Prof. Samatar oo Barrito Laga Sugaayo Wixii loogu Sacabbo-tumay! – Warbixin: wariye Axmed Cumar Axmed (Timo)

Waxa  maalinta barito ee inagu soo aadan marka ay saacadda Afirkada Bari tahay 3:00pm haddii Alle yidhaahdo sida ku talo galku yahay dhamaan shacbiga Reer Somaliland meelkasta oo ay dunida ka joogaan gude iyo debadd-ba waxay sugayaan oo diirada ku hayaan jawaabta su’aashii uu Bisha June 2/6/2013kii uu ballan qaaday Prof. Axamed Ismaaciil Samatar ee salka ku haysay qadiyada Somalilan, ka dib markii uu yidhi waxaan jawaabta bixin doonaa marka aan la kulmo aqoonyahanka Jaamacaddaha Dalka iyo Bulshada kala duwan.?

Runtii waxa xaqiiqa ah in cidda su’aasha maanta maskaxda shacabka reer Somaliland ka guuxaysa looga fadhiyaana waa Prof. Axmed Ismaaciil samatar oo dalka ku soo maray safar qaatay muddo dhawr iyo Toban  cesho iyo habeen-ba lahaa oo Indhihiisa ku soo arkay waxyaabo badan oo ka qarsoona ama maskaxdiisa ku soo kordhiyey oo aanu markii hore  sinaba u rumaysteen. Hase yeeshe Shacabka Reer Somaliland, ayaa soo dhawaynta Prof. Axmed Ismaaciil Samatar u kala hadhin iyadoo Madaxweynaha Somaliland-na soo dhawayntiisa u saaray wefti ka kooban xubno Wasiiro, balse Prof. Samatar ayaa markii uu cagaha soo dhigtay gagida Diyaaradaha ee Cigal International Air Port waxa uu kala kulmay shacab iyo hadday tahay Culimo Aw-diin, Waxgarad, aqoon yahan iyo Madax-dhaqmeed waji furan iyo wallaalnimo ku dheehan tahay ku qaabilay, waxaanu   dib-u-dhigtay  su’aal la waydiiyey oo ahayd Caddee mawqifkaaga ku aaddan Gooni-isu taaggii aad inta badan hortaagnayd ee Somaliland.?

 Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Su’aashaas kaga jawaabay inuu  su’aashaas  dib u dhigan doono oo aanu ka deg-degayn, isla markaana uu jawaab saxa ka bixinaayo, halka uu dhinaciisa daboolka ka qaadi doono wararka dubaaqiisa ka buuxa oo uu shacabka reer Somaliland la wadaagi doono.

Markiiba waxa uu sidii ballantu ahayad profayrku hore ka bilaabay safarradiisii uu sheegay inuu wararka uu u baahan yahay ku raadsanayo, waxana uu Hargeysa uga baqoolay dhinaca Galbeedka Somaliland oo uu kala kulmay soo dhaweyn kallintay inuu  ceshan waayo ilmo farxadeed oo ay abuurtay soo dhaweyn indho sarcaad ahayd oo ay  bulshada Gobolada Galbeedka Somaliland kala horyimaadeen.

Markuu arkay profaysarku mawjdaha badweynta oo kale ah ee ay shacabkaasi ku qaabileen, ayuu wax badan iska weydiiyey bal waxa sababay in  isagoo muddo ka badan labaatan sanadood hortaagnaa rabitaanka shacabkan, haddana sababta  ay maanta oo aanu wali mawqifkiisa waxba ka bedelin haddana ay maamuuska intaa le’eg ee aanay waligood cid bani’aadam ah ku dhaweyn ay ugu qaabileen, isagaase og waxa uu dubaaqiisu ugu jawaabay.

Haddaba maanta  oo ay bisha june tahay 23, waxa loo ballan sanyahay inuu profaysarku jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa, balse halka ay dhamaanba shacabka reer Somaliland u wada bukaan waa jawaabta su’aashii ahayd caddaynta mawqifkiisa ku aaddan qarinimada Somaliland, waana  mid ka mid ah arrimaha ugu xiisaha badan ee ay sugaan dhegaha shacabka reer Somaliland intii ay qaranimadooda gacanta ku haysteen.

Sida ballantu tahay marka ay saacadda Hargeysa tahay 300:pm, ayaa profaysarka laga sugayaa inuu jaamacadda Hargeysa ka jeediyo khudbad dheer oo uu kaga hadlayo wararkii uu  markii  hore sheegay inuu ka buuxo iyo sidoo kale wararkii iyo waxyaabihii uga kordhay safarkiisii aan nasashada lahayn ee uu Gobolada Somaliland ku soo maray, iyadoo dhegtu la jirto waxa uu ka yidhaahdo dhinaca fikirkiisa qaranimada Somaliland.

