Nasashada,Cuntada iyo Hudheelada Hargeisa (2) – W/Q: Ceelaabe

Waa Qoraalkeenii Labaad ee Taxanahani,Hore waxaan uga soo Hadalney Arimo badan oo la xidhiidha Heerarka cunto karinta ama Hudheelada ka furan Caasimada kuwooda badan iyo meelo badan oo kale oo cuntooyinka lagu Kariyo iyo Maqaaxiyaha la fadhiisto intaba.Mar kale Ayeynu dhinac kale ka eegi doonaa,Waxaana Aynu Qeybtan ku soo qaadan doonaa Hudheelada Casriga ah iyo Kaalinta ay bulshada ugu Jiraan.Markaad doorato Hudheel ama goob aad u nasasho doonato,Keliya kuma go,aan qaadan kartid Cuntadiisa hase ahaate waxa mararka  qaarkood ka qeyb qaata guud ahaan Jawiga iyo waayo aragnimada aad ka heleyso Deegaanka iyo Dhismaha uu ku Fadhiyo Hudheelku.Haddii aad u Rabto in aad ku cunteyso meel buuq ah isla markaasina Jeebkaagu aanu buuxin,waxa aad ka cunteyneysaa kuwo badan oo suuqa kuugu Yaal.Dhinaca kalase haddii aad rabto wada sheekeysi qiimo leh,Jawi degan,Buuq la,aan iyo Nasasho dhinaca Maskaxda ah waxaad tageysaa Hudheelada Derajada Sare.Cunto qaali ah,aad ku dalbaneyso buug,iyo miis ama kursi raaxo oo Kelidaa ah,wixii aad Rabtey iyo Guud ahaan Jawi raaligelin ah oo adiga si gaar ah lagugu shaqeynaayo Ayaad kala kulmeysaa.

Xoriyad iyo Jawi farxad iyo deganaan leh Ayaad ku jireysaa laguguna qaabilayaa Markaad tagto Hudheelada heer caalami ee Caasimada ku Yaala.Markaad Fadhido Maansoor,Maalina Joogto safari,Habeenada qaarna aad tagto Summertime,Bishii dhowr jeer aad booqato Fish and steak, Imperialka u tagto Dano ama Balamo Qof siyaasadeed kana Casheyso, Ayaamaha qaar aad fogaato oo aad tagto Ambassador, Star iyo kuwa la midka ah, aad Tijaabiso kuwa cusub ee la furey ama Adeega cuntada ay isku duba ridaan dad ajahanib ah sida Saba ama aad fadhido Soorsan iyo meelo aan ka dhicin .Xaraf iyo Dalxiisna aad soo Martey, Hadhwanaagna aad Niyada ku heyso, Kaah-na aad fogi u tegi laadahay.

Dadka nolosha dabaqada sare kaga Jira Ayaana ku kulma inta badana isuguna Yimaada cashooyinka iyo Shaaha casarkii loo fadhiisto,kuna balama Shaqooyinka maalintii ka dib,gaar ahaan intaan Jaadka u fadhiisan.siyaasiyiinta iyo xubnaha bulshada magaca ku leh ayaad ku arkeysaa kuwaasi oo baabuur u gaar ah ku wada Yimaada.Lacagta qaaliga ah Ayaa ku jareysa jawiga degan iyo mid  raaxo leh.Lacagta aad bixineysaa Maaha keliya cuntada xita waxa ku jirta Jawiga lagugu casuumey iyo Heerka aad ku casheysey oo ka sareeya meelaha kale.

Qoysaska wada socda,dadka kelida,Asxaabta iyo Shaqaalaha intaba waad kula kulmeysaa.Dhismayaal kala duwan iyo barxado kala fog Ayaa lagu hoos caweynayaa oo aan la isba maqleynin.Dadka qurbaha ka Yimaada iyo Shaqaalaha ururada aan dawliga aheyn Ayaa wakhti ku qaata Hudheeladeena caanka ah.hab dhaqanka iyo Akhlaaqda Heer u qalanta Hudheelka ama goobta la joogo ku munaasibka ah Ayaana la soo bandhigayaa.Lebiska iyo dharka dadka Hudheelada sare jooga ama taga Ayaa ah mid wada qurxoon.Salaanta iyo soo dhaweynta Ayaa ah mid aad uga wanaagsan marka la joogo kuwo kale.buuq iyo Qaylo ama soo Dhakhso ma leh Dalabkaaga Ayaad sugeysaa.Televisions kala duwan Ayaa la daawanayaa meelo badan.Dalabkaaguna ama weydiin ama buugyaraha cuntada Ayuu ka bilaabmayaa.

