“Waa Cadaalado Daro In Masuuliyiin Qaran Lagu Qaado Xukun Aan Caddayn Lahayn” – W/Q: Nasra Xaaji Cabdiraxmaan

Saddexdii masuul ee lagu eedeeyey inay raashin lunsadeen ayaa ka dib markii in muddo ah dhegeysiga dacwadoodu ka socday maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa waxa garqaadka dacwadoodu ku gebageboodey in lagu rido xukun xaq darro ah oo ka fog caddeeymihii maxkamadda horteeda laga furay. Taasoo fajicisi iyo amakaak ku ridday dadweynihii sida joogtada ah u dhegeysanaayey dhamaanba fadhiyadii lagu dhegeysanaayey maxkamadda mudadaas dhowrka bilood ah socotay. Hase yeeshee, in yar kadib markii xukunku dhacayba waxaa soo if baxay xogo caddeynaya in faro gelini maxkamdda kaga timid dhinaca xukuumadda taasoo majaro habaabisay gunaanadkii geedisocodkii garqaadka dacwaddii saddexdan masuul ee mudada socotay.

Dad badani waxay sugaayeen sharciguna dhigayaa in mas’uuliyiintan uu Madaxweyne xigeenka JSL xaqiijiyey in lagu qabtay falgaraso uu micneheedu yahay in lagu qabtay fal dembiyeed ay gacanta kula jireen isla markii la qabtay, taasoo ay ahayd in isla ayaamihiiba maxkamad lagu horgeeyo, balse aanay dhicin taasi ee muddo ka dib markii CID-du baadhistoodii soo dhamaysatay caddaysay inaanay dembigii lagu soo eedeeyey mas’uuliyiintan ku haynin. Taas oo sii xoojisay arrin soo ifbaxday in yar ka dib uun markii xabsiga loo taxaabay mas’uuliyiintan lagu eedeeyey lunsiga raashinkii danyarta loogu tabarucay oo la sheegay in xadhigoodu ahaa shirqool ay u sameeyeen wasiiro xukuumadda ka tirsan oo ay xurguf siyaasadeed ka dhaxaysay, isla wasiiradiina ku khasbeen xeer ilaalintii inay wuxuun soo dhoob dhoobaan  ay mas’uuliyiintan ku hor geeyaan maxkamadda, maadaama oo ay wasiiradani yihiin kuwii markii horeba wanjaaladan soo maleegay.

Mu’aamaradan ay sameeyeen wasiiradan ka tirsan xukuumadda ayaa lala xidhiidhinayaa in qaar ka mid ah mas’uuliyiintan la xidhay uu ka dhexeeyey tartan siyaasadeed balse ay wasiiradani u dhigeen arrintii taagnayd tartan si xaalala loo tartami kari lahaa ay u adeegsadeen dagaal khaarajin qaawan ah oon dhuumashaba lahayn, Tiiyoo ay si qaawan uga faa’iideysteen xidhiidhka dhow ee ay la leeyihiin Madaxweynaha JSL gaar ahaan marwada 1aad.

Ka dib markii maxkamadu dhegeysatay in ka badan 28 markhaati  oo xeer ilaalintu hor keentay maxkammadda ayaa dawladdii ku hambaabertay caddeeymaha ay markhaatiyaashoodii maxkamadda horteeda ka fureen oo dhami wada muujiyey dembi la,anta mas’uuliyiintan ay u soo xidheen lunsiga raashinakii masaakiinta loogu talo galay. Taasina ay werer weyn ku beertay xukuumadii gaar ahaan wasiiradii wanjalaadan soo maleegay, iyagoo ka cabsi qaba inay arrintu iyaga dib ugu soo noqon doonto hadii mas’uuliyiinta waxba lagu waayo, sidaaas awgeedna ay xukuumadii ku qanciyeen wasiiradani inay ka shaqeyso sidii ay culueeys xoog leh u saari lahayd maxkamadda laguna caddaadiyo inay xukun ku riddo mas’uuliyiintan si dawladda fadeexad looga badbaadiyo.

