Waa Looga Dareeray – W/Q Khadar Cabdiraxmaan‏

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa aad looga dareemaayey iyo guud ahaan gobolada dalka is bedel dhanka siyaasadda arrimaha guddaha ah, gaar ahaana arrimaha xisbiyada.

Magaalada Hargeysa oo kaliya oo waxaa ka dhacay ugu yaraan shan is bedel oo ka yimi dhanka xisbiga siyaasiga ah ee Waddani, isaga oo ay ka baxeen ku dhawaad sideed masuul oo dhamaan wad xil u hayey xisbiga Waddani.

Aad ayaan ula fajacay siyaasadda xisbiga Waddani oo runtii wakhtigan gabi dhaclayn ku jirta, isla markaana galay jaah wareer dhanka siyaasad ahaan ay ku tiirsan yihiin ah.

Shir talo qaran iyo shir kale maxaad qaban kol hadii godkaagi ay biyo kuugu soo galeen. Soomaalida ayaa tidhaahda maradiisa ayaa ku gubtay. Waddani waxaan leeyahay maanta maradiisii ayaa ku gubtay oo wuxuu u baxay mudh iyo gacan.

Xisbiga waddani wuxuu dhabaha saaray dariiqii xisbigii weynaa ee UDUB oo afweyntay goostay xiligiisii ugu wacnaa dhanka taariikhda, kana maanta taas ayuu ifa-faalaheeda soo wataa.

Gudoomiyaha waddani ee xisbiga maanta maalin ay kaga xuntay ma jirto, in kastoo uu soo jaqay ugu yaraan toban sano oo mudo xileedkiisa ah iyo baaqi dheeraad ah oo jeebkiisa kaga darsaday.

Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay isha Cali ka laalaada waad aragtaan ee runta isku sheega oo ka tashada aayihiina, una dhaqaaqa dhabaha horumarka ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo inoo jeexday.

 

W/Q:  Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com