Qalinka Daneystahu Waxba u Dhimi maayo Wax qabadka iyo horumarka Shirkadda Dahabshiil

Waxa muddooyinkan dambe aad iyo aad ugu soo badanaya Saxafaadda madaxa-banaaan qoraalo ka been sheegaya waxqabadka dal iyo dadba leh iyo horumarka ay gaadhay shirkadda Dahabshiil Group.

Shirkada Dahabshiil oo ah Shirkada Keliya ee si Wadannimo leh dalkeeda uga fulisa Mashruuc Kasta oo wax tar u leh dadkeeda iyo wadankeedaba hadii ay tahay Maalgashi,Dhismayaal Bilic leh iyo kuwo lagu samaynayo Da’yac tirba sida Caafimaadka Guud.

Waxaan shaki ku jirin in mudooyinkan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan mijin jaada oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii dhiib anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka shirkadda Dahabshiil,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.

Taas oo ah mid aan waxba u dhimeyn hawlaha ama adeegyada ay shirkadda Dahabshiil umadda u qabato ,taana waxa u daliila xadiiska halkan ku cad,Abu laysa(RTC)wuxuu yidhi sadex ayaan ducadooda la aqbalin,xaaraan cunka,Xanta badsade iyo qalbiga xumaan iyo xaasid nimo ugu haya dadka muslimiinta ah.

Abu Laysa [rtc] wuxuu yidhi,saddex ayaan Ducadooda la aqbalin, Xaaraan Cunka, Xanta badsade iyo Qalbiga xumaan iyo xaasidnimo ugu haya dadka Muslimiinta.

Caadiyata Binu Cawsata,Al-Sacdi[rtc] wuxuu yidhi,Rasuulka[csw] ayaa yidhi,Cadhada shaydaanka ayaa iska leh,shaydaana waxaa laga abuuray NAAR,Naartana waxaa bakhtiiya biyaha,haddaba ,haddii mid idin ka mid ihi cadhoodo ha weysaysto.

Waxaad ogaata inay Xaasidnimadu leedahay sideed[8] Aafo ama balaayo.

1- Daacadnimada oo ay xumayso. Sida laga soo wariyey,Abu Hurrayra[rtc]wuxuu yidhi, NEBIGA[CSW] ayaa yidhi,waxaan idin ka dardaaraya,xaasidnimada. Xaasidnimadu waxay cunta wanaaga qofku sameeyo oo dhan.Sida dabku ama Naartu u cunto xaabada iyo cawska, waxaanay qofka u soo jiidaa xagga gaalnimda.

2- Caasinimo,lagama waayo qofka xaasidka ah xan.,been cayda,oo uu had iyo jeer caado ka dhigto.Sheekha Damarta Binu Saclaba,wuxuu yidhi,dadku may ahaadeen kuwo khayrka ka suula,haddii aanay is xaasidayn.

3- Shafeecada oo laga xaaraantinimeeyey. C/llaahi Ibnu Bashar[rtc]wuxuu yidhi,NABIGA[CSW]ayaa yidhi, naga mid maaha,ka wax xaasida,kan Namiimiyaha ah iyo kan wax Faaliya.

4- Naarta oo uu galo. Ibnu Cumar iyo Aanis Binu Maalik[rtch]waxay NABIGA[CSW] ka soo wariyeen,inu yidhi,Lix[6] ayaa NAARTA galaya xisaabta horteed,saxaabadi ayaa tidhi,Rasuulki Allow[csw] waa kuwe kuwaasi,wuxuu yidhi

1-Kuwa xaqdarada wax ku xukuma.

2-Kuwa qaraabo kiilka ah.

3-Kuwa baayac mushtarka ah ee khiyaamada badan.

4-Kuwa Jaahiliinta ah.

5-Culimada xaasidiinta ah.

6-Kuwa dadka dhiba had iyo jeer

Hadaba kuwa iyagu caadaystay xaasid nimada ee qof muslima hawlihiisa ka been sheegaya Aakhiro iyo Aduunba waxa uu la kulmi doonaa arrimaha kor ku xusan,waxa kale oo war xumo tashiilkaa dib ugu soo noqon doona waranka uu walaalkii la damcay ama uu la doonay inuu ku wiiqo.

Waxa ka mida kuwa yidhaahda ama ku aflagaadeeya shirkadda Dahabshiil ayaa iibsanaysa ama lasiinayaa,Hantidii,umadda,dhulkii Dawladda ee ay deganaayeen dadka danyarta ahi iyo warshadii sibidhkaa la siinayaa.

