Maanta waxyar aynu ka yara naso dhankii siyaasada taa baddalkeeda haynu kayara sheekayno,dulmiga iyo xumaanta uu leeyahay.
Sida aynu ognahay dulmigu waa wax aad u xun,oo uu ilaah inaga xarrimay,isagoo xathiisul qudsina inuugu sheegaya,lehna,naftayda waxaan ka xarrimay waxa loogu yeedho dulmiga ee dhexdiinu ha is dulmiyina,rasuulkunu wuxuu xathiis inoogu sheegayaa inuu dulmigu maalinta qiyaamo noqonaayo dulmiyo farra baddan,haddaba qisaddan yar waxyar ila dhugta.
Waxa jiri jirey boqor daalima oo dhulka isku weyney jirrey,boqorkinu wuxuu ahaan jirrey mid awood baddan ku leh waddanka,isaga dabadiina lagama daba hadli jirrin.
Dhanka kallena waxa la jaar ahayd islaan yar oo aad u miskiina,islaantan yarrina waxa ay daganaan jirtey buulyar oo boqorka
ku ag nabnaan jirtay ,maallin maalmaha ka midda ayuu boqorkii amar ku bixinayaa,in la burburiyo buulkan yar ee ka fool xumeeyey wajahadiisa,wuxuu u dirrayaa ciidamo,ciidamadiina way burburinayaan iyaddoo islaanta maqan,oon war ka hayn waxa ku dhacay buulkeedii yara!!!.
Markay gaadhay gallabtii cadceeduna sii dhacaysay ayay islaantii yarayd oo tabaacana imanaysaa meesheeddii waxayse arkaysaa,buulkii oo bubursan oo la baabiyey,!!!waxay gudda gallaysaa siday u ogaan lahayd waxa ku dhacay buulkeedii yaraa waxase loo sheegayaa in buulkeedii yaraa uu burburiyey boqorkii magaaladu.
Islaanta ma qaylinayso mana warwarayso,lakiinse waxay bilaabmaysaa sidday gacmaha sarre ugu qaadi lahayd,ilaahayna ugu ashkatoon lahayd,waxay odhanaysaa illaahoow anigoo maqan ayaa buulkaygii yaraa la burburiyey,haddaan anigu maqnaa adigu xageed joogtay??!!,isla markiiba wuxuu ilaah amrayaa,mallagu jibriil mallagu jibriilna wuxuu leeyahay lixboqol oo baad oo baadkastaaba leegyahay,cadceed ka dhaca iyo cad kasoo baxa,markaasuu ilaah amar kusiinaya inuu burburiyo qasriga boqortooyada malagu jibriilna wuxuu ku dhufanayaa garrabkiisa qasarigii boqorku lahaa dabadeed waxay noqonaysaa baaba waxay la simaysaa dhulka.
Waxba ha dulmiyen haddaad awood leedahay,dulmigu cidhibtiisu waa shanlayn,indhahaagu way seexan,kii la dulmiyeyna wuu is ciili isagoo kusoo habaari isha illaahna ma seexato dhamaad,
Hamse riraash
hamse riraash <hamseriraash@hotmail.com