Profaysarka ayaa   hormuud u haa siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Haddana ku gooddiyi jirey Hadaaqa somaliweyntii Godka madow ku dhacday, waxase uu wax badan garwasaday markii uu muddo joogay Magaalo madaxda somaliya ee Muqdisho oo uu kala kulmay xaqiiqooyinkii ay mar horeba reer Somaliland indhahooda ku arkeen, balse isaga markaas uu bilow u ahayd taas oo ku kalliftay profeysarka inuu garawshiiyo ka bixiyo xaqdarradii lagula kacay shacabka reer Somaliland.

Markii uu profaysarku arkay dhaqanka dhabta ah ee ka jira somaliya, waxa kaliya oo uu si  toos ah warbaahinta somalida uga sheegay looma fadhida uu ku arkay Xamar oo aanu hore aqoon durugsan ugu lahayn, waxana uu muddo ka dib ku dhawaaqay inuu si rasmi ah iskaga casilay xubin-nimadii uu ka hayey Baarlamaanka somaliya oo uu markii hore jagada madaxweyne-nimo ugu taramay, balse uu faro madhan ka istaagay quudhsi iyo arrimo kale oo uu la amakaagayna uu ka arkay.

Tallaabadii taa ku xigtay ee uu profaysarku qaaday ayaa ahayd tii uu kuu g’aansaday inuu dalkiisa hooyo ee Somaliland uu dib ugu soo noqdo, balse wali waxa gaws-kambeedka ku hayaa mawqifkiisa ku aaddan Somaliland-nimada oo uu inkirsan yahay.

Marka la eego   jawigii qiirada lahaa ee lagu soo dhaweeyey profaysarka iyo ilmadii ka hibitiqaysay dhabanadiisa, ayaa waxa ay dad badani aaminsan yihiin inay adagtahay inuu mar kale shacabkii jacaylka ay u qabaan u muujiyey inuu markale abaalka-dhicii hore ugu sarrifo mid dambe, waxana si weyn loo filayaa inuu si aan qarsoodi lahayn ugu dhawaaqo inuu umaddiisa u sheego inuu wixii haatan ka dambeeya la safan doono.

Si kastaba ha ahaatee waxa maanta ay  Guud ahaanba shacabka reer Somaliland  uga fadhiyaan aqoonyahankan u dhashay ee muddada badan baadida kaga maqnaa inuu ka soo noqday dhalanteedkii uu ku maqnaa,  waxa kale oo ay ka sugayaan inuu cafis weydiisto maadaama uu muddo badan qayb ka ahaa dagaal lagu yahay rabitaankooda ay ku go’aansadeen inay iskood uga madax bannaanaadaan Somaliweyntii ay hore  dhidibada ugu taageen.

Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa lacag aad u tiro badan ku kharash-garaysay soo dhaweyntii  iyo safaradii kala duwanaa ee uu Profeseerku ku marayey guud ahaanba Somaliland, iyadoo dadbadani wali isweydiinayaan sababta ay lacagta intaa le’eg loogu burburinayo shakhsi aanay jirin meel uu kaga soo noqday hadalladii uu Somaliland ku duri jirey iyo taageeradiisii uu u hayn jirey Somaliweytii waaga hore laga tashaday.

Arrinta kale ee iyaduna xiisaha leh  ee maanta profeseerka laga sugayo  ayaa ah bal waxa ay yihiin wararka uu hore u sheegay inuu ka buuxo oo uu shacabka reer Somaliland u sido.

Haddii uu Axmed Ismaaciil Samatar maanta ku dhiirran waayo inuu meel iska dhigay mawqifkiisii somaliweyn, waxa ay boog aan waligeed bogsanin, islamarkaana ka xun middii uu  hore ugu goodiyi jirey ay ku noqonaysaa Profaysarka, waxa kale oo ay ceeb iyo Guul darro u tahay xukuumadda Somaliland, maadaama ay lacago aan tiradooda la haynin ku burburisay  aqoonyahan wali la safan dad Somaliland jiritaankeeda ka soo horjeeda.

Isku soo wada duub oo waxa maanta prof. looga fadhiyaa inuu ka abaal gudo fantasiyayaashii loo sameeyey si aanu u qaadhin jacaylkii soo noqoshadiisa ka beermay.