1. Dhanka kale waxaan hadaba ciddi qarin Karin wax qabadka dhabta ah ee ay dad iyo dalba la garab taagantahay marksata sida,markasta oo la soo sheego Aafooyinka Dabiiciga ah,dahabshiil waa shirkadda kaliya ee la garab taagan ama gaadhsiisa dadkeeda tabaalaysan ee ay haysato baahida markaasi taagan oo ah Biyo,Baad iyo waliba Bacaha hayga laga dhigto.

2. Iyo guud ahaanba Adeegyada Bulshadda,Waxbarashadda dadban iyo tan tooska ahba,Caafimaadka Wadooyinka iyo waliba Caawimooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah u siiyaan Agoomaha iyo Darbijiifka yar yar, oo ay hadh iyo habeenba heegan u tahay daryeelkooda.

Saxaafadan ay Ka mid Yahiin Websiteyo iyo Joornaalo Dhowr aha oo aanan Hadda halkan ku magacaabayn Laakiin dadwaynuhu iska wada yaqaan Cida yahiin, ayaa Waxey isku dayeen bilihii aynu soo dhaafnay inay soo maleegaan warar been abuura oo ay dan gaara ka lahaayeen isla markaana ay rabeen in ay ku wiiqaan awoodda iyo horumarka ay gaadhay iyaga oo doonayey inay khal khal ku abuuraan Macaamiisha Shirkada Dahabshiil, oo leh waxa la Jabsaday Dhaatadii ama sirtii ay ku shaqayneysay shirkaddu, Laakin Marki Dambe ay Cadaatay Inay waxaas oo dhani Been abuur ahayd, oo aan waxba Lagu sameyn Dhaatada Shirkada iyo Banka Dahabshiil Leeyahay, Shaqadii iyo hawlihii ay sidoodii u socdaan.

Shirkada Wadaniga ee Dahabshiil, ayaa ah shirkad Adeegeedu ka shaqeeyo dhamaan daafaha Aduunka oo dhan,iyadoo waliba ka midda shirkadaha Caalamiga ee laysata liisanka Bangiyada laga aqoon sanyahay dunida,waxaanay si toosa adeegyadeedu uga shaqeeyaan guud ahaan Somaliland gaar ahaana Geeska Africa.

Sidoo kale waxay Dahabshiil noqotay Shirkada Ugu Dhaqaalaha Badan guud ahaan madaqada aynu ku noolnahay, Geeska Africaba, Sidaas Daradeed qaar ka midda Saxaafada dalka iyo kuwo ay dad u sameysteen in ay ku baadhaan ama ku helaan lacag aanay u soo dhidid Cayda iyo Probaganada Laga Fidinayo hantida uu Rag u soo jabay.

Hadaba gabagabada maqaal kaygan waxaan ku soo gunaanadayaa sadex qodob oo aad u mihiima isla markaasina garqaad aanu uga dhigayno shakhsiyaadka caadaystay cayda iyo aflagaadada shirkada Dahabshiil,kambaniga laftiisa iyo bulshada loo adeegaayo.

1:Qolada warbaahinta iyaga midbaan leeyahay oo waxaan leeyahay waar marka aad shirkadda dahabshiil wax ka rabtaan ama aydin Xayeysiis ka doonaysaan qalin hakaga raadinina ee wadada saxda ah u soo mara.

2:Dadwaynahana midbaan leeyahay waxaan leeyahay horeyso iyo Dambaysaba wax idinku seegani ma jiraan shirkadda Dahabshiil, labaatan kaa sannadood ee ay bulshadda ugu Adeegaysey,Daacad nimo,Hawlkarnimo iyo Amaanno hufan oo aan wax ceeba lahayn sidaa darteed kuwa afka ku xoog sada ee warxumo tashiilka ah dhagihiina ka furaysta waayo shirkadani waxay halkaa ku soo gaadhay waa ducadii dadwaynahu u ducaynayeen markasta.

3:Shirkadda Dahabshiilna waxaan leeyahay waa laydhi iyo waa lalahaa yaannay ku hoos marin oo ku damqin qalinka danneystuhu”waxaan ku soo xidhayaa tixdan gabayga ah. “Dibnaheeda wax dhaafa yee galaya daankeeda,Yay daqoni eexaysataa dux u taqaanaaye,ma ogtahay ninkii doorabaa hadlku deeqaaye,ma ogtahay sursuur daahanbuu dabinku yaalaaye,ma ogtahay daluunbaa ka qodan doox hortaada ahe.

Ma ogtahay xadhkaah daadsan aan lana daraymeene,ma ogtahay inaad door heshaan lagula dooneyn,ma ogtahay rag kula doodayoo kuu dallaa jire’e,ma ogtahay shisheeyuhu ninkii dagan waa kuwii dila`e,ma ogtahay digtoonaan la’aan dacar inaad leeftay,Digtoorkaan u maahmaahayow hadalku yuu duulin:

Wabilaahi Tawfiiq

Axmed Macalin

Tel:4118849