Soo digii ku digriyi jiray “UDUB WAY TEGAYSAAYE, HA TAHRIIBIN WALAL” Dhalinyaroy ka digtoonow! “Beenta Casriyaysan ee loo yaqaano Dab-damiska”

Waxaan jeclaystay inaaan ku soo bandhigo qormadan kooban, qoraal xambaarsan xikmada odhanaysa “Kud ka Guur oo Qanjo u Guur” odhaahdan oo u jeedada aan u soo biyo dhici doono, aan ugu horayn u hambalyeeyo xukuumada uu hogaamiyo Madaweyne Siilaanyo, oo saddex jirsatay!(happy birth day ).

Hadaba waxay iswaydiintu tahay maxay keentay wax isbedela, oo ka duwan tii Madaxweyne Rayaale? Ma qof ku bedel qof ayaa wadanku ?

Waxa hubaal ah inaanay waxba iska bedelin bulshada ku dhaqan wadanka, gar,ahaan dhalinyarada oo inta badan ka cabata shaqo la,aan, waxa ka sii daran oo ugub ku ah casrigan,been cilmiyaysan  oo aad moodo in loo isticmaalayo sida “DAB-DAMIS”oo kale.

Anigoon jeclayn inaan ku sii fogaado isbar-bar dhiga labadii xukuumadood ee ugu dambeeyay kuwaasi oo  aynu xaq ugu leenahay inaynu ku canaano isbedel iyo horumar, maadama oo Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)iyo Madaxweyne Maxamed X. Ibrahim Cigaal ku mashquulsanaayeen dhisida haykal dowladeed oo dhamaystiran.

Dowladii hore ee Madaxweyne Rayaale waxaan inbadan ku dhaliili jiray dhalinyarada iyo tahriibka. Waxan ku rajo waynaa dawlad cusub oo dhalataa inay wax ka bedeli doonto mushkilada tahriibta oo sidaynu ka dheregsanahay ay tiir dhexaad u tahay shaqo la,aantu, laakiin se, waxa dhacday in dawlada maanta talada wadanka haysa ee uu hogaamiyo Madaweyne Siilaanyo noqotay tii ugu darayd abid taariikhda Somaliland ee ku caan baxda “BEEN”. Beentaas oo weliba la jaanqaadaysa technologyada.

Runtii waxan u hanweynaa labba qodob ood moodo, inaan aad ugu farxay markaan ka maqlay dhawaaqa xukuumada cusub ee Somaliland, balse dhicisoobay!

Midi waxay ahayd markii Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale uu baarlamanka hortiisa ka shaaciyay inuu sanadkan shaqaalaysiinayo 1500 oo ardaydii jamacadaha ka qalinjebisay ah! Waxay ahayd talaabo mudan in lagu majiirto masuulka hadalku ka soo yeedhay, laakiin waxa waqtigaa taagnayd hadal-hayn badan oo ku saabsan shaqo la,aanta, iyo xafladihii qalinjebinta jaamacadaha oo inyar ka hor u kala hor dheerayn jireen masuuliyiinta dawladu siday uga qayb-geli lahaayeen, habada hadalka wasiirku wuxu ahaa Dab-damis!!

Waxa farxad gaara lahayd, maalin maal-maha ka mida ayaan arkay dhalinyaro ka soo baxday imtixaan laga qaaday oo shaqaale ku doonayso wasaarada maaliyadu, naasiib daro inkastoo ay dhalinyadu ahayd qaar dadka lagu tusayo dhalanteed oo dhabtu ahayd in hoos loo qoran doono shaqaalaha, hadana waxay ahayd niyad dhis wanaagsan in muwaadinku  arko inuu ku tar-tamayo shaqooyinka wadankiisa iyo dawladiisa looga baahday. Hadaba su,aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, maxaa ku dhacay wasaaradihii kale oo imtixaan loogu geliwayay, halkay ku dambaysay 1500 ee shaqaale, halkay ka shaqeeyaan, se haday shaqeeyaana yaa qortay? Sifadee loo maray shaqaalaysiinta dhalinyaradaasi?

Mida labaada waxay ahady ayaamo dhawayd waxa tahriibku gaadhay meeshii ugu xumayd, taasi oo ka baxsanayd meel uu ka  adkaysto qof damiir lihi, sidoo kale markii xukuumada Siilaanyo oo ku dhawaata inay shicib isu bedelaan masuuliyiintu markay maqlaan inyar oo mucaarada, ayaa waxay sameeyeen Dab-damis kale.

Taasi oo ahayd wax loogu yeedhay “shirweynaha wada tashiga shaqo abuurka ee wadanka” kaasi oo ahaa dab-damis, dadka hadalkooda lagu majaro habaabinayo.

Maxaa keenay marka dadku ka qayliyeen in dhalinyarada tahriibaysa la yidhaa waa laga wada tashanayaa? Se miyaanad qorshe u hayn ka hor qaylada dadka? ileen waadigii buuga yelowga ah sidan jiray ee nagu dewersanjiray ee lahaa, tahriibta ayaan waxka qabanayaaye? Soo digii ku digriyi jiray “Udub way tegaysaaye, ha tahriibin walal!!

Hadaba beentan casriyaysan ee la jaan-qaadaysa jiilka cusub, waxay u baahantahay inay dhalinyarada laftoodu ka yeeshaan talo qaran.

Waxaynu ku kalsoonahay ilaahay markasta SWT, inuu Somaliland siduu nabad-gelayada ku siiyay, una siiyo hogaamiye toosan oo aanu habaar ku dhicin.

Ugu dambayntii yaan laga daalin Somalilandnimada iyo ilaalinta qarankeena curdinka ah,

Somaliland Guul.

Lasoco qormooyinkan ………..…………….

Mahadsanidiin.

Qalinka: Mahad Abdi Ali

Mahad252@hotmail.com

Hargeisa,Somaliland.