Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa: “Boobe Yuusuf Ducaale” – Qormadii 35

Boobe Yuusuf Ducaale

Habeenkii, waxaan Qormooyinkan taxanaha ah ee kooban u qaybiyaa wargeysyada, subaxda horena waxaan u qaybiyaa mareegaha iyo saaxiibbada qaarkood oo xiiseeya. Tilifoonnada iyo e-maillada ayaa mararka qaarkood sida roobka iigu soo daata. Subax kasta waxaan ku quraacdaa dareenka iyo fal-celiska akhristayaasha qiimaha leh, sida ay iyaguna ugu quraacdaan Qormooyinkan aanay xiisahooda ka ledin. In badan oo ila soo xidhiidhay ama I soo hor joogsatayba ayaa ku tilmaanta Qormooyinkan ‘Faleebbo’ ku socota oo rajadoodii iyo ididiiladoodii soo noolaysay.

Saaka markii aan e-mailladaa dhex qaadayay waxa igu soo baxay, kan aan waxoogaaga ka soo garoocanayo, aniga oo aan uga fasax qaadan wiilkii ii soo qoray. Raalli, ha iga haado aniga oo magaca sheegayn, waxaanu yidhi:

“Marka hore salaan Mujaahid, Marka xiga ma laga yaabaa, in Wasaarad laguu magacaabo in khayrku ku jiray? Waxa aan sidaa u leeyahay, waxa noo caddaatay in aan dawladi dalkan u maqnayn. Ma laga yaabaa in ay Madaxtooyadu aamminsan tahay meeshu in ay tahay shirkad xawaaladeed oo aanay aqoonba u lahayn dawlad iyo dawladnimaba? Waxa aad noo ahayd mashqac qudhunkii huursanaana bannaanka ayaad noo soo dhigtay eesh-calaa.”

Mar danbe oo galabtii ah ayaan jawaabtan ka helay, aniga oo xalay weydiistay in aan daabaco iyo in aan magaciisa sheego, waxaanu iigu soo jawaabay:

 “Marka hore salaan, Mujaahid. Marka xiga jawaabtaydu waa haa. Email-kii shalay aan kuu soo gudbiyay dhawr erey oo xagga qorista aan qalday ayaan hadda soo saxayaa markaa halka aad la jeclaato ku talbiis. Fuleynimo iskuma ogeyn e’ waxba ha qarin magacayga.” Magaciisuna wax la sheelo ama la qariyo ka weyn oo Badeed ayaa la yidhaahdaa. Ma is-tidhaahdeen ninkan odeyga qofkii baddiisa galaa, waa uu ku hafan. Salaamaad!

Miyaynaan ‘Marathon’ dheer soo ordin! Bal hadda aan ku soo daaddego biyo-dhacaygii iyo gobo’da sheekada.

Gegegebada sheekada,

Waa gunaanadkaygii,

Gar-naqsigii ku soo noqo,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo, waxaan aamminsanahay oo aan rumaysnahay isla markaana u hoggaansanahay in uu Xeer, Xaagaan iyo Xaqba u leeyahay in uu Wasiir ii magacaabo, isla markaana iga qaadi karo xilka. Taa ma diiddani. Ninkii jiray se waxa laga hayaa: “Xaaqda ayaan diiday.”

Waxaan beddelay oo aan xilka ka qaaday laba Agaasime-waaxeed oo Wasiir iga horreeyay uu magacaabay. Tabta uu Madaxweynuhu Xeerka, Xaagaanta, Xaqa iyo awoodahaba ugu leeyahay in uu Wasiir beddelo, ayaan Wasiir ahaan aniguna u lahaa awoodo ay Xeerka, Xaagaanta iyo Xaquba I siiyeen. Ma ay ahayn in uu Madaxweynuhu igu yidhaahdo: “Labadan Agaasime ku celi shaqadoodii oo go’aankaagii ka noqo.” Madaxweynuhu aniga oo ixtiraamaya, Xeer, Xaagaan iyo Xaq midna iiguma lahayn in uu iga hor joogsadao adeegsiga aan adeegsanayay awood uu isagu ii igmaday in aan gadh-wadeen ka noqdo, hago oo hoggaamiyo hawlaha ballaadhan ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Isagana waa la dhaariyay, anigana isaga hortiisa iyo Golaha Xukumadda dhexdiisa ayaa sidaas oo kale la iigu dhaariyay. Kaasi waa nabar.

Labadii Agaasime-waaxeed ee aan xilka ka qaaday mid wuxu u magacaabay Af-hayeenka Madaxtooyada oo waa awood uu leeyahay oo aan cidina ku haysan. Xeer, Xaagaan iyo Xaqba wuu u leeyahay. Agaasimihii labaad ee aan xilka ka qaaday, Madaxweynuhu wuu rumeystay in aan xilkii ka qaaday oo Wasiirkii cusbaa ee ii beddelay ayaa u qoray warqad cusub oo magacaabis ah oo uu xilkiisii hore ku haynayo. Taas macnaheedu waxa weeye in ay go’aan-qaadashadaydii aan labada Agaasime ku beddelay ahayd Xeer, Xaagaan iyo Xaqba.

Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay: Muxuu Madaxweynuhu u aqoonsanayaa go’aammada Agaasime-waaxeedyada ay Wasiirradu ku magacaabayaan ee uu u aqoonsan waayay go’aammada ay Wasiirradu Agaasime-waaxeedyada xilka kaga qaadayaan. Muxuu Madaxweynuhu saddex Wassiir oo uu hawl isku mid ah marba mid u magacaabay, qaarna go’aammadooda u aqoonsanayaa, anigana go’aammada aan Wasiir ahaan u qaatay u deedafaynayaa ee iigu qasbayaa Agaasimayaal Waaxeed oo aan xil ka qaaday in aan ku celiyo.

