Shaqada iyo Waxtarkeeda

 

Dembiyada dadku galo, gaar ahaan dhallinyarada, in badan ayay sabab u tahay shaqo-la’aanta iyo rajo-beelka aan loo jeedin mustaqbal u qalma in wanaag iyo sareedo laga dhawro.

Shaqadu waa sharaf.

“Nimaan shaqaysan shaahi waa ka xaaraan.” Waa maahmaah Soomaaliyeed  oo waxtarkeeda laysla wada qirsan yahay. Intee baase ku dhaqanta oo ku camal fasha?  Kolleyba tiro aan yarayn baan dhegta jalaq u siin. Shaqa la’aanta iyo cudurku waa mataano walaala ah oo markay isu tagaan ay ka dhalato cillado fara badan ay ka mid yihiin:

caajiska… cagajiidka

beenta… xanta

dhabcaalnimada… fulaynimada

quusta… caalwaanimada

xatooyada… eexda

wax-sheegsheegga… diradiranimada iyo qaar kaloo badan aan halkan lagu soo wada magac dhebi karin.

Dhallinyarada soomaaliyeed ee ama maxkamadaha lasoo taago, ama xarig lagu xukumay jeelasha lasoo jiifa, markaad u fiirsatid dembiyada lagusoo oogayo ee ay galeen inta badan inay shaqa-la’aantu sababta weyn u tahay ayaa kuu caddaanaysa. Sidoo kale, iyana kuwa tireenka isu dhiga ama webiga isku tuura ama siyaale kale isu dila ee isu deldela, iyana waxaad arki kartaa in qulubka ku dhacay iyo mugdiga adduunka kaga habsadey ee naftooda iyo nolosha nacsiiyey, si kasta ha lagu fasiree ay kolleyba shaqa-la’aani u wehelisey.

Muranka, is-afgaranwaaga, iyo is-qabadka qoysaska ku dhaca iyagana boqolkiiba sagaashan waxaa si weyn loogu aanaynayaa shaqa-la’aan odaygii guriga haleeshay oo cidla’ ku curyaamisay.

Wiilka shaqaysta, wiilka tababarka qaata, iyo wiilka waxbarashada ku fooggani waxay hawlahooda ka kasbadaan yuhuun aad u sarraysa oo cillado badan ka baajisa.

Maskax fiyaw… jidh caafimaad qaba

Yuhuun wacan… raja-qab fiican

Runlawnimo… deeqsinimo

Dulqaadnimo… dad la dhaqan

Dabcisami.. degganaan iyo in badan oo kale oo la bah-wadaag ahi waxaa wada kaba idil ahaantood oo micnahaa lagu diirsado u yeelaa waa shaqada.  Hadda shaqa kasta ma aha ee waa tan xalaasha ah, xariirta ah ee xaqa ku dhisan.

Hadal iyo dan; Shaqadu waa nolol. Shaqadu waa sharaf. Shaqo-la’aantu waa nolol la’aan, waana sharaf la’aan.

 

 

W/Q-Siciid Jaamac Xuseen

Email: sjx2005@hotmail.co.uk