SILLANAA OO SARGACANAA! – Xaasha’e Ha Sheegin Hantida indheergaradnimo iyo Hawlkarnimada Heer Qaran!

Haatan rubuc Qarni ku dhawaad waa laga jooga waagii heeryadii kacaankii daaqudka ahaa ummadani dhinac isaga rideen  sir iyo saaq jiritaankoodu wuu mudhbaxay xaajaduna saaka siday sabano ahayd la caynad maaha saban kastaa  suuradii, tahantii la guuraana tacabkeeday leedahay,  sideedaba  hab- fekerka umaddeed iyo koboca caqliyeedna hadba daruuriyaadka jira ee laga tegi waayo  ayaa lagu jaan gooya , baahiduna sidaasbay ku noqotaa hal abuurka nolosha   iyo feker dhaqaajinta. Sida se lafagurayaasha aadanahu isku waafaqeen  waayo- aragnimada ina aadan waxay qayb libaax leh ka qaadata xal u helida wax walba oo mahadho reebaa sidaa daradeed wali ina aadan waa kii keliya kala duwanaanshuhu waa goobaha, gooraha iyo hadba  khalqiga sabankaas nool.

Waa halkii abwaan Maxamed Cali Kaariyee dharaaraba wax la yaablaa igu soo dhacaaye  dhoodo qaad miyaan ahay! waa dhab oo waa sune noloshu laasintay waagi guduudataba waayahiisu wacaal la soo daaman weyn yahay dhacdaba la arkee waxa laga dheefta daraasaad mustaqbal loona adeegsado xal u helida dhacdo ay sawraca iyo saamaynta wadaagan oo gadaal la arkay. Caqliga  bani-adamku waa xasuus kaydiye firfircoon oo sawirashada dhacdooyinka odorosi og  awood buuxdana u leh hal-abuurka hab nololeed lagu doogsado .

Sooyalka maamul ee   umaddani  ilaa qarniyaal ayuu soo foognaa , garashadooduna waxay ahayd mid iyaga oo reer guura ah dhaxalsiisay  hab maamul tayadiisa xirfadeed sarrayso misana caqli dihin lagu hagaayo tusaale ahaan  guurtiyaynta iyo odayaynta ayaa ahayd habka ugu saamaynta badan, xal u helida khilaafaadka dhexdooda waxa saldhig u ahayd nidaam beeled togan oo aan gobtahanyo lahayn ,  caqliga saliimka ahi wuxu inoo sheegayaa markad sooyaalka iyo hab nololeedkii bulshaydii hore dib u milicisatid in saban kasta iyo waayo kastaaba leeyihiin xirfad iyo nidaam maamul oo gaar ah dabeecada iyo waqtiguna  yagleelan, horaaba loo yidhi raqba waa ku ragged, sidaa daraaded tayada iyo heeraynta noloshu kama soo waaqsato hadba dhiirananta iyo dedaalka ay u galaan khalqiga jooga.

 Dabcan waa laysla qaatay in ay ummadani lahayd  sooyaal maamul iyo mid siyaasaddeedba, raadadkeedii samaana waa dhaxalkan lagu wada joogo.  cawaaqib xumo iyo saamayn caqliyeed  lagama sheegin, waxa se sabanadan danbe  soo ifbaxaaya fool -adayg asiibay tayadii bulsheed ee aqooneed, siyasadded, kartiyeed dhiiranaantii iyo habfekerkii ummadeedna nahdii iyo nuxurkii ka idleeyay, garashadayda fardiga ahna wuxuun ban u nisbeeyay odoros la’aanta iyo dhugasho la’aanta dhacdooyinkii shalay iyo dibu gurasho caqli ah oo  aad moodid in ay tahay fooladka iyo horboodaha sabankan.