Qoysas iyo reer ama waalid caruurtiisa wata Ayaa u soo casho doonta Todobaadyada qaarkood ama habeenkasta aad ku arkeysaa.Buuq lagama rabo iyo qaylo aad ku dawakhiso dadka hareeraha kaa xiga.Caruur iyo waalid u bisil dhaqanka hudheelada noocan oo kale Ayaana yimaada.Dad sheeko wadaag leh isla markaasina cuntada ku dul sheekeysta oo mid kastaaba midka kale dalabkiisa tixgeliyo Ayaa taga Maxaad Cuneysaa/Adigu Maxaad dalbaneysaa caawa.Lamaane Jaceyl oo isku cusub ama guurkoodu cusub yahay Ayaa si raaxo leh ugu cunteeya,Dhismayaasha kala gaarka ah ee Muntulada badan ah.

Faraha inta badan laguma dirto ama looguma yeedho oo hadal wanaagsan Ayaa ka haboon Dhalinyarta kuu shaqeyneysa ee Lebiska isku wada eeg xidhan.Wax kasta oo aad u baahan tahay waa lagu keenayaa Keliya iska Fadhi. Faraxalka,Sharaabka,Warqada Af mariska,Malqadahaha,Farogeetooyinka,Mindiyaha yaryar Biyaha,Shaaha,Findhicilka,Cashadii aad dalbatey,Maraq,Khudaar kala duwan,Cuntooyinka fudud ee kale,”Take Away”,lacagta oo Fadhigaga laagaga qaado Juwana lagugu soo Jarey.Habka cunista cuntada Ayaa ah mid aan degdeg iyo xoog ku jirin markaad fadhido Fivestar.

Wax afka ka soo duulaya ama Qosol iyo Qeylo dheer Ayaan lagu kicin.in aad qofka weydiiso in uu kuu soo qaado wixii ka fog Ayaa a dhaqan aqooneed ama Mid cunto si heer sareysa oo Akhlaaqadi ku dheehan tahay loo cuno.Dadka dhaqanka xun ama Madaxa ka jirani ma Yimadaana ama kuuma soo gelayaan.Cunto wada diiran oo hada laguu soo sameeyey Ayaana qof kasta gaarkii loogu soo qaadayaa.Lacag bixin qaali ah oo ku dhow 5,10 ama 15$ Ayaad kaga kaceysaa Miiskaasi,haddii kale buug kaaga furan Ayaa laguugu qori doonaa.Cunto aad qurbaha ku cuni Jirtey marka aad wadankii oo lagu sameynaayo Aragto maxaa ka wanaagsan.

Isku soo wada duub Furida iyo sameysashada hudheeladu intii hore wey ka soo badanayaan,kuwa Jiifka ama hurdada iyo cuntadaba leh ama cuntada keliya intaba waad arkeysaa.Dadkuna intii hore wuu ka sii badanayaa oo meelo badan oo wax laga cuno ama cuntooyinka habab cusub oo casri ah u diyaariya Ayaa niyada lagu wada hayaa.Pizzahut/Burger meelo keliya oo loo furtey ayaana dad badan ay kaga nastaan bariiska iyo baastada badan.Todobaadkan waxaan Niyada ku hayaa Saba iyo Jawigeeda degan oo aan marar horena wakhtiga ku qaato aan firaaqada ahey,Saba ka dib waxaan u socdaa Fish and Steak………….   NeXt…Lkn maalmo badan oo kalena Maqaaxi Derajada dhexe oo suuqa ku taala inta badana aan shaaha ka cabo Ayaan u kicitimaa ka dib saacadaha shaqada ka dib.