Wax Yar ku Fur! – W/Q: Ceelaabe

Shaqada ugu badan ee ka socota Magalaada hargeisi waa Ganacsi iyo wax iibin.Dadka ugu badani waxa ay u shaqo tagaan ama furtaan Meherado ganacsi ama Dukaamo Alaabo lagu iibiyo.Dad badan Ayaa dhex Fadhiya ama subaxii taga Meel ganacsi oo aan waxba ka soconin ama Wax buurani u dhex oolin.Waa dhab Qof kastaaba halka uu shaqada ka bilaabo iyo waxa ugu horeysa ee uu Suuqa ku soo galo ama camal ka dhigto kama dhex baxo lagamana Karo oo wuu  ku Weynadaa.Wey yar yihiin dadka Xirfadaha shaqo ee lagu bartey iska badalaa.Ganacsi haddii aad Barato ama soo Dhex gasho sida aad uga baxdaa wey adag tahay.Ganacsiguna waa Shaqada Keliya ee Dadka oo dhami ku Hamiyaan xitaa kuwa Xafiisyada ka Hawlgala Ayaa ah Ganacsiga.iibinta,Soo Dejinta iyo Furashada Bakhaaro Ganacsi Ayaa loo Arkaa mid barako badani ku Jirto lagana Helo Faa,ido buuran.

Wareysiyo badan oo laga sii Daayo Idaacadaha Qeybaha Ganacsiga ama lagu wareysto dadka Maalqabeenka ah Ayaa waxa ay kaga waramaan Taariikh la xidhiidha sidii ay ku soo bilaabeen Ganacsigooda ama shaqadanI maanta ay Heystaan”Waxa ay dadka u sheegaan in ay ka soo bilaabeen meel yar oo aad u yar ama ay ku Fureen wax yar oo aan la sheegi karin,Iyaga oo hawl kar,Dedaal iyo Samir ku soo gaadhey Maanta halka ay Marayaan”.

Marar badan Ayaa la wareystaa Maamuleyaasha Dugsiyada Hargeisa waxa lagu barto,Kuwaasi oo qaarkood  marka la wareysanaayo sheega in ay Dugsiga ku Bilaabeen 5 Qof Maantana ay wax ka dhigtaan 5,000 oo Ardey”Waxaad is weydiisaa in Dugsiga lagu bilaabey Lacag la,aan ama bilaash ama lagu Furey Tiro yar oo ah 5 Qof maantana ay Dhigtaan 5,000 oo Ardey waa Dedaal, Waa Farxad,Waa Waa guusha Wax Bilaabida.

Tujaarta Waaweyn ee Somaliland marka taariikhdooda laga waramo Inta laga sheekeeyo waxa la soo qaataa Halkii ay ka bilaabeen iyo Kuwa meel hoose iyo wax yar ka soo bilaabey ganacsigoda sannado badan ka hor,Maantana qof kasta ayaa garan kara halka ay marayaan iyo Dhaqaalaha ay Heystaan”.

Aduunyada oo dhan marka aad eegto Sida horumar ganacsiga looga gaadho ama Shaqooyinka Ayaa ah in waxyar lagu furo ama bilaabo lana higsado meel sare,Waaney yar tahay dadka inta badan hela lacag ama dhaqaale culus oo ay wax buuran mar qudha ku wada bilaabaan”.Maalqabeenada Aduunka Ayaa soo wada marey nolol adag ama Dedaal ku dhisneyd.Ganacsatada Aduunka Ayaana wakhtiyo adag kala soo dabaasha Meheradahooda.In aad  wakhti yar ku Taajirto,In aad ka shaqeyso meel aan dawlad laheyn,In aad adigu sharciga ganacsiga,Soo Dejinta,iibinta iyo Rarkaba gacanta iskugu Heysto,Qiimahana adigu aad Jarto,Alaabtaad doontana iibiso,Mid dhacdey ama wakhtiyar u hadhsan yihiin Ayaa ah arimo Ganacsatada somaliland lagu dhaliilo,Laakiin haddana Shaqadaasi suuqa buux dhaafisey waa Ganacsi iyo baayactan.

