Maxamed Mursi: Doorashadii, Xadhiggii ilaa Maxkamadayntii – W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI

Cabdiraxmaan Cabdilaahi

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Cabdiraxmaan Cabdilaahi

WAA KUMA MAXAMED MURSI

Maxamed Maxamed Mursi Ciise Cayaad isagoo ku caan baxay Maxamed Mursi wuxuu ku dhashay 22/08/1951, tuulo lagu magacaabo “CADWAH” oo ku taal waqooyiga dalka masar, wuxuu ku barbaaray isla tuuladaa kuna dhex korey qoys jilicsan, aabo beero qodaal ahaa iyo hooyo guri joog ahayd. Wuuxu la dhashay labo hablood iyo saddex wiil, wuxuu galay dugsi hoose iyo dhexe, kadib markuu dhameystay wuxuu u wareegay caasimadda qaahira si uu u sii wato waxbarashadiisa.

Mursi wuxuu heerkiisii jaamacadeed ku dhameystay Qaahira, isagoo qaybta injineerinka ka qaatay shahaada masterta sanaddii 1975, kadib wuxuu u baxay dhinacaa iyo maraykanka si uu waxbarashadiisa u dhamayastiro isagoo sanadii 1982 qaatey shahaadada PHD-da, kadib wuxuu ku soo guryo noqday dalkiisii hooyo wuxuu hormood ka noqday kuliyada injineerinka ee jaamacadda” ZAQAASIYA” sanadihii u dhaxeeyey 1985-2010, sidoo kale wuxuu macalin ka noqday jaamacado dhawra oo kale.

Maxamed Mursi ayaa guursaday sanadii 1978, gabadh lagu magacaabo “NAJLAH MAXAMUUD”, waxaanay u dhashay shan caruura oo kala ah afar wiil iyo gabadh, qoyska mursi ayaa noqday wada aqoonyahano iyagoo iskugu jira macalimiin jaamacadeed iyo dhakhaatiir.

MURSI IYO SIYAASADDA.

Maxamed Mursi wuxuu ku biiray Ikhwaan Al Muslimiinka 1979, sanadihii 1995 ilaa 2000 wuxuu isku sharaxay golaha Baarlamaanka waanu ku guulaystay, doorashooyinkii dhacay 2005-kii ayuu mursi noqday mid codad badan kaga saro maray kuwii la tartamayey. Mursi ayaa ahaa mid ka dhex caana golaha intuu ku jiray golaha wakiilada, wuxuu ahaa mid ka qayb qaatay dhawr urur oo is-badel doon ahaa wakhtigii Xusni Mubaarik, taas oo ay ugu caansanayd midowgii 40-kii urur ee loogu magac daray isku-tagii Dumaaqaadiyada sanadkii 2011, kadib golaha dhexe ee Ikhwaanka ayaa 30/04/2011 u doortay gudoomiyaha Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada.

ISKU TAAGIISII XILKA MADAXTINIMO IYO XIL KA TUURISTIISII.

Maxamed Mursi ayaa ikhwaanu muslimiinku u doorteen musharax madaxtimo sanadkii 2012, mursi ayaa ahaa mid waajahay tartan adag taas oo uu la galay sagaal tartame oo kale, waxaana ugu waynaa loolankii uu la galay wakhtigii doorashada Axmed Shafiiq, laakiin nasiib wanaag Mursi ayaa noqday mid u dheereeya dhinaca guusha. 24/06/2012-kii ayey ahayd markii gudidii doorashadu ku dhawaaqday inuu Mursi ku soo baxay doorashadii celcelis ahaan 51.71%.

30/06/2012 ayaa loo dhaariyey xilka madaxtimo ee dalka masar markii gacantiisa midig maxkamadda horteeda ku saaray kiitaabka ALLE “swt”, dhaartaas oo ay ahayd mid ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynayaal, Safiiro Dawladeed, Shakhsiyaad caan ka ah dunida, iyo madaxdda Qaramada Midoobay.

Maxamed Mursi ayaa  u guntaday sidii u hagaajin lahaa xukunka markii xilka uu qabatay, wuxuu soo magacaabay Raysal Wasaare ay isku fikir dhawaayeen, magacaabidaa kadibna wuxuu soo dhisay Raysal Wasaarahaasi dawalad u badnay dhinaca ururkii uu ka soo baxay, taas oo keentay in kacdoon kaga yimaado, waxaana xusid mudnayd in aanay ku jirin xubnihii wasiirada gabadhi, taasi noqotay carqalad kale oo soo waajahday dawladii mursi hogaaminayey.

Madaxweyne Mursi ayaa la sheegaa inuu wax ka bedelay cadaalad daradii uu ka tagay xukunkii ka horeeyey, isagoo jeelasha ka sii daayey dad tiro badnaa oo taliskii ka horeeye xidhxidhay, Mursi ayaa la tilmaamaa nin wax ka bedelay qaabka ay u shaqeynayso dawladu iyo xidhiidhka ay la leedahay bulshada, sidoo kale xidhiidho fiican ayuu la sameeyey wadamada carabta iyo dawladaha Iraan iyo Turkiga, waxaanay isku dhaceen xukunkii mursi dawladaha Itoobiya iyo Israaiil.

Maxamed Mursi ayaa  waajahay kacdoono badan taas oo ay hogaaminayeen xisbiyadii mucaaridku ka soo horjeeday xukunkiisu, waxaayana kacdoonadaasi bilaabmeen 07/2013, sababo tiro badan ayaa loo aanaynayey ka soo horjeedka xukunka Mursi ee dhaliyey kacdoonadan, hase yeeshee qaar kala go’a may noqon mudaharadadaasi waxayna wadadda u xaadheen inay xilka ka huleeliyaa dawladii uu gadhwadeenka ka ahaa maxamed Mursi, waxaana taladii wadanka afganbi kula wareegay milatarigii waddaankaas.

MURSI IYO XADHIGIISII.

Musri ayaa ahaa mid dhowr jeer oo kala danbeeyey galay jeelka, taas oo ay ugu dheerayd markii uu ku jiray xabsiga todoba bilood, 18/05/2006 taas oo lagu eedeeyey inuu ka qeyb galay mudaharaado maxkamaduna ku riday xukunkaa dhowrka bilood qaatay wuxuuna soo baxay 10/12/2006, kuma ikayn xadhigu intaa, hase yeeshee wuxuu jeelka galay sanadii 28/01/2011, markaas oo ay ahayd markii la ridayey xukunkii xusni Mubaarik, nasiib wanaag’se waa laga sii daayey jeelka.

Xadhigu kuma koobnayn mursi oo qudha laakiin wuxuu gaadhay ehelkiisa waxaana laga xidhay caruurtiisa, iyadoo ay ugu danbaysay 02/02/2012 taas oo ay xadhiga iibsadeen lana sii daayey.

Waxay ahayd dabayaqadii 2013-kii, markii xabsiga la dhigay mursi isagoo afganbi laga tuuray xilkii ay sida xorta ah ugu soo doorteen shacabka dalkiisu, maxkamad ayaa dhowr jeer oo is xig-xigay si loo xukumo hase yeeshee ilaa hadda maaha mid xukunkiisu dhacay oo la xukumay,