Mala Xusi karaa Dhalashada Rasuulka (SCW)? – W/Q: Maxamed-Janaale


WAXA ILAAHAY QUR’AANKA INOOGU SHEEGEY IN AY NU KU FARAXNO  RAXMADA ALLE, allah wuxuu yidhi (قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ خَيْرٌ مِمَّا يَجْمَعُونَ)سورة يونس 58  ( sida lagu ijmaacay rasuulkeena csw, waa raxmadii caalamka loo soo diray ).  (وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ)سورة الأنبياء107 . Xuska dhalashada xabiibku waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa wayn ee ka mida Shacaa’irta diiniga ah , ALLENA YIDHI (ذَلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ شَعَائِرَ اللَّهِ فَإِنَّهَا مِنْ تَقْوَى الْقُلُوبِ).

Fadliga maalintuu dhashay Rasuulku SCW, waxaa daliil ugu filan dhalashada rasuulkeenu waxa ka mid tahay waxyaabaha la xurmeeyo Illaaheyna wuxuu yidhi [( ذَلِكَ وَمَنْ يُعَظِّمْ حُرُمَاتِ اللَّهِ فَهُوَ خَيْرٌ لَهُ)سورة الحج الآية30][(وَافْعَلُوا الْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ سورة الحج (77)] Waxa uu Rasuulkeenu SCW) yidhi (من سن في الإسلام سنة حسنة فله أجرها وأجر من عمل بها) waxa laga wariyay C/Laahi binu Mascuud RC inuu yidhi ما رآه المسلمون حسنا فهو عندالله حسن.

Muxuu ka  koobanyahay xuska Mawlidka Rasuulka SCW ?

Xuska Dhalashada Rasuulka SCW waxay ka koobantahay:-

  • Siirada Rasuulka SCW oo la aqriyo. ( لقد كان في قصصهم عبرة لأول الألباب) قال تعالى
  • Qasiidooyin lagu amaanayo Rasuulka SCW.

Alle ayaa amaanay rasuulkaوwuxuu yidhi [وكان فضل الله عليك عظيما]

v  , rasuulka oo is amaanaya csw wuxuu yidhi أنا رحمة مهداه ]

Asxaabtunawaxay amaaneen rasuulka scw

  • Salliga Rasuulka SCW oo la badiyo. من صلي علي مرة صلي لله عليه به عشرا]
  • Sadaqa la bixiyo. ويطعمون الطعام علي حبه مسكينا ويتيما واسيرا]
  • Muujinta Jacaylka iyo wayneynta Rasuulka SCW
  • Ka sheeekaynta dhalshadii Rasuulka oo la kordhiyo bishii uu dhashay.

AYAAMAHA NIMCOOYINKA WAAYEYN ALLE(SWC) INA SIIYO MA LAGA DHIGAN KARAA CIID IYO FARXAD SI ILAAHEY LOOGU MAHADSHO ?

 (قال عيسي ابن مريم اللهم ربنا أنزل علينا مائدة من السماء تكون لنا عيداً لأولنا وآخرناwaxa aayada laga faa’idaysanayaa shukri naq alle dartiis in loo maamuusi karo ayaamaha alle nimco ku siiyo. Nimco ka wayn nabi muxamed scw oo alle in siiyeyna ma jirto  allena swc wuxuu yidhi [لقد من الله على المؤمنين إذ بعث فيهم رسولا من أنفسهم]

NABIGEENU SCW MA WEYNEYN JIREY MAALINTA UU  DHASHAY ?

HAA,bal ufiirso Xadiithkan saxiixa ah [waxa la waydiiyey soomka isniinta wuxuu yidhi (scw) (فيه ولدت وفيه أنزل علىّ) رواه مسلم Ibnu Taymiyah kitaabkiisa Iqtidaa’u-Siraadil-Mustaqiim bogga 266 wuxuu Xuska Mawlidka Rasuulka ku sheegay maxabada Rasuulka (SCW) iyo waynayn tiisa, wuxuuna sheegay in Illaahay uu ka abaal marinayo Maxabada iyo dadaalka.

 

WALAALKEYGA MUSLIMKA AHOW KA FEEJIGNOW IN AAD DIIDID ARRIN ADOON CILMI U LAHAYN , KANA DHEEROW  YASID AMA ISKA IN DHA –TIRIS MAQAAMKA SARE  EE ALLE SWC UU GAADHSIIYEY NABI MUXAMED SCW OO UU KA DOORTERY DHAMMAAN ILMA NABI AADAM.

WALAALO KA TAXADIR IN AAD KA MID NOQOTID DADKA AYAADANI SHEEGTAY ADOON IS OGEYN

إن اللذين يؤذون الله ورسوله لعنهم الله في الدنيا والآخرة – الآية