Labada wasiir ee ugu awooda badan xukuumadda ee sida tooska ah ugu xidhan madaxweynaha JSL gaar ahaana marwada 1aad ee kala ah wasiirka madaxtooyada iyo Duulista iyo Hawada oo ah kuwa xurgufta siyaasadeed ka dhexeeysay mas’uuliyiintan la xukumay ayaa waxaa dhowaan ku soo biiray oo kala qayb qaatay dagaalkan lagu khaarajinaayo masuuliyiintan wasiirka arrimaha gudaha oo isaga aan cadaawadi ka dhaxaynin nimankan la xukumay basle isagu ugu soo biiray dagaalkan ujeedo kaloo ka duwan tan labada wasiir ee kale. Waxaa dad badani aaminsan yihiin in Wasiirka arrimaha guduhu u arkay kiiskan mid uu xaalad abuurkii uu awalba waday uga faa’iidaysanayo oo dadka ku kicinayo si uu dawladdan cimrigeeda u soo gaabiyo maadama mabda’a u qarsoon ee uu ku shaqeeyaa yahay mid uu reerkiisa daacad ugu yahay balse aanu xukuumadda igmatay daacad ugu ahayn.  Ka dibna saddexdan wasiir ayaa si toosa ugu badheedhay inay si khaldan u adeegsadaan awoodii dawladnimo oo ay si cadaw tinimo bilaa naxariis ah ugu aargoostaan oo ugu khaarajiyaan mas’uuliyiin iyaga la mid ah oon wax dembi ah gelin, iyagoo si sharci darro ah u adeegsanaya hay’adihii dawliga ahaa ee ay ahayd inay ummadda dhex u noqdaan caddaaladna ugu sheqeeyaan.  Waxaa soo ifbaxday in dhacdadii u dambeeysay ee lagu qorsheeynaayay xukun xaqdarro oo lagu rido mas’uuliyiintan ay ka qayb qaateen wasiirka arrimaha dibedda oo la kaashanaaya marwada 1aad iyo mas’uuliyiin kale. Ilaa xad uu wasiirku habeenimaddii ka horeeysay mallintii xukunku dhacaayay uu xaakinkii daadihinaayay dhegeysiga dacwada ugu tegey gurigiisa kiiyoo wata laba caaqil oo ka soo jeeda jifida xaakinkii garqaadka kiiskan. Halkaasoo ay aakhirkii ku qanciyeen xaakinka inuu xukunka u rido sedan uu u dhacay.

Hadaba waxyaabaha dadweynaha ka yaabiyey waxaa ka mid ah sida aanay wasiiradani u garayn muhiimada ay leedahay mas’uuliyada loo igmaday ee ay ummdda u hayaan ee anay dan iyo muraad toona uga lahayn mu’aamaraadka ilaa xadkaas ah ee ay ku kacayaan iyo dhibaatada ay keeni karto amaba mushaakilka ka dhalan kara xidhiidhkooda dhow ee ay la leeyihiin khaasatan marwada 1aad M/weynaha ee ay sida xun u adeegsanayaan. Waxaanay dan u muraad toona u lahayn sida arrimahan ay ku kacayaan ay u sii kala fogaynayaan xidhiidhka dawladdan ay ka mid ka yihiin  iyo shacabkii soo doortay, oo maanta xataa tii keli ahayd ee u bed qabtay xukuumaddan ee ay ku dhaq dhaqdhaqaasay ee ahayd ixtiraamka ay bulshada reer soomaaliland u hayaan Madaxweyne Siilaano uu arrinkani taana baabi’inayo, dhaawac weyna ku keenayso sumcaddii madaxweynaha ee laga filaayay caddaalada, kalsoonidii dadweynuhu ku qabeen madaxweyne Siilaanyona halkaas ku baaba’aayo xukun qarbooshkan lagu riday mas’uuliyiintan awgeed.