Ma milgaha iyo maamuuska dawladnimo oo aniga iga qarsoonaa baa? Ma qaababkan cusub ee dawladnimada loo doojiyaa? Qoodhiin iyo xeradiin bal gartaa naqa, aniguna kii wixii la saaro qaata ayaan ahay.

Ma diiddani in xilka la iga qaado, bal se qaabka iyo qiimaynta aan qof mas’uul ah qaban ayaan qawaday oo quudhsaday. Bal idinkuba qiyaasa oo miyaan ku qaldanahay? Mise waan ku qummanahay?

Waxaan hortiinna ka qirayaa in aan ka nastay oo aan ku qaboobay, kuna faraxsanahay in aan xilkaa ka tegay oo aanan wax qoomammo ah u qabin. Docda kale yaan Madaxweynaha lagu eedayn in uu shaqadaydii Akaademiga I seejiyay, markii danbena muddo gaaban ka dib xilka iga qaaday. Taasi ma aha mid Madaxweynaha eed looga dhigayo. Aniga ayaa qaatay go’aanka xil-qabashada, raalli ka ahaa isla markaana go’aansaday in aan Akaademiga ka tago. Fadlan, yaan loo qaadan in Madaxweyne Siilaanyo iigu talo-gakay luggoyada. Kiiskaa saaxiibkay, Mujaahid Axmed ma qabo ee yaan la saarin.

Markii xilka la iga qaadayay, Madaxweynuhu wuxu ii soo qoray: “…..Xilalka Qaranka ayay dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee JSL.”

In la iga qaado wax ceeb ah ma laha, bal se waxaan I qaban, Qarannimadana aan qaban in xilka la iiga qaado awood aan sharci ahaan u lahaa oo aan adeegsaday. Ma aan hanan kari waayin xilalkaygii Madaxweynaha iyo Qarankuba ii igmadeen. Xaasha! Indhaha dadweynaha iyo shaqaale-weynaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaan u maragsanayaa, waxaan qabtayna wax la qarin karo ma aha.

Dardaarankii Macallin Gaarriye, ayaa I faray in aan sidan yeelo oo garasho ayaa igu tidhi yeel. Miyaanu Gaarriye odhan:

“Wallee qalin-daraalaha,

 Denbi qaranka laga galay,

 Kama qariyo wadhatada,

 Wallee qoonta mililka leh,

 Qaarka sare ma dhaydhayo.”

Su’aalahan ayaa iyaguna jawaab idin qancisa anigana I qancisa u baahan:

  1. Waa kee Xeerka uu TV-ga Qaranku ku yahay Hay’ad dawladeed oo Madax-bannaan? Ma Xeer la’aan ayaa lagu aasaasay? Miyaan Xukuumaddii Daahir Ra’yaale Kaahin lagu eedayn jirin Xeer la’aantan? Xeerekee iyo Xaagaantee ayaa Maareeye loogu magcaabay?
  2. Maxaa lagu sababayn karaa TV-gan laga gooyay Wasaaraddii uu gunneyn jiray? Ma dhab baa in cid gaar ah loo gooyay?

Kun iyo kow su’aalood oo kale ayaa Xukuumadda maanta looga baahan yahay in ay ka jawaabto. Waa halgankii Qalinka iyo Qowlka ee ha la isu dul-qaato.

Aan ku soo xidho tuducyo ay iga codsadeen akhristayaasha Qormooyinkani, gaar ahaan nin Riyaad xalay igala soo hadlayay. Waa tuducyo aan ka soo qaadanayo Maansadii ‘Dallaalimo ee Hadraawi. Sida dhayda geela u durduurta ama casiirkaba, hadba halka aad joogtaan, Hadraawina wuxu yidhi:

“Nafta haw darraannoo,

 Ha is-taagin daaftee,

 Dusha soo kor lay yidhi,

 Duug hadhaan se ka xigsaday,

 

 Dabka aad shidaysiyo,

 Dabra-weerarkaagiyo,

 Debci hawsha lay yidhi,

 Dan-yar baan se ka xigsaday,

 

 Inta fudud dabayshiyo,

 Duufaan ha qaadee,

 Ka danayso lay yidhi,

 Doobi buuxa lay dhiib,

 Daadi baan se ka xigsaday,”

Dhammaan akhristayaashii iyo qalabkii war-baahinta ee habka daabacan qormooyinkan u tebin jiray aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa. Intii igula soo xidhiidhay e-maillada ama ku soo fal-celisayba waxaan ka codsanayaa in ay ii oggolaadaan in aan daabaco dareenkoodaa waddaniga ahaa. Waa I noo qormooyin danbe oo xiiso leh. Waxaynu ka hadallaa inaguma yara, anigana dedaal I faran. Fadlan raalli iga ahaada oo hoosta ha iga yar higgaadinina. Waa markiinnii. Waa daran-doorri sheekadu ee dabarka ka gooya qoraalladiinnii oo xakamaha u sii daaya, in badan ayaad I  sugayseen e’. Salaama iyo kulammo danbe oo xiiso leh.

Waa saaxiibkiin, adeerkiin, abtigiin, awowgiin, halgan-wadaaggiin, sheeko-wadaaggiin, walaalkiin, dal-wadaaggiin, dad-wadaaggiin, waa dareen-wadaaggiin iyo qalin-wadaaggiin Boobe Yuusuf Ducaale.

(Dhammaad)