SAXAAFADA DIIRKII MUWAADIN NIMADU KA HOODHAY, DAAWO HA LOO RAADIYO

MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYA DHAMAAN SHACABKA REER SOMALILAND MARKA XIGTANA WAXAAN SALAAMAYAA SAXAAFADA SOMALILAND KUWOODA DANTA GARANKA U ADEEGA.
Intaa dabadeed, waxaan umada muslimka ah gaar ahaan reer Somaliland leeyahay ciid mubaarik kulu caam waa antu bikhayr,, ilaahay ciidankan ciidkiisa ha inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabad qab, aamiin aamiin

Hordhac

Indhawayto waataanan tiring duubcasaw gabaye,

Dibnahayga waataan ka jaray deelka maansade,

Marba aniga oo daayeybay igu danqaabaane,

Aan u digo raga dabin la xidhay daadah loo yidhi.

Aan ka digo xumaha debeda tagaa dubir ma lahayne,

Mudo dheer waan ka maqnaa warbaahinta oo rag badan oo aan ku jiraa way ka nasteen qoraalo aad u xiiso badanaa oo ay saxaafada u soo marin jireen bulshada afka somaliga ku hadasha gaar ahaan Somaliland.

Waxaana maanta oo ay tahay yuumul ciid, igu kaliifay in aan qoraalkan kalmadaha gabayga ahi ku jiraan saxaafada soo mariyo kadib markii ay soo baxeen warbaahin ku abtirsatay Somaliland oo hadana la moodo in looga gacan haadinaayo meel ka fog wadankeena, iyadoo qoraalo aan cidna wax tarayn ku soo celcelinaaya.

Ujeeddada Qoraalkan

Haddii kuugu bato maraqa ayaa xumaada waa maah maah somaliyeed oo xaqiiqada u dhaw waqtigan casriga ah wax badan war baahin oo leh faraaciyo aad u badan kuwaas oo laga yaabo in umadahu qaarba si uga faa’iidaystaan waayo waxaad arkaysaa mareego ay buuxiyeen sawiro dhaqan xumaha ah, halka qaar kalena aad arkayso in tafsiirkii qoraanka iyo axaadiistii buux dhaafiyeen,, waxayan noqotay aalad qofka wax uga faa’iidayso, waxaanay la mid tahay maskaxda bili aadamka oo noqotay qofka wuxuu amar ku siiyo in ay ogolaato.

War baahinta afka somaliga ku hadasha hada waxay tahay kuwa safaf ku kala jirta, marka ay sidaa tahay diirka mawaadin nimadu waa in uu wax ku diidaa oo aanad noqon qof la yidhaahdo mala meel diirta.

Waxa dhawaanan dhacday in waraabinta qaarkood soo daabaceen sir ay ka helaan emailka ama inboxka wasiirka arimaha debeda, iyagoo soo daabacay sida ay sheegeen qaar ka mid ah waraaqaha wasiirka iyo cid kale oo wada shaqayni ka dhaxaysay isu diraan taas oo noqonaysa danbi xun xitaa hadii ay dhacday oo ay helaan passwordka wasiir ay danbi tahay soo daabicidu,, hadii ay iyagu afduubeena ay kaba sii daran tahay oo danbigaasi la mid yahay kan budhcad badeedu malaayiinka maraakiibta ah loo soo diray.

Waxaana lagu maah maahaa ( ama afeef hore lahaw ama adkaysan danbe) in aad jabiso guri nin masuul ahi leeyahay hadana in aad tidhaahdo waxa lagu yidhi waa tuug, walibana aad run moodo hanbalyo iyo salaam uu kuu soo diro nin wadankaaga iyo dadkiiba oo dhan cadaw ku ahi isagoo ku leh waad ku saxsan tahay jabinta guriga masuulka iyo baahinta sirta wadankaaga (hasha geela cunta ee cabaada) qaraannews gaar ahaan maxamed jaamac waxaan leeyahay ( isma qabato qirashiyo, qiilbaan u haystaan).

Waxa taas ka sii daran markii 7/11/2011 subixii ka arkhristay meesha lagu magcaabo waagacusub oo uu leeyahay nin ay ilmaabti yihiin saado cali warsame oo la yidhaahdo daahir callasow ninkaas ku suntan war kuxumo ka sheega xukuumada iyo dhacabka reer Somaliland,, warkaas oo ciwaankiisu ahaa madax reer Somaliland oo xashka ku tagay sadaqo shiriif bixiyey, lamaan yaabin warka ninkaasi baahiyey,, waxaanse la sii yaabay markii mareegta halbeegnews oo uu leeyahay maxamed dirirdhaba mar kale lagu soo daamacay isla warkaas oo waji kale loo yeelay.

WAXA ISU KAY QABAN WAYDAY

Aniga iyo umada reer somalilandba waxaanu la yaabsan nahay danbiga qofkii sameeyey inta uu qirto hadana leeyahay khaladbaa la iga galay cajiib, milgaha saxaafada madax baanan ayaa ka khaldan malaa waxay moodayaan in uu sax yahay wargeystada soo daabac sawir gacmdeeda lagu aflagaadaynaaya nabi maxamed NNKH,, waayo hadii aanay taas raad joogin inta ay jabsadaan ciwaankii wasiirka may yidhaahdeen muxuu u leeyahay waa argagixiso oo hadaa maxaaa lagugu sheegaa ee hadhay,, intaa waxa dhimatay muwaadin nimadii iyo xaqii wadankaagu kugu lahaa.

WAXAAN KULA TALINAYAA RAGAA
Wax laga yaabaa maxamed jaamac iyo maxamed diridhaba in aad maalin uu wadankan xil u soo doonataan, wax la hadha CV waa qaali ( ninman yahay talimo waa dugsiye dunida jeedaashay salaam carabay)

Sacad ciise cumar

Berbera Somaliland

e- f_bihaary@hotmail.com