In badan u Fiirso,Suuqyada iyo Dukaamada aad dhex socoto,Waxaad Arkeysaa Sariibadaha Hooyo dul Fadhida wax yar oo aan badneyn haddana iibineysa oo ka ganacsaneysa una soo Kalahdey”Boqolaal Ayaa dul Fadhiya Khudaar yar oo aan buurneyn haddana Ganacsi ku Jira”.Marka aad eegto Sariibadaha 70% waxa ay dul Fadhiyaan Alaabo yaryar oo aan badneyn”.

Kaaryoonayaasha Magaalada buux dhaafiyey waxa saaran ama lagu Riixayaa ama lala fadhiyaa Alaabo yar yar oo aan Badneyn lacag badana ku Fadhiyin,Waa shaqo,Waa isku Mashquulin,Waa ganacsi waa in meel yar oo hoose laga soo Bilaabo”

Dukaamo badan oo aad Gasho waxba ma dhex Yaalaan haddana wey Furan yihiin,Waa la dhex fadhiyaa,Waa la isku Mashquulinayaa,Wax yar Ayaa dhex yaala,Kuwo kale wax yar Ayaa lagu Furey lana Soo dhex dhigey”.Sannado badan ka hor Meherado markii la Furaayey aan garanaayo iyaga oo aan wax badani dhex oolin,Ayaa maanta Maraya Heerka Shirkad ama Company”.Kuwo kale Weli wey Furan yihiin oo waxa laga ilaalinayaa in ay Kacaan ama is xidhaan.

Miyaanad Arkeynin dadka dhulka Fadhiya,Bacahana Dhigtey kuwaasi oo dul fadhiya wax aan Macno badan laheyn ama iibkoodu wanaagsaneyn,Haddana wey dul fadhiyaan,Ku qanacsan yihiin,Subax kastana u soo Kalahaan.

Madarisado iyo Dugsiyo badan Ayaa isheydu Arkeysaa lagu bilaabaayo Tiro yar oo Kooban sida 10 ama 20 Ardey,Muddo yar ka dibna waxa ay Isheydu qabaneysaa iyada oo 100 Ardey Tiro ku dhowi ka soo Baxeyso.Xafladaha waxbarashada Ayaa maamuleyaashu ku Fanaan in ay ku bilaabeen 4 Ardey maantana ay ku Jiraan 1200 oo Ardey.Dhakhtaro lagu furey Adeeg yar Ayaa maanta maraya Cusbitaalo waa weyn,Hudheelo laga bilaabey Sandaqad ama Banaanka wax lagu cuni Jirey Ayaa Five Star maraya.

Furitaanka iyo Bilaabida Warshadaha yaryar Ayaa Dhinaca kale dad ku Hamiyeen oo ay Hirgaliyeen,Marka warshadaha yaryari ay furmaan lana badiyo waxa ku Xiga in la bilaabo kuwii waaweynaa iyaguna.Waxaana Maanta lagu Faanayaa in Wax badan ay ku Qoran yihiin Made in Somaliland.

Dhinaca kale waxa Ganacsigeena wakhtigan ku soo badanayaa Fikrado cusub iyo Adeegyo iyo ganacsiyo dadku tebaayey ama loo baahnaa.Waxaase badan Ganacsiyada iyo Fikradaha la iskaga deydo ama la wada Bilaabo.Wax isku darsiga,Wada shaqeynta iyo saamiga ama Iskaashiga ganacsi Ayaa la fahmey.Isticmaalka Bangiyada iyo Bixinta Amaahda oo iyaduna dad badan u dhib yareysey ku Jirida ganacsiga iyo ilaalinta lacagta Ayaa horumar laga sameeyey.Ku dhaca Bilaabida Ganacsiyo iyo u dhabar adeygida Waayihiisa Ayaa dad badani  ku aasaaseen Ganacsiyo badan.Khataraha Macquulka ah Ayaana la wajahey.Waa qurux Yaraantu,Waa khibrad in aad wax yar ku bilowdo oo aad Higsato meel sare.Dedaalkaasina waxa ka soo socda,Isku filnaasho,Dakhli iyo Farxad badan, iyo Weliba Aqoonsi.

Adeegsiga Technologyga,Go,aan Qaadashada,Fahanka iyo Tixgelinta Macaamiisha,Adeega iyo Kordhinta Alaabta cusub,Sharciyada Dawlada,Cashuur bixinta,Fikradaha ganacsi ee cusub,Tartanka iwm Ayaa marba marka  ka danbeysa lala qabsanayaana soona Kordhaaya.

Abdifataah Mahamed Ahmed

(ceelaabe_10@hotmail.com)