Dib u milicsiga sooyaal dhexe oo bulshadani leedahay oo qiyaastii  ku xardhan dhammaadkii qarnigii 18aad iyo duulaankii reer yurub ee qaaradan madaw. waxay xidhiidh muuqda leeyihiin dib u gurashadan caqliga ah ee ragaadisay nidaamkii siyaasaddeed ee maamul iyo  garasheed . Waayel gu’giisu waynaaday oo ruug cadaanimada nololeed  iyo waayo-aragnimaba laabadaba wax u sheegtay ayaa wuxu dharaar meel kaga cataabay cimrigaaga  oo raagaa geel dhalayana wuu ku tusaaye!! sabankan maanta maxaa ummadda garashadeedi xiin-fiinin saaray ? caqligoodiina caynadii saan cadaalaha ka yeelay, cadawgii caddaaba geyiga soo caga dhigayoo, garashadii hilin toosanba wayday!!  Waa hadal kasoo  yeedhay gadhcadaadi da’ wayn iyo maskax gaaxatay. Wallow aanan waagas xaadir ahayn haddana  waaqica iyo waayo- aragnimada nololeedba dabeecadaa xashaashaq kuugu sheegaysa in dhalan rogan muunadaysani saluug ku yimid, Sideedaaba jiilba jiilku ka horeeyay wuu ka geed- adaygsan yahay xagga wal oo nololeedna qori casku ka xigaa, aqoonta qalinka loo qaato  ee tadawuraadka tignoolajiyada ah lagu ikhtiraacay lafteedaa leh heer  oo waxan odhan karaaba jiilalkii dunida ku noola waayadii la odhan jiray da’dii aragtiyaha ( Age of Theories) oo ahayd bilawgii sayniska  baahida  keentay in waagaas aragtiyaha lagu legdamo,  baahida ayaa maamusha caqliga sida odhaahdan qalaad tibaaxayso ku teba baahidu waa hooyada ikhtiraaca ( Necessity is the mother of invasion).  Hadalkii odaygaan daba socdaaye imaatinka guumaystihii caddaa sida ay qirayso taariikhdu saamayntiisu lahaa ugu yaraana sooyalkii taxnaa ilaa unkankii ummadan waxbu ku ladhay . dhacdooyinka iyo mahadhooyinkaynu la kulanay intii nolosheenu jirtay shacbiyan waxay dareen iyo dhiiranaan ku reebaan kuna negaadaan  cuquusha hadba cidii ciida joogta dhedig iyo labood labadaba.

Bulshaydan soomali idilkeed sir iyo saaq saaka seeraha siyaasadded la wadaagin goonida  u lignaanta iyo  inay qaran gaar ah yeeshaana u saahiday, ma mooda in la xoroobo oo amni iyo amaan lagu talaabsado in loo laylanyahay weli se aan la gaadhin heerkii qallinka iyo caqligu  jaangoynaayeen masayrka ummadded sii ididiilo tadawur loo qisdiyay u timaado hubaal is xoraynta jabhadaynta iyo ka dhiidhiga cadawgu waa dareen laasiman oo quluubteena ku dahaadhan, xoraynta caqliga iyo daadihinta fekerka wanaagsana waa dareen fardi ah oo dadka in uun ka holcaaya quluubtooda aakhirkana ku gaagaxa.

Ma yara tacabka la  soo galay naf iyo maalba soo idlaa si loo helo nolosha aynu ku naaloonayno iminka raaf iyo rafaad lama qabo , hase ahaate daalkii iyo diihaalki  ilaa waagi saancdaalaha soo lignaa maxaynu ka dheefnay ee aan ahayn xaalada maanta aynu ku jirno oo u eeg ummad aan waligeed sabeen dawaco ka cunin , marka fiiro gaar ah loo yeesho sida aynu u naalno ee jahligu inoo hadheeyay, danlaawenimada iyo hanbalnimduna inoo biyo dhigtay wax naf iyo naruuro lehna laynooga waayay ee dooc kastaba ka eego tayadii bulsheed, dhismihii qaranimo iyo aas-aaskeeniba culnayn cidaadna aan laba  cawaynin, carabta waxay tidhaahdaa marka cuudka la shido ee dabka lagu qabtaaba udgoonkiisu soo carfaa,  waa halkii bashiir goode waa hubaal in  marka nabadda iyo  barwaaqada lagu jiro ay dadku is dhigtaan oo  aan wax badan la qabsan, balaayaduse ay dardar-geliso qofka awoodiihiisa iyo rabitaankiisa si uu belaayadda uga gudbo oo uu guryosamo u gaadho, Rahm Emanuel  oo ahaa madaxa shaqaalaha guriga cad ee maraykan ( White house chief of staff) ayaa waxa laga hayaa:” You never want a serious crisis to go to west, and what I mean by that is an opportunity to do things that you didn’t think could do before( Qofna ma jecla in dhibaato xoog leh oo soo martay khasaariyo, waxan uga jeeda waa fursad aad u heshay waxyaabo aad markii hore aad moodaysay in aanad qaban karayn) hadaladaasi waxay ina dareensiinayaan in macdanta qofka ku jirta iyo awoodiisuba ay soo bixi karto marka uu dhiboodo qofka u damiirkiisu noolyahayna waa ka ugu faaidaysiga badan dhiba atada soo martana waxay u noqota cashar bara guusha macnaheeda.

