Weli waan nool ahay

Qaraxii xoogganaa ee xalay ka dhacay Muqdisho, ayaa nin goobjoog ahaa iiga sheekeeyey wixii uu u soo taagnaa ee uu indhihiisa ku arkay. Ninku waa nin aannu muddo dheer saaxiib ahayn oo ku dhaqan Muqdisho. Waxa aan ka cudur daaranayaa in aanan saaxiibkay magaciisa sheegi karin, maadaama oo uu isagu iga codsaday in aan qariyo, noloshiisa darteed. Waa tan qisada saaxiibkay.

 ”Khadaraw, xalay wadku gacanta ayuu i qabtay, wuxuuna igu yidhi ‘weli nolosha badh baa kuu hadhaye orod iska tag.’

Si caadi ah ayaan aniga oo labbisan u imi maqaaxida, si aan uga casheeyo. Waxa aan soo galay gudaha maqaaxida Isa Saar ee dhaw Beerta Nabadda. Waa 7:30 fiidnimo. Hortayda waxa yaalla moofo, oo ah cashadii aan dalbaday. Daqiiqaddaas ayey wax waliba is beddeleen. Waxaa hillaacday dunida, waxa dhacay wax aan hubo in aanu hore weligeed Muqdisho uga dhicin, in uu mar kale ka dhici doono laakiin ma sheegi karo.

Waxa aan xasuustaa in aan dhulka ku dhacay. Waxa aan sii arkaayey moofadii oo sidii u saaran bileedhkii ay ku jirtay in ay cirka u sii socdeen. Waxa kale oo aan arkaayey miiskii aan fadhiyey iyo kursigii oo mid waliba u finiinay jiho kale. Waxa kale oo aan indhahayga ku arkayey, maqaaxida iyo alaabtii dhex taallay iyo dadkii oo dhan oo qiyaamahoodu hal mar kacay. Intaa kaddib, ma jirin miis iyo kursi u yaallay sidii ay u wada yaalleen, ma jirin wax sidoodii ahaa, sheyna meeshiisii ma oollin. Waxa aan ku siqay beerka, aniga oo aan hubin meesha aan u siqayo. Waxa se aan hubay sababta aan beerka ugu soconayo; oo ahayd in aan nafta la baxsado.

 Gurguurad ayaan bannaanka ugu soo baxay. Illaa hadda ma hubo waxa dhacay in uu qarax yahay iyo in uu yahay gantaal nalala eegtay. Qaddar yar kaddib, ayaan aaminay in wuxu ahaa qarax, laakiin uu san ahayn kii aan aqaanay. Intaa ka gadaal, ayaan mar kale isku dayey in aan fahmo meesha uu qaraxu ka dhacay. Runtii ma hawl yarayn middaasi, waayo labo illaa saddex daqiiqo oo xidhiidh ah waxa soonaha oo dhan haystay uuro iyo siigo madaw, taas oo dadkii, guryaha, baabuurta iyo dhiriitba kala qarisay.

 Aniga oo bartii wajahadda hore ee maqaaxida, ee aan ku soo gaadhay xabbadkii aan ku soconayey, weli beerka dhulka ku haya, ayaan maqlay wiil yar oo qaylinaya. Waxa uu ka qaylinayaa meel dhankayga bidix ah, oo ku beegan kaalinka shidaalka ee SOPICO iyo Beerta Nabadda dhexdooda. ”Baabuurka iga kiciya, baabuurka iga kiciya, muslim ma joogooy!” ayuu cunuggu ku celcelinaya. Qaraxa dabadii, waxa dhagahayga barjeeyey dhawaqa rasaasta aan kala go’ayn. Ma garnayo cidda ridaysa, cidda lagu ridayo iyo meesha laga ridayo toona. Waxa se aan iminka hubaa in qaraxu ka dhacay dhabarka dambe ee maqaaxida.

