow ninku waxan uu ka sheekaynayaa ma run baa mise waa been? Haddii ay run tahay sidee ayuu dhacdadan uga nool yahay?. Geelle ayaa isna markiisii warramay oo ka sheekeeyay wacdarihii qabsaday iyo belaayadii raaskiisa ku dhacday berigii geela laga dhacay. Innamadiisii uu maydkooda dul joogsaday ayuu xusuustay. Sidii uu u caydhoobay ayaa maankiisa ku soo maaxatay. Sidii uu berigaa u goblamay ayuu isaga oo murugaysan ka sheekeeyay. Guutaale, Geelle iyo laba kale oo ragga kamid ah ayaa si laayb leh uga warramay belaayooyinkii ku soo dhacay intii ay noolaayeen. Afarta sheeko midiba mid bay ka darnayd oo ka naxdin badnayd. Bulxan oo ugu dambeeyay ayay su’aashi soo gaadhay

Sii akhri:Weligaa belaayo ma ku heshay

Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)

Aadancadde28@gmail.com