Ogeysiis ku saabasan Dhismaha Burco Airport‏

Waxaa dhamaan Somaliland community ee ku nool UK, khaasatan magaalada London la ogeysiinayaa.

Inay isugu yimaadaan shir aad u muhiim ah oo ku saabsan dhisida garoonka diyaaradaha ee gobolka Togdheer  amaba Burco Airport.

Waxaa ayaamahanba sida dad badani newska kale socdeen inala joogey laba xildhibaan oo socdaal ku yimi wadamada Europe ee aay UK ka mid tahay, oo kal ah:

Xildhibaan Mohamed Haaji Yuusuf  (waabeeyo)

Iyo Xildhibaan Ali Hassan Mohamed  (Ali Mareexaan)

iyo weliba Akhyaar reer UK ah, oo aay ka mid yihiin Suldaan Mahamud Haaji Hussein, gudoomiyaha UK Somaliland iyo wakiilo Somaliland u fadhiya UK.

Shirku wuxuu ka dhacayaa Shepherd Bush, oo runtii u dhexdhexaad ah magaalada London, Markaa dhalinyaro iyo waayeelba waxaa laydinka codsanayaa inaad isisoo xilqaantaan, madaama Reer Somaliland aay weligoodba iskaa wax u qabso wadankooda ku dhisan jireen.  Dadkuna maaha inay u fahmaan inaanay wax la qaban Karin ama ka soo qayb geli Karin shirka mar hadaan magaaladoodii originally aay ka yimaadeed aan laga dhiseyn airportka.  Waayo beri ka maalin markagobaladaa kale laga bilaabo dhisida garoon diyaaradeed sida Sool iyo Sanaag, iyagana halkaas uun baynu uga guntanaynaa mar labaad iyo mar sadexaadba………… Waxaanu idinkula dardaarmaynaa hadaanu nahay qabanqaabiyaayasha inaad weligiin ogaataan amaba fahantaan danta guud ee inaga dhaxaysa hadaynu nahay xoriyad doonka reer Somaliland.  Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in dadka reer Somaliland uu xaqa tuso, kana dhigo kuwo dadkooda, dalkooda iyo diintooda wax u qabta…………..

Wakhtiga, meesha iyo maalinta shirka la qabanayaa waa sidan hoos ku qoran:

Sunday 10th of March

Time :1700 – 2100

Egyptian House

95 Bloemfontein road

Shepherd Bush

London W12 7DA

http://streetmap.co.uk/map.srf?x=522607&y=180657&z=0&sv=W12+7DA&st=2&pc=W12+7DA&mapp=map.srf&searchp=ids.srf