Qabyo-tiridda Qaranka Somaliland – W/Q: Baashe Cali Beddel

beddelXuska maalinta 18-ka May waa maalin ku xardhan qalbiyada shacbiga reer Somaliland. Tan iyo maalintii lagu dhawaaqay lasoo noqoshada xoriyada Somaliland waa mudo ka badan 23 sanadood. Shacbiga reer Somaliland waxay soo mareen duruufo kala gadisan mudadaa dheer ee ay xorta ahaayeen, iyagoo ku naaloonayay nabad iyo dimuqraadiyad socod barad ah oo marar badan ay ka horyimaadeen caqabado iyo dhibaatooyin badan oo mar-marka qaar halis galiyay.

Dhanka kale marka laga eego 18 May waxay ugu fadhidaa shacabka reer Somaliland qiime aad u wayn, waa xasuusta maalmo qadhaadh iyo halyeeyo naftooda huray oo ka gilgishay dhibtii iyo tacadigii lagu hayay shacab aan waxba galabsan, waa dhaxalka iyo taariikhda ma guurtada ah ee jiilka mustaqbalka.

Haddaba anoon qalinka u qaadan inan wax ka idhaahdo taariikhda 18 May, balse u qaatay dareen celinta shacabka oo ah qabyada wali qaawan ee markasta indhaha shacabku qabanayaan.

Muwaadin ma rumaysan kartaa in qaybo badan oo shacabka reer Somaliland ah ay ku jiraan dulmigii iyo dhibaatadii aynu kula dagaalanay dawladii uu hogaaminayay kaligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre? Waa muwaadin dhibane u ah qabiil iyo qabyaalad, waa muwaadin xaq u leh inuu qabto xilalka kala duwan ee qaran isla markaana buuxiyay dhamaan shuruudihii balse ay dabartay haybtiisu.

18 May waa maalin u taagan sinaanta iyo midnimada shacabka reer Somaliland, waa maalin ku xardhan cadaalad iyo wax wado lahaanshaha bulshada.

Guntii iyo gabo-gabadii anoon dhaleecaynayn gobol iyo qabiil gaara toona, waxa marag-ma doon ah in Beesha badhtamaha ee Somaliland ay ku samaysay sadbursi iyo cadaalad darro beela kale ee dega dacalada bariga iyo galbeedka Somaliland.

Xukuumada Somaliland ee maanta jirta waxan u soo jeedin lahaa inay wax ka bedesho qaabka saami qaybsiga dawlada ee beelaha, isla markaana wax ka qabato tabasha beelaha dacalada dalka si maamulka dawladnimo u wada gaadho dhamaan daafaha dalka.

Qore: Bashe Ali Bedel

Email: basheali1@gmail.com