Qabyaaladu waxay ahayd  curiye dedejiyihii ( Catalyst) sababay in diidmo cad lagala hor yimaado nidaamkii afweyne oo saldhigiisu ahaa nin jeclaysiga iyo qabyaalada dabcan hadii si hoose  lay waydiiyo maxaa  inaga keenay  koonfur wadaniyadii lixdankii ina madax martayna ka dhigaytay mid aabaheed goblamay? qof kastaba wuxu ka hadlaya qabyalad oo u ku odhanayaa isir nacayba na  saameeyay oo wanala faquuqay , hadii caqabadaasi jirtay oo ummadi la kala fadilay oo bulshada in gaar ahi nidaamkii markaas jiray qayb ka ahaayeen oo barwaaqadii iyo hantidii soomalidu lahayd jeebab gaar oo abtirsiimo ku yimid  ku dhaceen  dhinac kastaba kartidii   dawladnimo waxay noqonaysaa  mid aan koob caano ah ka soo durdurin, saaka soomalina ka dhigtay dibbad yaal aan minin nabadoon oo nolololi ka suurtoobayso lahayn.  Dabcan waa dhab muruqa laba suule ninba si ku ah bilawgii sagaashameeyihii hadii beelnimada iyo reernimadu soo ifbaxday oo qoryaha si laysugu qaatay laga bogsay oo nabaddu inay xal tahay nin walba way u dhaadhacday hadii se laysla qaatay wada noolaansho iyo nidaam dawli ah la wadaago oo loo dhan yahay wali hiyigaasi muu beenoobin in nabadda ilaashada waa dan mujtamaca oo dhan ka dhexaysa, tayaynta dawladnimda aynu wadaagno weli cid dan mooday oo ka hadasha iskuna hawsha maxaa loo waayay? Kobocinta heerarka aqooneed iyo fahamkii cilmigana maxaa loo waayay cid isku hawsha wadaniyad iyo wadan jacaylna maxaa seeraha looga idleeyay? Jiritaaanka baylahdaasi waxay tilmaam buuxda ka bixinaysaa tayada bulsheed ee heer aqooneed iyo siyaasadeed.

Runta biyo kama dhibcaanka ah marka lays dul ligo laabatanka gu’ iyo dheeradkaas  geligeenu xorniimada laasimay xagg dhaqan-dhaqaale, aqooneed iyo siyaasadded intee in le’eg n tadawur laga sameeyay? Xaqiiqadu waxay isugu soo biyo shubanaysaa marka laga yimaado Hanaankii dhisida Nabadda ( Peace Building Proccess) ,  qaabaynta qolfoofka dawladnimo (Formulation of Government Skeleton)  Dastuurka qaranka (National Constitution)  Habka iyo hanaanka xisbiyada badan( Multi political part system)  Mooye in aan marnaba laysku hawlin sidii loo tayayn lahaa ugu yaraan waxa hanti loo haysto ee u ugu mudan yihiin aqoontii, waayo-aragnimadii siyaasaddeed  iyo waliba horumarka bulsheed ee dhaqan-dhaqaale.

Ugu danbayntii waxan ku soo gunaanadaya  jawaabta  odhaah xagayga macno mug  leh ka samaysay  oo u axmed-keyse  cali  rooble oo ah qoraa  arimaha bulshda iyo siyasaddaba si cilmi ah uga faalooda ka soo yeedhay,  Dawladnimaddu waa laba nooc uun mid danaha bulshada daryeesha iyo mid ay dad yari ku daneystaan.  Hadba cida aynu cumaamdno ee aynu u dhiibano amaanadeena  inta badan waa laga dayriyaa dhaliishana hu’ looga dhigaa hanti lunsi iyo musuqmaasuqna gogol ay jeeniga dhigaan weeye?  Weli se halkay sartu ka quudhun san tahay cid u kuur gashay cari ga ma joogan? Usha waxa loo dhiibta waa xubin ka mid ah bulshada mid meel kale ka yimid oo aan ahayn cida dantu ka dhexayso ee degel wada degan  lama cimaamado, xumaanta iyo tuuganimada lagu sheegayaana waa mid uu kala yimaadeen bulshayda uu la dhiig yahay dhulka iyo seerahana la wadaago, sidaa daradeed hadii marka hore bulshadu xorowdo oo musuq ka xorooban qabyaallad ka koraan, tayada dawliga aynu shaqo u dirsanaa waxay noqonaysaa mid ina kaafisa quluubteenana xasisha, dabadeed dawladnimda aynu doonaynaana waxay noqonaysaa mid dadkeeda daryeesha dadka . Inta se maanku gaajaysan yahay xumaantana la huursanaayo dhaliishuna door tahay duruusta nololeedna fudayd inagu dhaafayso guuli waa weli dhabaha aynu haynaana waa hami aan dhaboobayn iyo laasimida wado dhuxulahaas aakhirka geed gubtay afka inooga gelinaysa, xaalkeenu saaka waa humaag sillan oo sargacan.

 

Mohamed Ali-ruush ( Zhafici)

LLM Candidate, Kampala