RAKCADDII TELEFOONKU YIMI!

 

Weyso uu si dhubuqdhubuq ah wejiga iyo afartiisa addin u mariyay ayaa dharkiisii oo dhan heer qoyan ka dhigtay. Isaga oo gadhka iyo sanka ba biyo ka hibitiqayaan ayuu intuu laba sharabaad oo uu laalaadsanayay jeebka midig ee surwaalka ku ritay, rukuucdii labaad ee salaaddii casar dhanka kaga qabtay.

“Allaahu akbar” kuye oo foororsaday. Dhibco kala dambeeya oo sanka iyo gadhka ka tif leh ayaa rooggii ku hibitiqay. “Subxaana rabbiyal cadiim….” kolkuu yidhi ayaa telefoonkiisii soo dhacay. Jeebka bidix intuu gacanta ruubsiiyay ayuu soo dhiftay oo degdeg u eegay, “wasiirkii” ayaa ka soo booday.”Samicallaahu….” kolkuu imaamkii yidhi, ayuu isna “Halooow” raaciyay. “Iyaa…iyaa…waar i sug” intuu yidhi ayuu salaaddii degdeg uga baxay oo safkii dambe meel ka yara durugsan telefoonkii isla taagay.

″Baastar baastar dhalay, in aad iga hiilinayso waan ogaa… bugger of” intuu yidhi ayuu kadinka ka booday. Dad badan oo salaadda ku jiray ayaa sahwiyay, muraad ka ma uu yeelan. Debedda kolkuu u baxay ayuu dareemay in roob aad u darani da’ayo. Orod oo roobka ka carar ayuu is yidhi. Cabbaar kolkii uu orday ayuu xiiqay oo qunyar socday.

“Salaamu callaykum, eeddo salaaddii casar miyaa laga soo baxay?” ayay ku tidhi islaan ay isku xaafad ahaayeen oo ka hor timi. “Haa.. maya..haa…” Isaga oo wax uu ku warceliyo garan la ayuu kal biyo ah oo laamiga dacalkiisa ah addinka midig bash kaga siiyay. Qabowgii ayaa cagtii gariirtay, saa waa cagocad yahay. Juuq isaga oo aan islaantii u celin ayuu dib isu rogay oo taw yidhi. Sidii uu usoo kankoonsanaa ayuu masaajidkii soo daf yidhi. Wuxuu la kulmay imaamkii oo ka sheekaynaya akhlaaqxumada qofkii telefoonka ku hadlayay, sida aan salaaddiisu ansax u noqonaynin iyo sida loogu baahan yahay in waxyaabahaas laga waantoobo oo Ilaahay laga yaabo.

Mar qudh ah ayuun baa imaamkii iyo dadkii tukashada dhammaystay oo dhammi dhankiisa soo wada jalleeceen. Intuu wadaadkii farta ku fiiqay ayuu cod aad u sarreeya oo dadka oo dhammi wada maqlayo ku yidhi “ma nin wasiirnimadiisii laga la hoos baxay ayaad leedahay Ilaahay ha ka yaabo? Waar iska khamiis weynow inta hor foororsigaagaas la isugu imanayo, maalintaas ayaynu eegi rakcadda aad telefoonka kaga jawaabtee” oo intuu kabahiisii oo halkan yaallay dhifsaday kadinka boobay.

Cabdilaahi Cawed Cige

Edleh@hotmail.com