Soo saarida khayraadka dalka sida macdanta iyo shidaalku waa tiir muhiim u ah dhaqaalaha dadka iyo dalka Somaliland

KIMWaxaaa hubaal ah in uu ilaahay ku manaystay Somaliland khayraad kala gadisan sida xoolaha oo manta wakhtiga xajka malaayiin neef oo adhiyo iyo keel iskugu jira ay ka dhoofeen dekada caalamiga ah ee berbera taasoo kaalinta ugu muhiimsan uu ka qaatay sheikh saleebaan siciid al jaabiri oo ah mudiirka guud ee shirkada aljaabiri company oo ah shirkadii ugu horaysay ee boqortooyada sucuudiga oo kaalin wayn oo taariikhiya ka qaadatay qodobada hoos ku qoran

  • Qaadistii xayiraada xoolaha Somaliland saarnaa mudo 9sano ah
  • Dhismaha maxjarka caalamiga ah oo noqday biriijka isku xidha geeska Africa iyo sucuudiga

Khayraadka dalkeena

Khayraadka dabeeciga ah sida macdanta iyo shidaalka oo aduunku aaminsanyahay in aanu leenahay xadi aad ubadan oo marka aanu soo saarno wax wayn kabadalaaya dhaqaalaha dalka iyo dadkaba oo abuuri doona jawi aanu u eekaano dawlada khaliijka oo yaguba soomaray marxaladan oo kale .

Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland markuu dhagaysay warbixinta wasaarada shaqada ku leh wuxuu soo saaray xeer lagu abuuraayo ciidanka ilaalinta khayraadka dalka soo saaridiisa , taas oo hoos imanaaya ama ka mid noqonaaya laamaha bilayska Somaliland yagu masuul ka noqondoona sida ciidanka bilaysku uleeyahay laama kala duwan oo mid walba ay leedahay shaqo gooniya .

Sida uu cadeeyay wasiirka arimaha guduhu ciidankaasi oo qaab dhismeedkiisu yahay mi waafaqsan ciidanka soomaliland oo uu kamidyahay waxaa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in loo tababaro xirfadaas si ay ugutaa ilaalinta shirkada ajaanibka ah ee baadhaaya khayraadka dalka ku duugan

Soo saarida shidaalka waana mugdi ku jirin in uu wax wayn kabadali doono horumarka dalka , taa tusaale kuugu filanyahay heerka dhaqaale ee dawlada xaliijku ahaayeen kohor inta ayna shidaalka dalkooga lasoo bixin iyo heerka dhaqaale ee uu gaadhsiiiyay shidaalka ay lasoo baxeen

Sidaa awgeed waxaan ubaahanay si aan uga faaiidasyano waxa khayraad ah ee dalkeena ku duugan in aan gacan ka gaysano shacabka iyo xukuumaduba sidaasoo kale golayaasha qaranka iyo axsaabtaba iyaga oo isku duuban in meel uga soowada jeesano horumarka dalka oo aan ka ilaalino wax kasta oo turxaan ah dib udhac keenahay.

Xasan Suudi Xirsi

Siyaasi madax bannaan