Macalinka iyo Qiimihiisa (Happy Teachers Day)

Dad yar oo kooban Ayaa ilaawey Guud ahaan Barayaashii iyo Macalimiinta wax soo Barey,Inteena kale oo dhami weynu wada Xasuusanahay Qaar badan oo ka mid ah Macalimiintii Gacanta inagu soo Hayey wakhtigii waxbarasho,Kuwii Gacanta inagu hayey,haddana gacanteena Usha ku garaaci Jirey Marka Ardeygu Khalad iyo Gef ku dhaco.Wakhtiyo ku Farxad gelinaaya ayey ahaayeen Sannadihii aad ku guda Jirtey waxbarashada kala duwan ee Macalimiintuna isku ka badali Jireen.Maalin kasta waxa ay inoo aheyd Mid cusub,Cashar cusub,Khibrad iyo waayo Aragnimo cusub iyo Macalinkii oo Halkii ka sii ambaqaada Duruusta Xidhiidhka ah.Baraha Habdhaqankeena Wax ka badaley,Fikirka iyo Aragtida aynu Nolosha ku wajaheyno inoo Qaabeeyey, Dareenkeena,Fikirkeena, iyo Ficilkeena Koriyey soona gaadhsiiyey Kaalin wax ku oola Ayaa Mudan in la Xuso.

 

Waxa aynu ku soo Dhinac barbaarney Ag Jooga iyo aragtida Macalimiin kala duwan,Kuwo Furfuran,Kuwo Xidhxidhan,kuwo Aftahanimo leh,kuwo Afgaaban,kuwo Xishood badan,kuwo Cadho badan,Qaar Ragg ah,kuwo Haween ahaa,Macalimiin da,yaraa oo ina leekaa,Kuwo Aabayaasheen la Fac ahaa,kuwo dhaadheeraa,kuwo gaagaabnaa,kuwo dhuudhuubnaa,kuwo buurbuurnaa intaba,Kuwo Aqoon xeeldheer u lahaa Cilmiga iyo maadooyinka ay bixinayaan,kuwo ku cusbaa Caalamka Waxdhigista,Macalimiin lagu caajisi Jirey,kuwo Soo Jiidan Jirey Dareenkeena iyo Dhagaheenaba.Macalimiintii bidaarta lahaa,Macalimiintii Lebiskooda,Hadalkooda,Sharaxaadooda,Xanaaqooda,Imtixaanadooda Abaalmarintii, iyo Ciqaabta kula kala duwanaa,kuwii Caajiska badnaa,kuwii Firfircoonada badnaa,kuwii balanqaadka iyo wada shaqeynta ku Fiicnaa,kuwii Jarida iyo Warwareega lagu bartey.kuwo Shaqo Gurida,iyo Laylisyada darandooriga ah ardeyda ku mashquulin Jirey,kuwi Ardeyda shaxaadi Jirey,kuwii Balwadaha sida Jaadka iyo sigaarka isku dhex ilaawey ,fasalkana soo geli Jirey iyaga oo markaasi sigaar soo bakhtiiyey,Macalimiin ku adkaa ilaalinta Xuquuqda Ardeyda iyo kala duwanaanshaha Ardeyda,Hirgelinta Sharciga iyo xeerarka waxbarashada intaba waxbeynu ka soo Dhiganey,Macalimiintii Maamulka fasalka ku kala Duwanaa,Macalimiintii Naafada qaarkood ahaayeen,Macalimiintii Ciradu biyo dhigtey qaarkood,Midkii laga Nixi Jirey marka uu xiisada soo galo,Midkii lagu farxi Jirey marka uu soo socdo,Dhab ahaantii Macalimiinta Qaar badan oo ka mid ahi waa Koox Dhiseysa Dadkii Qarankan Horumarin lahaa.

In badan Magacyadoodii ayeynu sii Xasuusanahey,kuwo kalena weynu wada ilowney,halka qaar kale aynu Wejigooda sii garaneyno.Barayaashii Xanuunka iyo Muraga waxabarashada,Farxada iyo Damaashaadka sannadaha waxbarashada ku Jira aynu  soo wada Qaadaney.Ardeyga Dedaala  kuwii ku Farxi Jirey,Midka Jilicda sana soo Dhisi Jirey kuna dhiirigelin Jirey dedaal iyo Waxbarasho,Kuwii daacada u ahaa Fulinta shaqadooda macalinimo,Hibada iyo Heybadana u lahaa wax Dhigista.

Macalinkii Farbarashada inoo soo bilaabey,Midkii Malcaamada iyo Quraanka,Midkii soomaaliga iyo Suugaanta,Gabayada iyo Geeraarka inagu dul Akhriyi Jirey.Midkii Sayniska ardeyda Jecleysiiyey,Midkii Luqadaha aan niyada laga Jecleyn Dhigi Jirey,Midkii Xisaabtii Adkeyd Maskaxda adag ee Ardey badan ka dhaadhiciyey,Midkii carabiga iyo diinta Dhigi Jirey haddana ka mid ahaa macalimiinta aan la tirsan sidaan Arki Jirey.Kuwii KGga,Dugsiga hoose,Dhexe,Sare,iyo Jaamacadaba wax ino soo Dhigey Ayaa  Mudan Karaamo.Barayaashii Ajahanibka ahaa Ayaa sidoo kale  Xasuusteena ku qaali ah.

Somaliland 60% in ka badan Ayaa ku Shaqeysata Macalinimo,Ama shaqo kale Dhex wada.

  • Macalimiinta Guryaha Ardeyda wax ugu Dhiga
  • Macalimiinta Madarisadaha iyo Malcaamadaha
  • Macalimiinta Dugsiyada Hoose
  • Macalimiinta dugsiyada Dhexe
  • Macalimiinta Masaajidada Duruusta iyo Casharada ka Mariya
  • Macalimiinta Dugsiyada sare
  • Macalimiinta Dugsiyada waxbarashada Dadban
  • Macalimiinta Dugsiyada Farsamada Gacanta
  • Macalimiinta Jaamacadaha kuliyadaha kala duwan ka dhiga
  • Macalimiinta Dugsiyada gaarka loo leeyahay
  • Macalimiinta Macalimiinta kale tababarta
  • Macalimiinta Dugsiyada dawlada
  • Macalimiinta Dugsiyada gaarka a ka furta Suuqa ee Luqadaha,Computerk,iyo Xisaabta
  • Macalimiinta Dugsiyada Culuumta diiniga ah
  • Macalimiinta Dugsiyada Qurxinta,Cunto karinta iyo Kooferada
  • Macalimiinta Barashada Dhaqashada Shinida
  • