Maxaad ka taqaanaa Shiikh Xasan Daahir Aways?

ugaas-maxamed-waliWaxaan go’aansaday inaan warbixin kooban ka qoro Shiikh Xasan Daahir aweys, qoraalkan waxaa igu kalifay inaan qoro, sedex arimood oo kala ah.

1-Waxaan ogaaday ummadda soomaiyeed inteeda badan inaysan aqoonin shaqsiyada sh. Xasan daahir, waxaay ka sheegayaanna ay yihiin been iyo borobogaando marka laga reebo wax yar oo alle u naxariistay, markaad si hoose u barato sh. Xasan daahir, waxaad ogaaneysaa shacabka soomaaliyeed intiisa badan iney isugu gargaaraan beenta iyo qabyaalada, maxaa yeelay akhlaaqda dhabta ah ee ALLE ku abuuray sh. Xasan iyo waxay ka aaminsanyihiin waa kaaf iyo kala dheeri.

2-Markaan sh. Xasan bartay waxaan aad ula yaabay waxa kalifay dadku iney ka aaminaan wuxuusan ahayn, kadib waxaan go, aansaday inaan baaritaan sameeyo, baaritaankii waxaan ku soo ogaaday, dadka sh. Xasan neceb inay yihiin 4 qaybood 3 qaybood nacabkoodu wuxuu ku salaysan yahay qabyaalad, kan 4aad wuxuu ku salaysan yahay caqiido diini ah, halkan waxaan ku sheegidoonaa inshaa, allahu 3 arimood, tan kalana waxaan uga tagayaa duruuftaagan awgeed. A. sh. Xasan qolo waxay ku neceb tahay caqiidada salafka, B. qolana waxay ku necebtahay qabiilka hawiyaha ee uu kadhashay. C. kuwa kalana waxay ku necebyihiin jifada habargidir ee uu ka soojeedo waa aragtidayda xaqiida dhabta ah allaa og.

3-Ummadda soomaaliyeed waxay noqotay mid aan tixgalin diin, caqli saliima, shaqsiyad wanaagsan iyo wadaniyad toona, marka laga reebo wax yar oo alle u naxariistay, laakiin waxay tix galyaan hunguri si xun loo radiyo , jago lagu raadiyo diinta oo lala diriro dalka oo gumeeysi loo gacan galiyo iyo qabyaalad, taasina waxay sabab u noqotay qofkasta oo mac naleh in la fogeeyo, midkasta maquure ahna la amaano wanaag uusan lahayna lasiiyo. Waxaanan isleeyahay waxyaabaha keenay waanaagii shiikha in xumaan loo badalo, ayaa kamid ah arimaha aan kor ku soo xusnay.

Maxaad ka taqaanaa Shiikh xasan daahir?

Sh. Xasan daahir illaahay baa yaqaana xaqiiqdiisa dhata ah, waxaanse jecleystay inaan idiin soo gudbiyo, inta aan ka aqaanno taarriikhdiisa

1-Sh. Xasan waa nin ku dhaqma diinta islaamka inta uu awoodo, aqoon fiicana u leh, jecelna in ummadda soomaaliyeed ku dhaqanto sharecada islaamka inshaa allaahu.

2-Sh. Xasan waa nin jecel iney wadahadasho ummadda soomaaliyeed waxna isla meeldhigto, wuxuuna neceb yahay daba istaaga gumeysiga iyo u adeegida cadawga islaamka iyo cadawga shacabka soomaaliyeed

3-Sh. Xasan waa ninka ugu cadaalada badan dadka siyaasada ku jira inta aan anigu aqoonta u leeyahay inshaa allaahu.

4-Sh. Xasan waa ninka ugu qabyaalada yar raga siyaasada ku jira intaan garanayo ogaalkayga.

5-Sh. Xasan waa nin cibaada badan thaahirkiisu illaahayna ka baqa in shaa allahu.

6-Sh. Xasan waa ninka ugu hunguriga yar dhinaca dhaqaalah inta aan aqaanno dadk siyaasada kujira.

7 -Sh. Waa nin ogol dooda iyo xiwaarka si kasta oo aad u kala fogtihiin ama uu kaaga awood roonyahay.

8-Sh. Xasan waa nin deeqsiya oo baahi kasta oo uu qabana waxa uu hayo dadka u quura oo aan bakhaylin intabadan .

9-Sh. Xasan Waa nin geesiya oo ku adag arimaha diinta, waana nin aaminsan wadatashiga iyo shuurada sida aan horay u soo sheegay.

10-Sh. Xasan waa run loow beenta iyo khayaamadana neceb, dadkna aad u xurmeeya, wuxuuna caado u leeyahay dadka inuu xiriiriyo oo uu san gooynin.

11-Sh. Xasan waa nin aan aamin saneyn qabyaalada, laakiin aaminsan mabda, islaamka iyo xarakada uu katirsan yahay taladeeda.

12-Sh. Xasan qofkasta oo muslima xabiib ayuu u yahay xaasadna ma aha.

Anigu illaahay nin ka dhahirimaayo waxanse u rajeenayaa sh. Xasan inuu ahlu khar yahay, illaahayna uusan hoojineynin inshaa allaahu.

Akhristoow illaahay baan ku dhaariyaye ka hadal arintan , hadaad si dhab ah u taqaanno sh. Xasan daahir, hadii kale aakhiradaada u turo.

Shardiga aqoonta, ugu yaraan waa inuu kulansadaa 3 arimood

1-Inuu jid la maray

2-Inuu jabhad la galay

3-Inuu jidiin la cunay

Sadexdaas hadaad midkood tahay ka hadal warka agana waan u baahanahay, wixii aan saxay, igu raac waxaan khaldayna iga sax inshaa allaahu.

Car yaa sheegi kara nin soomaaliya oo siyaasiya, oo intaas oo wanaaga ah kulansaday, idaacadii radio muqdisho waxay soo deyn jitay hadal aan la yaabijiray, laakiin hada aan garwaaqsaday, idaacadu waxay oran jirtay horta qabo siyaadoow, bal qofkale ku soo dara.

Hadalkaasi wuxu ahaa mid dhab ah 22 sano ka dib waa la layahay madaweyne aan Maxamed Siyaad ahayn, ileen talo isuma kaasheegto halkay tuur kuleedahay, dadku xagey ka helayaan wax wanaagsan iyagiibaa, wanaagii la dirirayee, soomaali waxaad ku deysaa waa nimankii Maxamed siyaad derbiga uga daatay C/llaahi Yuusufna soo doortay, CILMI CARAB WUXUU YIRI HADUUN CAqLIGU KAALUMIN MIDHAA WAAD ILAAB GARAN. aniga waxay ila tahay garashadayda yar madaxweynihii soomaaliya dhibta ay ku jirto uga bixil laheyd Waa shiikh Xasan Daahir inshaa allaahu.

Sh. Xasan daahir maxay keeni kartaa Haduu sii xirnaado hadiise la siidaayo, maxaa ka dhalankara?

Sida runta ah, kuma talagalin qoraalka inaan dheereeyo laakiin isagaaba, barakoobay waxaanan jeclahay inaan si kooban uga hadlo hadii alle idmo

1-Waxaan isleehay hadii la siidaayo Shiikh Xasan wax badan oo halaysan buu ILLAAHAY ku hagaajin doona inshaa allaahu, waxaana ugu horeeya beesha Habargidir oo sheekha shirqooshay,iyaguna sheegaya in balan looga baxay, wax jirana allaa og.

2-Sheekhu wuxuu ka soo qancay shabaab oo uu siyaasadoodii badda kuriday, wuxuuna diyaar u yahay wax kasta oo wanaaga oo ummadda Soomaaliyeed ay leedahay inuu hormuud ka noqodo, sidaas darteed xaq u maleh inuu sii xirnaado, maxaa yeelay dowladu diyaarad, baabuur iyo lug toona kuma soo qabsanin, qabiilbaa ku yiri waan ku magan galineynaa ka dibna dowlada u dhiibay, sida la ii sheegay qabiilkii wuxuu leeyahay dowladu way nasirtay ee balantii ha oofiso warkan qabiilku haduu sax yahay, dowladu way khaldantahay, bini’adamkuna balan buu wadaagaaye been ma wadaago, tan kale dadbaa waxay leeyihiin sh. Xasan Maxkamad ha la saaro, goormaan ku heshiinay in maxkamad la saaro qofkii dalka denbi ka galay, waxaa jooga kuwii soo galiyay dalka Itoobiya, Kiinya, Ugandha, Burundi iyo Siiralyoon, subxaanallaahi war dadku cadaalad yaraa.

A. Waa in soomaalidu ku heshiisaa wixii danbi loo heysto in maxkamad la saaro, B. waa in loo heshiiyaa labadii dhinac ee loo dagaalamay waa macno la garan karo wixii ka soo haray waa shaqadii soomaalida ee isdaba wareega ahayd sideey ila tahay.

3- Sheekha hadii la siideyn waayo waxaa ka dhalan kara waxaan la fileynin waa malahayga xaqiiqdana, allaa og, waxayna u dhawdahay doowlada xasan sh. Sheikh iney burburto dagaallo so keeyana biloowdaan, hadii xurmo la waayo lama kala xiniinyo badeno, AYAX DHOWRE WUXUU YIRI QABQABDHAAFAY BAY LABAQABIIL QARAN KU WEYDAAYE< WAA QAYDAR LOW KAAGA GO,AY HADALKA QAARKIISE QOORAHA WAXAA LOOGA LULAY WAYSKU WADAQARE< MAR HA DAYDAAN QUURSIGA XUN IYO QALADBA DEYNEYNIN WAX QIRAALA INAAD MAALINUUN QARANDHACAYSAANOO QABKAAD MUDUG LA JOOGTAAN RAG WAYSKU QATALMEYSAAN gabaygan waan baal goostay lasoco< waxaan akhriyay wiil maqaal ka qoray Saadaasha sheikh xasan wuxuu ka dhigay aniga garashadeyda neef ariya oo Xasan Shiikh maxamuud u xiran oo sidii la doono laga yeeli karo, anigu waxaan leeyahay Shiikh Xasan waxa laga qorayo halaga fiirsado, qoralkaas oo kalana waxaan u aqaanaa baaq.

Shiikh Xasan illaahay baan ka baryeynaa in la soo daayo, Soomaali waxay habargidir uga fadhidaa meeshay ku rideen Shiikh iney ka soo saaraan soomaalida wanaga jecelna wayn idin garab taagan tahay inshaa allaahu.

Waxaa qoray

Ugaas Maxamed Wali Shiikh Axmed nuur

kulmiyepress@hotmail.com