Ururrada la furay waa ujeeddo-badan

Tan iyo intii la gudo galay furista Ururada siyaasada waxa furmay Ururo badan oo ah ujeedo badan, waxa cidii u dhug yeelata u muuqanaya tabaha iyo xeeladaha ka dambeeya furashada Ururada qarkood oo ah laab la kac aan lugo ku taagnayn oo aynu odhan karno waa xafiltan caantayna iyo cadho ururtay oo  maba aha mabda’a Siyaasadeed oo fooganaanta himiladiisu hiigsi dheertahay, taas oo ku ladhan in uu wax u qabto umaddiisa baahida aadka ugu fara badatay ee saboolnimada qaarkood daashatay, kuwaas oo in badan ka dhur sugayey helitaanka Qaran hira, caawiyana danaha guud oo dhisi kara kuwa gaar ahaaneed (Danta guud way ka qaadaa muga danta gaar ahaaneed, balse ta gaar ahaaneed ma qaado ta danta muga danta guud), waa ciyaar ninba cayn u tumayo, waxaanse leeyahay (waa la kala badin orodse maaha), waxaan ujeedaa nin weliba waa is ogyahay oo fulexantii ma mooga, dadkana haatan in doora way koreen waxayna barteen in ka mid ah Siyaasada iyo geedi socodkeeda waxayna aad u sii fahmeen in ay wax bedeli karaan goorteed oo ay ka aarsan karan nin kasta oo been u sheega dayacana fursada qaaliga ah ee ay siiyeen, ninkii dabinka Sakaarada laaca ugu hadoodilay markuu salaadii ku soo jarmaaday ee aw libaax ugu yimid dabinka yuurura ee cartan awgii aburka saydhaaya waxa laga hayaa waa soo jireen weedha caanka noqotay ee deelaydana gabay ahaanta ugu jirta ee ah (umaba daban) waxan leeyahay umada reer Somaliland raga qaarkii ayaa isku kiin soo sharaxi umabay daban, waase dabinka Siyaasadeed ee doorkan.
Hadaba furista urarada Siyaasadeed way wacnayd oo waa baadi goobka lagu heli karo siyaasad hogaamiyaha ugu  xalaalsan ee umadda fari kara dagal barwaaqo, balse urarada Siyaasada qaar waxa loo furay jawaab looma helayn kolkay tahay hadafka hogaaminta bahweynta umadda reer Somaliland.
Dhanka kale markaad ka eegto qaarkood waa riyo qaarna waa baayac mushtar oo waxaan odhan karaa waa fikrad Ganacsi dhanka uu isagu ka eegay, qaar kalena waa humaag iyo dhalan habaabis, qaarna cidbay ogolaysiinayaan, isku soo wada duuboo dhawaan ayaa la kala baxayaa fardo la iskula hayo maxaa la iskugu faani, qaarba diiwaangelintii ayey ka hadheen oo mabay soo bixin, hadaba kuwaan faalada u soo qaatay waa kuwan 15-ka urur ah ee Diiwaangelinta wejigii hore ka soo gudbay, lacagtiina bixiyey ee diyaarka u ah baratanka inay ka qayb galaan, waxaanay isugu jiraan Urur heensuhu u dhameeyey baroor jilbaha madaw ku wata, ashkir indhuhu fiixaan ku jardeeyey caynab u adkaysi badan, ku xakamaha sudhay xamar qoobab waaweyn, ku shakamada haya geenyo shaaximan, kuna waxaabu keenay maydaankan baratanka baqal daba keena, mid kalena waxay dantu baday dameer af cad, kubaa isagu awr keeneeyey, ninba ceesaantii ceel keentay, warku waxa uu se oogta ka cadaanayaa marka ciyaartu isku duba dhacdo, qiimeynta kama dambeysta ah ee Guddida diiwaangelinta ururadu soo af go’odo muddo ku siman bil ku dhawaad, shaandhada Guddida diiwaangelinta Ururada, waqdaarada ayuunbaana ka asala, la arki doonee iyada oo raga qaarkii mar kale umadda horteeda ILAAHAY ku karbaashay oo afka boodhka daray, in kasta oo sharci ahaan iyo xuquuq ahaanba lagu gafay qiimaha diiwaangelinta cusub oo ay qolada hore ku astaysan yihiin qayb  wadaag xaaraan ah, maxaa yeelay iyaga lacagtii lagu diiwaangeliyey $1000 may dhameyn, kuwa todoba iyo labaatan ayaa lagu diiwaangeliyey, waxa ay cadaaladu ahayd in laga simo lacag bixinta si loo masoobo, waayo kuwaa lacagta laga daayey, iyaga dakhlibaa weliba soo galay, labada talada isaga dambeeyey iyo kan kale ee Faysal-ba waa kii ka ladi waayey
Ka ladi waayey, hadaba way fiican tahay in sidan loo yeelo in aan cid gaar ahi yeelan ururka ama Xisbiga, laakiin waxa ka sii fiicnayd cadaaladuna ku sar go’onayd in dhamaantood laga qaado kharashka diiwaangelinta, iyada oo xeer NO 14-kana la waafajinayo oo koobista iyo wax ka bedelkii ujeedada guracan lahaa laga horumariyo qodobkan sharciyadiisa sinaanta iyo cadaalada ku salaysan, iyada oo laga shidaal qaadanayo Dastuurka maankana lagu hayo ilaalinta qodobada aas aasiga ah ee tilmaamaya Xuquuqda xuquuqda qofka ee lama taabtaanka ah (Personal Fundemental Rights) sida ay cadaynayso qaaciidada tafsiirka shuruucda (Formula Of Legal Interpretation) oo lagu dabaqayo hadlinta naska sharcigiisu sidu dhigayo, mar walba waxa reeban in la hareer maro ama laga talaabsado ama laga talaabsado qodobka sharci soo jeedinaya in la dhawro hanaanka sharciyada inoo yaala wixii xaajo ugubana loo celiyo cida wax ka qaban karaysa laguna kaalmeeyo laguna garabsiiyo sidii ay xaajada cusub ugu maaro helin lahaayeen, waxa kale oo soo jeedinayaa sida ugu dhakhsaha badan uguna haboon in wax looga qabto xaajada guracan ee ka soo if baxday waayadan dambe Galbeedka, ILAAHEY-na waxaan ka rajaynayaa in xaqa inoo dilaaciyo sida waagu u dilaaco.

WA BILAAHI TAWFIIQ.

Garyaqaan : Faa’iz Maxamed Aw-Khaliif.