Madaxweyne SiIlaanyo Iyo Abdrahmaan Abdiqaadir Maxaa Khaldamay, Ma Mabda’a Mise Farsamo? – Qoraa Sare Adam Muse Jibril

Aadan Muse Jibriil

Runtii ma aanan rabin in aan manta ka hadlo dhinaca Somaliland, waxaan rabey inaan taas Somaliyeed ee gubanaysa, waxuun ku biiriyo. Waxaanay iga ahayd bal inta yar ee aan ka ogahay meesha cudurka hayaa kaga dhacay in aan wax ka tilmaamo. Marka cudurka la garto xalka iyo dawadana waa la garan karaa. Somalildu waxay tidhaahdaa “mantag meesha aad doonayso kuguma simo, roobkuna meesha aad rabto mar walba kuma da’o. Khaladka Kulmiye ka dhacay oo salka ku haya kuwii hore u dhacay oo isbiirsaday baan  ka gubtay oo igu simi waayey in aan manta ka hadlo sidii aan balan qaaday ee ahayd “kala duwanaanshihii SNM iyo SSDF”. Waanan ka xumahay.

Somaliland: hor iyo horraan, waxaan leeyahay, dhaliisha iyo is-dhaliilku waa in uu ka dhacaa hooska ama hadhdka geedkii weynaa ee uu inoo beeray madaxweyne M.X. Ibrahim Egal, ee maaha in aynu xayndaabka dhaqanka Somaliland ee dibu-heshiisiinta debeda uga baxno taasi waa khaladka ugu weyn ee dhacay, waana khalad mabda’ ah.

Markii madaxweyne A.M. Silaanyo ku guuleystey kursiga welise aanu maamulka la wareegin, ayaan ugu tegey si aan ugu hambaleyeeyo, hadal yar oo talo-bixin ahna aan ugu tuuro. Waxaan ku idhi “waxaad tahay Madaxweynhii ugu horreeyey abid taariikhda Somalida ee xagga tacliinta jaamicada ka dib sameeyey deraasad waxbarasho (Post-graduate studies).. waxaa laga sugaayaa wax wayn in aad qabato”, waxaan u raaciyey, “waxaan filaya in aad noqon doonto Nelson Mandelaha Somaliland”. Waxaan kale oo aan u raaciyey “waxaa fiican in haddaba magacawdo Guddi qaran oo dibu-heshiineed”. Ahmed waxuu iigu jawaabey “ inagu (Somaliland) ma nihin sida South Africa oo u kala qaybsan dadyaw kala duwan”. Taasi waxay I xasuusisay Gabaygii Ali Duux… “Dhankaan ka hadlay waa kaa Qabaan dhaafay hadalkiiyee”.

Hadaba, maxaa khaldamay, ma mabd’a, mise Farsamo. Waxaan arkaa oo ku kalsoonahay in waxa khaldani yahay mabd’a iyo farsamo laba jibbaaran.

Dhanka mabd’a, Geedkii hadhka weynaa ee M. Ibrahim Cigal inoo beeray, waxaa waraabiya oo nafaqada siiya waa laba xidid oo hal-bowle ah, dhismaha hay’adaha dawlanimo iyo mabda’ dibu hashiisiinta, oo ku dhisan dhaqanka bulshada. Xagga dhismaha hay’adaha dawladnimo waxaa aad u kala duwan, abuuristooda iyo kobcintooda. Cigal wuu inoo abuuray lakiin weli waa curdan  koritaankoodu waxu ku xidhan yahay geedi-socod dheer (a difficult and long historical process) tiro ahaan iyo xagga tayada intaba. Weli waxaa hadhsan oo aan fari ka caweyn xagga tayada oo baahida ka jirtaa tahay kala saaridda shaqada saddexda rukun ee dawlada, fulinta, sharci-dejinta iyo madax-bannaanaynta buuxda ee judiciary-ga ama sharciga. Arrinkani waa qadiyad aasaas ah oo aynu in badan ka hadli doono.

Haddaba bal, aynu isla eegno meesha ugu sarraysa ee khaladku ka bilaabmay. Markii  kulmiye la waereegey talada dalka waxay kala garan waayeen, dadka u shaqeeya dawlada iyo Xukuumada, waxaa la siyaasadeeyey shaqaalha dawlada oo dhan. Waxay  bedeleen dhamaan waxii dawlada u shaqaynayey (State Bureaucracy) oo ahaa dadkii aan siyaasada shuqul ku lahayn ee aqoonta iyo waayo-aragtida lahaa, waxay ku bedeleen dad ay ku doorteen inay iyaga daacad u yihiin keliya, waxay bedeleen dadkii saldhiga u ahaa dhismaha hay’adaha dawladnimo ee dalka (the National Establishment), khibrad ahaan iyo oqoon ahaanba. kuwaas oo aanu Xisbina xaq u lahayn in uu bedelo, marka laga hay’adaha dhismo dawladeed casri ah oo ku dhisan aqoon iyo khibrad. Dunida waxaa jira wax kala xadeeya ama cahdi, af Ingiriiska la yidaahdo (Nomenclature) oo kala qeexa shaqaalaha dawlada (political nominee iyo State Bureaucracy ama civil servants).