Habka kiiskani u dhacay wuxuu muujiyey caddaawad gaadhay halkii ugu xumayd, axmaqnimo iyo aargoosi aan birma gaydaba la eegayn.  Arrintani waxay caddaysay in awooddii dhamayd ee wadanka soomaliland ay u afduuban tahay dhawr wasiir oo ka ilaalad haysta marwada 1aad oo ku shaqeeysa mala awaal, kutidhi ku teen sidaana ugu sahasha M/weynaha inuu ku go,aan qaato macluumaad aan sal iyo raad toona lahayn, maadaama ay wasiiradan iyo marwada1aad yihiin cidda qudha ee M/weynahu u afduuban yahay ee uu macluumaadka ka qaato isla markaana ay ka xidheen ummaddii kale oo dhan ee siin lahayd m/weynaha wararka saxa ee suuqa yaalla cidda qudha ee ay u ogolaadaan inay m/weynaha arkaana waa ciddii xoojinaysa ee wadda kooxdan wararkooda.Taasina waxay keentay in waddanku gallo marxlado badan oo khalkhal iyo xasilooni darro abuuri kara oo ay xadhiga mas’uuliyiintani ugu dambeeyay. Waxaa kaloo ka mid ahaa xadhigii xildhibaanadii dawladda hoose ee Gabiley, dadkii dan yarta ahaa ee laga raafay meelihii ay wax ku iibsan jireen ee suuqaqa magaalada Hargeysa ee loogu mar marsooday biliocda magaaladoo la hagaajinaayo laakiin runtu ahayd in M/weynaha la rabay in dadku ku kacaan markuu ka soo noqday safarkiisii London, wershaddii sibidhaka ee Berbera weerarkii lagu qaaday xerada ciidanka qaranka ee dadka badani ku dhinteen iyo kuwa kaloo badan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hubaal ah in kooxdan ka dambeysay wanjalaada loo dhigay mas’uuliyiintan xaqdarada lagu xukumay  aanu ka khaldanayn hadafkooda dhiilada iyo dhagarta xambaarsan ee ku salaysan habdhaqankoodan ay ku soo caan baxeen ilaa iyo intii Kulmiye xukunka qabtay, marka la eego sida ay u majarahabaabiyeen dawladdii dhamayd ee kulmiye oo kolkii ay xukunka qabteen u xuubsiibatay Udub oo inta badan magaacabistii wasiirada, DG-da, iyo hay’adaha madaxa banaanba ay u bateen dad aaan guushii kulmiye waxba ku darsan, sida taageerayaashii udub oo ku yimid wasto ay wasiiradani ka wasteeyeen Madaxweyanaha. Waxaa se dad badani la yaaban yihiin hadafka iyo ujeedada qoyska 1aad ee madaxtooyada loo doortay ay arrintan oo kale ka leeyihiin, waxaa ku kaliifay inay ka cararaan dadkii tobanka sannadood la soo halgamaayey ee xoog iyo xoolaba u soo huray. Waxaa lays weeydiinayaa sababta ku kaliiftay in awoodooda laysku karbaasho oo ay kuwo tareenka uun dhinaca soo qabsaday shallay markii guusha la gaadhay ay ku dilaan kuwii ilaa intaas oo dhan naftooda iyo maalkoodaba u huraayay weligoodba. Khaasatan marwada koowaad oo ah tan cadawga iyo nacabkaba u loogaysa (ninkeedii) oo Madaxweynaha qaaliga ah ee ummaddu u dooratay inuu isbedel sameeyo, hadaba waa maxay faa’iidada u gaarka marwada 1aad ee ugu jirta xaqiiqada ay ninkeeda ka qarinayso, warka khaldan ee dhinaca ka raran ee ay u geeynaso, ku milanka wasiiradan dantooda ku kacsanaya ee laynaaya ma huraankii daacada u ahaa iyada iyo Madaxweynaha ee ay ka raacayso wasiiradan awrkooda ku kacsanaaya.

Isku soo xooriyoo, waxaan aaminsanahay in arrinkani weli daba qabasho leeyahay oo hadii maxkamadda sare ee ay mas’uuliyiintani abiilka u qaateen ay caddaalad u dhacdo in lakala badbaadi karo, dawladuna sumcad ugu siyaada mooyaane aan mid kaga dhacdaa jireyn “Belaayona dabo la qabto ma lehee daaman la qabtay leedahay” ama “Caano qubtaba dabadood la qabay” Waxaa kaloo muhiim ah in qoyska 1aad ee madaxtooyadu gartaan dantooda, kala gartaan cadawgooda iyo nasteexooda ee aanay wax ku dooran hebel shiqsiyadiisaan ka helay oo aanay sidaas xil ugu magacaabin gaar ahaan jagooyinka ugu sareeya ee ugu xaasxaasisan dalkan. Waxaaanse ka baqayaa in xaalkoodu noqdo “WAN weeyn ilaa la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan” ilaahay khalkhal iyo amaan daro hanaga badbaadiyo hana garadsiiyo tallada xaqa ah madaxweynaha iyo marwadiisaba, ilahayna haynaga badbaadiyo sharka ka guuxaaya mas’uuliyiintan ku xariifaka ah isdhuldhiga ay ugu dhuumaalaysanayaan madaxtooyadii ku aamintay xilalkii ugu muhiimsanaa dalka.  

Nasra Xaaji Cabdiraxmaan