Sidee Musuqmaasaqa Looga Dhiiri Geliyaa Somaliland, Sideese Loola Dagaalamaa Musuq Maasaqa?

Qodobka ugu Horeeya ee Lagula dagaalamo Musuqmaasaq ( Name, Shame.) Magacow Kuwa Musuqmaasaqa ah, Ceebee, Waxba Hala Qabsan, Qalbiga ka diid, Hana u Dhawaan, Adiga oo Dhaqankan Mutawaxashnimada la dagaalmaaya.( Shaming and Named, Those who Practice it and engendering a Calture that values ethical behaviour).

Dhibaatada ugu wayni waxa ay ka Bilaabantaa,  Dadka shicibka caadiga ah, ayaan waxba loogu Qaban Xafiisyada dawlada, Kuwaas oo ay ku kelifto inay doontaan Odayadii Afmiishaarinta ah si ay u wasteeyaan oo Hawlahooda ay ugu Hirgalaan, nadaamkan ayaa qayb ka ah Sida loo dhiiri Geliyo Musuqmaasaqa, sababtoo ah Hadii Qofka shicibka ah ee kuu Yimaada aanad u dhamayn markiiba hawsha uu u Socdey waxa aad ku kaliftey inuu Laaluush Bixiyo, ama ha,kusiiyo Laaluushkaa adigaba ama Odayga uu soo Kaxaystaba ha siiyee.

Qofka arrini ka xidhanto, ayaan aqoonba xafiiska uu Ugu hagaago si uu arintaa u xalilo, taas oo ku Kalifta inuu tago xafiis qaldan, xafiiskaas ayaa noqda Dilaal (Middle Man) isaga oo hawshii ka doonaaya ama ka soo dhamaynaaya  xafiiskii Saxda ahaa, Laaluushna ka qaadanaaya ninkii ay hawshu ka xidhnayd.

Waraaqaha ama proceture loo maro Wasaaradaha ayaa aad u dheer, una adag, kaas oo ku kalifa inuu qofka caadiga ahi xoogaa lacag ah uu iska bixiyo si hawshii loo dhameeyo.( Payment to local officials ever Neccssary to get the job done).

Waxa Nasiib Daro ah in Madaxtooyadu ay Dhiiri Geliso Musuqmaasaqa iyo Kuwa ku Adeegta Musuqmaasaqaba, iyada oo aad loogu soo dhaweeyo ama aad Looga ixtiraamo madaxtooyada,Kuwaas Ku Shaqaysta falkaas Foosha Xun.

Bal adiguba Tijaabi inaad indhahaaga wax ku aragto. Waxa aanad ka Bilowdaa, Hadii aad Wadankii ku Socoto Somaliland, Waxa aad Waydiisaa, Saaxibadaa, Tolkaa Iyo Eheladaada, Kale, Waar yaa Musuqmaasaqa ee aad Dalkii Ku ogtihiin.?? Waar Yaan iska iIlaaliyaa ee Musuqmaasaqa ee Wadankii Jooga.?? inta aadan wadankiiba tegin sii qoro Liis Dadka Musuqmaasaq ah oo dhan aad ku Qoratay.

Hubaal Waxa ah inaad Dadkii aad sii Qoratay oo dhan aad ugu Hor Tigi Doonto MADAXTOOYADA, Madaxtooyada Ayaa laga Dhiiri Geliyaa Musuqmaasaqa ugu Badan, Iyada oo salaada Hore ay U Ga,laan Line aad u dheer Dadkii Musuqmaasaqa ahaa ee Somaliland Joogey oo dhan oo isu Soo Urrusaday.

Dadkaasi Badanaa Waxa ay Wataan Waxa Loo yaqaan PROJECT, ama War ayay Sidaan, ama Qof ayay wadaan oo Wastaynayaan.

Dadkaasi Maaha Suldaanada, ama Madaxdhaqameedyadii aad Taqaaney, waa kooxo Afmiinshaariin ah, ama Oadayaal Koofiyad Bacla ah, oo Qaatay Shaqadii Salaadiinta oo aan Waxba Madaxtooyudu Waydiin.

Kooxdan Afmiishaariinta ah ayaa ah ragii la soo dagaalamay, ama Taageerayaasha u ahaa Madaxwaynaha Xiligaa uu Tartanka Doorasho ku Jirey, Kuwaas oo aad looga qadariyo Madaxtooyada

Project yada la Furtaa aad ayay u Badan Yihiin Mid Ka mid ah Hadii aan idin Xasuusiyo Kalshaale ayaa ahaa Project aad u Weyn oo Hargeysa lagaga Shaqaystay, Lacag badana Madaxtooyadu ay ku Bixisay ama ay siisay Kooxda Afmiishaariinta ah ee Furtay PROJEGAN.

Projega ugu xiisaa badan ee iminka Socdaa uguna dhaqaalaha badan, Mudana lagu Shaqaysanaayey Waa (SO COLLED)  GOGOSHA NABADA.

Gogosha nabada ayaa ah Project ay Furtaan Odayaal afmiinshaaro ah oo ay aad u Saaxiibeen Madaxtooyada,Tartankii doorashadana qayb laxaadleh ka qaatay.

Madaxweynuhu waa nin dadka aad u kala yaqaan, isla markaana Si fudud u kala Garan kara dadka ka Musuqmaasaqa ah iyo ka aan ahayn Qof walba madaxweynuhu waa yaqaan, waxaase Muuqata in Madaxweynuhu inuu Doortay inuu la shaqaysto dadka intii Afmiishaariinta ahayd, isaga oo aan xidhiidh la lahayn Salaadiintii iyo Cuqaashii Beelaha.

Arintan ayaa ah mid aad u dheeri gelinaysa Musuqmaasaq.

Xubnaha Baarlamaan, Guurtida ee Sharafta iyo Karaamada lahi ma tagaan Madaxtooyada, Dadka Shicibka ah ee Karaamada iyo Ixtiraamka  Mudani ma tagaan Madaxtooyada, waanay ka xishoodaan inay tagaan Madaxtooyada, waxaase Linka salaada hore sii Qabsada Kuwii Afmiishaariinta ahaa, Kuwaas oo aad looga dhegeysto Warkooda. Qolo walbana waxa ku xidhan Madaxtooyada intii Afmiishaariinta aayd.

Waxa aad u Qosol badnayd marka nin aad u Musuqmaasaqa oo aan aqaaney uu ii sheegay in Madaxtooyada ay u Samaysay Card uu ku Galo.

Isku soo wada duub oo Somaliland ayaa ah Meel dadka Faqiir ka ahi ay sii faqiiraan, dadka Taajirka ahi ay sii Taajiraan waana Calaamadaha lagu yaqaan wadamada ugu Musuqmaasaq san aduunka, ileen lacagtii iyo farsadii kale ayay ka xadeen ama ka qaataan dadkii masaakiinta ahaaye, waxaana taa aad u sii dhiiri gelisa Dawalada Somaliland. iyada oo Madaxtooyada aad looga isticimaalo nooca Musuqmaasaqa ee Loo Yaqaan,Nepotism( Favoring Family), Potronaga ( Favoring Supporters). and Holly alliance Noocyadan Musuqmaasaqa ayaa ah Mid Sharciga Caalamka  u yaal ka baxsan.

Cabdi qadir Jama Ismail dacar

USA CA

Gobanimodoon@sbcglobal.net