Shaqaalaha siyaasad ahaan loo magcaabo mooyee (political nominee) Xisbina ma bedeli Karo. Waan garan karaa in xukuumadii hore shaqaalha dawlada ku riixday inay ololaha doorashad ka qayb qaataan. Taasoo khalad weyn ahayd, Laakiin Kulmiye ma khalad mid ka sii daran ku sax bay ahayd, waxii uu balan qaaday oo isbdelka ahaa ma waxay ahayd dib ugurasho mise hore u mar?. Dhibta maanta taagan oo xal u baahani waa iyada oo doorkan dambey xisbiga doorashada ku guuleysta uu xaaqi doono dhamaan shaqaalaha dawlada, mar labaadna la isku khaldo Dawlada,  Xukuumad iyo Xisbiga. Taas oo keeni doonta in aanay dawladiba inoo saldhigin, khibrad la’aan iyo aqoon yari darteed. Maalin ayaan u tegey Guddomiyaha Aqalka Hoose Abdirahman Ciro. Waxaan ku “idhi waxaa loo baahan yahay in aad samaysaan sharci kala xadeeya xukuumada iyo dawlada oo qeexaya in aan xisbi bedeli Karin Shaqaalaha dawladda, ama waxa loo yaqaan (Nomenclature)”. Ilaa hadda ma maqal wax ka soo baxay Golahaas. waxaan leeyahay Abdirahman Ciro, adiguna ma waxaad rabtaa in aad markaaga beddesho saldhiga dhismaha dawladnimo (state Establishment), sida Kulmiye hartaaba yeelay, meeyey sharcigii kala xadaynayey dawladda iyo Xukuumadda dadka u shaqeeya?

Khaladka kale ee laxaadka lehi waa arrinka ku saabsan, dhisme Xisbiyeedka (party building) iyo khaladka ka dhacay Kulmiye, oo ah arrinku ma mabda’ baa mise waa farsamo (Principle or Procedural)

Waxaan qabaa in ay tahay mid labadaba kulminaysa. Haddii aan xagga mabda’ wax yar ka taabto, waxaan leeyahay,  Xisbi aan dimoqoraadi ahayni ma dhiso, mana wadi karo dawlad dimoqoraadi ah. Waxaa dunida jira wax la yidhaahdo dimoqradiyada gudaha ee xisbiga (Inner-Party Democracy) waana mabda’ iyo farsamo isku dhafan.

Dhinaca farsamada: Waxaa jirta qawaaniin caalami ah oo xibiyada dimoqoraadiga ahi ku dhaqmaan (universal procedural party Norms) waxaana lagu sargooyaa xaaladaha kulmiye la soo gudboonaday oo kale. Xaalada Somaliland oo kale waxaa dhibtan oo kale lagaga bixi karaa laba midkood, in la raaco qanuunkaas xibinimo ee caalamiga qaab ka mid ah ama in la raaco, teenii soo jireenka ahayd ee dhibu-heshiissinta. Tan hore, hadii ruux madax ah oo xubin ka ah Guddiga Fulinta (mataal ahaan) lagu helo in uu ku xadgudbey xeerarka xisbiga,  waxaa la maraa qaab xisbinimo (Institutional Norms) oo ah; in Guddida Fulinta ayaa ka shirto, waxaana la siiyaa, haddi lagu helo, canaan afka ah, haddi uu intaas ku waantoobi waayo waxaa, la siiyaa canaan qoraal ah, hadii taas uu ku waantoobi waayo, waa la ganaaxaa, (tilmaan ahaan) in aanu shirarka ka soo qayb geli Karin muddo cayiman, sida laba bilood oo kale. Markaas ka dib waa in warqad arrinkiisa ku saabsan lagu faafiyaa dhamaan xubnaha xisbiga iyada oo loo gogol xaadhayo rayu al-caamka xisbiga iyo taageerayaashiisa qo’aanka laga qaadhi doono. Haddii ruuxu isku daafici waayo afka ama qoraal ahaan, taas oo xaq loo siinayo in uu u soo bandhigo hay’adaha xisbiga ee sare.

Mar haddiise xaaladeena oo kale aanu jirin xibi dhisan oo xubnihiisu ay cayiman yihiin, is-htiraaga xisbigana si joogto ah u bixiya waaa in looga wareegaa dhaqankeena saldhig u ah dib-heshiisiinta.

Ujeedaduna waa tix-gelin la tixgelanayo xuquuqda xubnaha xisbiga, dhawrista isku dheeli-tirka danaha kala duwn ee dadka dhexdiisa iyo tan reerahaba.

Ugu dambeystii waxaan leeyahay, waa maxay adunn-araga Madxweyne A.M Silaanyo iyo Gudoomiye Muse Biixi, xaga dawlad-dhiska iyo dibuheshiisiinta oo ah labada tiir ee Somaliland ku dhisantahay.

Dimaqoraadiyadu waa in Go’aan-qaadashadu (Decision-making process) noqotaa talantaali, min hoos ila kor iyo min kor ilaa hoos. Taas micneheedu waa in qof waliba ka dhex arkaa in uu wax ku leeyahay go’aan qaadashda taasi waxay ka dhigantahay isku dheelitirka danaha cid waliba ay leedahay (Consensus based) ama go’aan-wadareed.marba, heerka iyo madasha la joogo ku aadan.

 Taas la’aanteedu waxay keentaa, in  dadweynaha iyo madaxdu  kala shakiyaan, ka dib dhexdooda kalsoonidu ka baxdo, ka dibna madaxda waxaa u soo hadha, Askarta,qoriga, maxkamada, iyo barlamaanka oo dhamaantood nin keli ahi siidhiga u hayo. Halkaasay ka bilaabantaa fashalka dawladeed (Frailer of the State). Waar Ilaah baan idinku dhaariyey  ha inagu celinina wadadii ay Africa soo martay iyo fimlimadii aynu hore u soo daawanay.

Aadan Muuse Jibriil

Email: adamjibril@hotmail.com