TACSI MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay MARXUUUM, MAXAMED CABDULLE WALANWAL (SIX), oo Xilal kala duwan, ka soo qabtay dawladihii ka danbeyey intii gobonimada la helay.

Markuumka oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa 16/04/20102, laguna aasidoono 17/04/2012 Hargysa gaar ahaan Xabaalaha Naaso-hablood 10:00 Subaxnimo.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin