Sheeko Gaaban: Dagaalkii Mirqaanka Dhegta Dillaaciyey ee Socday Ilaa Gacantii Jabtay Taliyaha

Saddex wiil ayaa saaxiibo ahaa yaraantoodii ilaa ay ka waawaynaadeen, kuwaasoo maalin waddanku ku jiro fasax qaran ay saddexdii wiil ballameen inay wada fadhiistaan, iyagoo aan muddo sheeko dheer wada yeelan, mid ka mid ah ayaa yidhi; ‘waar berri dalku waa fasax ee maxaa inoo ballan ah?

Cabdi oo ka mid ahaa saddex wiil ayaa yidhi; “Aniga ayaa haya boqol doollar oo walaalkay ii soo diray haddiyad ahaan ee berri xaafadayada ayaan inoo ballan ah inaan wada fadhiisano. Nin waloow waxaad cuni karto jaad ayaad qaadanaysaa, walaashay ayaanan inoo ballaminayaa si ay shaah xawaash leh inoogu kariso.”

Inantii ayuu u sheegay ballankii, saacaduna waa 1:30 duhurnimo waxay yimaadeen gurigii ballantu ahayd, markii ay inantii ka furtay ayey tidhi; ‘waar cabdi-yoow, aabo iyo odayaal la socda ayaa xaafadda yimi, qolkii fadhiga ayeyna ku barjaynayaan, markaa walaal qolkaa dibadda ayaan idiin hagaajiyey ee soo xidha yaanu aabo idin maqlin, waad garanaysaa inuu labadeenaba ina shaabuugaynayo ee arrimaha inaga ilaali walaal.”

“Waa ballan walaal, xataa albaabka hoostiisa ayaan maro gelinayaa si aan hadalkayga loo maqal,” ayuu yidhi Cabdi, kadibna qolkii loo diyaariyey ayey fadhiisteen, inamadiina way qayileen. Muddo yar ayaa la wada dhididay, waanna a mirqaamay. Cali-yare oo ka mid ahaa saddex wiil ayaa u baahday Suuliga. Cabdi ayaa ku yidhi; ‘Walaal, suuliga si asturan u gal oo hablaha waydii in ciddi ku jirto odayga inaga ilaaliya iyo cidda la fadhida ha ina fashilin.” Wuxuunna ugu jawaabay waayahay saaxiib. Wiilkii Cali-yare oo mirqaansan ayaa tegay madbakhii amba kijinkii guriga, kadibna hablihii ayaa ku yidhi; ‘walaal maxaad doonaysay? Cali-yare oo takhsiin daanka buuraya ayaa yidhi walaal suuliga iiga soo baxa suuligaan doonayee. Hablihii ayaa yaabay oo yidhi walaal mee suuligu? Wuxuu yidhi; ‘walaal, taa buuran ayaa ku fadhidee ii soo banneeya.” Yaabka yaabkii. Habliyihii ayaa ku yidhi; ‘walaal Cali hore u soco halkani waa madbakhiiye.” Inanku waa sidee ayey inani tidhi.

Wuxuu hadana galay qolkii odayaashu ku qayilayeen. Xaajigii guriga oo cawaandi ahaa ayaa arkay oo ku yidhi; “Waar maxaad doonaysaa yaroow? Cali-yare oo mirqaansan ayaa yidhi; ‘adeero waa anagiiye suuliga maydaan ka soo baxayn?

Odaygii guriga lahaa ayaa intuu sufur biyo ka buuxaan qabadsiiyey yidhi waar naga bax waa maxay waxan sikhraamay. Ninkii Cali-yare oo aan weli suuli helin, sufurna lagu dhuftay ayuu ku noqday inamadii Cabdi iyo Warsame oo ka werwersan hadalka baxaya, waxayna weydiiyeen waxa ku dhacay, isagoo ugu jawaabay; “Cabdi-yoow, xaafadiinu suuliyadii ayey wada dhex fadhiyaan ee halkee ayaannu ku nafisnaa?

Kadibna Cabdi, ayaa ogaaday wixii dhacay, odaygiina halkan ayuu cannaan la taagan yahay, Cabdi-na loo yeedh. “Bal waxaad guriga keenayso eeg. Aabo nin waalan ayaad gurigii keentay, haddii uu wax kale sameeyo maxaa la yeelayaa gurigii ayuu noogu dhex kaaji gaadhaye?

Inamadii oo yaaban ayaa halkii ka sii bilaabay qayilaadoodii, muddo yar ka dib ayey inamadii Warsame iyo cabdi is yidhaaheen waakan Cali-yare aamusaye bal yara furfura oo u sheekeeya. “Waar saaxiib Cali maxaad ka fikiraysaa caadi iska dhig oo qayil? Ayey yidhaaheen saaxiibadii, waxaannu ku jawaabay; “niyow waxaan la yaabay markuu aabahay yimaado guriga hooyo shax shax ayey bilowdaa, waad yaabaysaa sida loo soo dhaweeyo aabo, anigana cidiba igama war hayso in aan maqanahay iyo inaan joogo la ima oga.” Labadii inan ayaa aad u xannaaqay. Warsame ayaa ku yidhi; ‘waar waxaad tahay bilaa dhaqan dee haddii aad doonayso cid kuu raxlaysa guurso gabadh oo waalidkaa afka ka jeedi.” Cabdi ayaa kala dhex galay si aan hadalkooda loo maqalin, inyar ka bacdi ayuu Cabdi ku yidhi haddana; “Cali, wallaal maad cadhaysantahay. Sheekee dee?

Wiilkii Cali-yare ayaa ugu jawaabay; “Niman yahaow, waxaan ka fikirayey maalintii aan dhashay dharkaan xidhnaa cidda ii soo iibisay? Kolay suudh ayaan xidhnaaye.” Qosol dheer dabadeed, Warsamaa yidhi; ‘tii aad ninkaa ka maqashaaba tii kale ka daran. Waar xageed ku aragtay ilmo yar oo dhashay oo maryo xidhan. Waad qaawanayd dee.”

Cali-yare ayaa aad u cadhooday oo yidhi; “waar ma anigoo qaawan ayaan dhashay oo dumarku i wada arkeen, maanad xishoonayn waa maxay colaadda aad ii haysaa? Kadibna hadalkii ayaa ka xumaaday oo Cali-yare ayaa intuu jeeg horyaalay madaxa kaga dhuftay saaxiibkii Warsame, waxaanna meeshii ka dhacay dagaal daqiiqado socday, waxaanna ku kala guntaday Cabdi oo marti loo ahaa, isla markaana aabihii guriga joogo, kana baqaya in la maqlo qayladooda, nasiib-darro se, waxa nabar weyni gaadhay Warsame oo dhegta ayaa jeexan tahay.

Waxayna noqotay in la daweeyo, iyagoo tegay goob caafimaad, waxaanna loo sheegay ilaa ay refeerto (warqad boolis oo caddayn ah) soo goostaan in aan la dawayn doonin, kadibna waxayna tegeen xarun boolis, iyadoo su’aallo laga weydiiyey sida nabarku ugu dhacay. Warsame ayaa sheegay in Cali-yare ku dhuftay nabarka ku yaal. Cali-yarena wuxuu yidhi; “Taliye, isaga ayaaa iska qanniinay dhegta ee anigu waxba kumaan dhufan.”

Ninkii Warsame ayaa yaabay oo yidhi; ‘Taliye, ma qof ayaa dhegtiisa qanniini kara?

Taliye Qarqoosh oo haystay xarunta booliska ee ay isla tageen, qudhiisuna maalintaas jaad badan cunay, ayaa yidhi; ‘in yar isuga aniga ayaa hubine.” Intuu xafiiska xaga dambe galay ayuu Taliye Qarqoosh fuulay kursi dheer, waxaannu tijaabiyey sidii uu u qanniini lahaa dhegtiisa, kadibna kursigii ayuu ka soo dhacay, waxaannu ka jabay lafta cududa ee gacanta bidix, isagoo qaylinaya ayuu soo baxay Taliye Qarqoosh, waxaannu yidhi; ‘waaryaa, adiga ayaa nabarka ku dhuftay inanka, waayo waan tijaabiyey in aan dhagtayda qanniini karo, anniguna waanigan ka jabay gacanta. Nabarka inanku qabo iyo gacantaydaba adiga ayaa qaba magtooda, intaan bogsanaayana waad xidhantahay…”

Wiilkii mirqaansanaa ee Cali-yare ayaa yaabay oo yidhi; “Qarqoosh, dee inanka gartee maxaa gacantaadana ii keenay, ma aniga ayaa kaa qanniinay?

Taliye Qarqoosh: Haddii aanad beenta sheegi lahayn, anniguna maan jabeen, sidaa daraadeed, adiga ayaa i jabiyey oo been sheegay, mirqaan kaygiina waad seero garaysay, kaasina waa gef labaad oo aad ii gaysatay aniga khaasatan.

Qarqoosh intuu miiska garaacay ayuu kacay, kiiskuna sidaa ayuu ku xidhan yahay ayuu sii yidhi.

Qallinkii Qarqoosh A.Hassan

Qarqoosh99@gmail.com