 

Waxa aan doonayaa in aan caawiyo ilmahaa cabaadku ka dhammaaday, laakiin ma awoodin, waayo waan baqayey, oo beerka ayaan dhulka ku hayey. Nin ayaa ka soo dhaqaaqay meel hortayda ku beegan si uu wiilka u caawiyo. Markii uu wiilka dul istaagay, ayaan anna dhiirraday oo aan helay kalsooni aan ugu tago wiilka cataabaya. Waa wiil yar oo darbijiif ah. Gaadhigu waa Nooha, waxa uu kaga taagan yahay lugta. Haddii aannu illmaha gaadhiga ka hoos jiidi lahayn, lugta ayaa kala hadhaysa, sidaa awgeed in aannu gaadhiga riixno ayaanu isku af garannay aniga iyo ninkii. Si la ma filaan ah ayaan u arkay in gaadhigu istaadhan yahay. Aniga oo maqiiqan ayaan shidhka daf idhi. Aniga oo dhan baa gariiraya, waxa aan samaynayo iyo wax kale ma kale ogi, dhibaato nafsadeed oo laxaad leh ayaan se dareemayaa. Gaadhiga, oo geer D ahi ku jiro, ayaan R dhigay, dabadeed degdeg ayaan reefas ugu qaaday illaa dhawr tallaabo.

 Gaadhiga ayaan ka soo degay. Waxa aan ku soo noqday wiilkii iyo ninkii. Khadaraw, kolley qolyihiina qurbaha jooga iyo soomaalida kale wax uun baad naga aamisan tihiin. Si walba waannu u dhimannay, haddii aannu nahay shacabka iyo maatida Muqdisho, laakiin qalbiga maya. Qalbiga wali waannu ka nool nahay. Waxa aannu ka adkaysan waynay dhaawaca xun ee wiilka soo gaadhay. In aannu wiilka qaadno oo dhakhtar iyo wax u la cararno ayaanu ka fikirnay. Marka aannu sidaa ku fikirayno, ma jirto cid socota, maxaa yeelay cidiba ma socon karayn. Aniga oo hareeraha eeg eegaya, oo xal raadinaya, ayaan halacsaday gaadhiga dhexdiisa wax iiga muuqday.

 Waxa aan u qaadan waayey in gaadhigii aan iminkan saarnaa, uu shidhka hore saaran yahay qori; waa qori AK47 ah. Waxa aan xasuustay in gaadhigu istaadhnaa markii aannu is nidhi riixa. Waxa i galay dareen xoog leh. Dabcan gaadhiga ciddii wadatay way ka carartay. Waxa haddana qub igu soo yidhi, in haddii meel qarax ka dhaco, ay daba socon jirtay koox weerar ah oo qoryo ku dagaallanta. Dadkii meesha ka dhawaa, oo markan iyaguna isu soo ururay si ay u hubsadaan waxa dhacay, ayaan la soo dhexgalnay ilmihii oo aan sidno. Waxa aannu dhignay ilmaha meel ka fog meeshii gaadhigu yaallay. Waxa aan go’aansaday in aan mulkiilihii maqaayadda iyo dadkii goobta isugu soo ururay ku war galiyo in gaadhiga hub saaran yahay, suurtogalna ay tahay in dhibaato kale ka timaaddo, sidaa darteed ay muhiim tahay in aagga dhanba isaga fogaadaan. Sidii ayaan sameeyey, dadkiina way ka dheeraadeen gaadhigii.

 Ku dhawaad soddon daqiiqo kaddib, aniga oo jooga guri meesha u dhaw, waxa isaguna markiisii hillaacay gaadhigii aan gacantayd ku dhaqaajiyey ilmaha yarna aan ka kiciyey anigu. Gaadhigaasi waxa uu ahaa qaraxii labaad ee meesha ka dhacay. Qiyaastii, qaraxa hore, oo ahaa gaadhi weyn, waxa uu dhulka hoos u qoday laba iyo badh illaa saddex mitir. Dad ayaa illaa hadda ku hoos jira guryaha dumay, oo aan nolol iyo geeri midna lagu tirin karin.”

 

F.G. sheekada wiilku wuu iiga sheekeeyey, aniguna waan qoray oo keliya

 

Khadar Cabdi Cabdillaahi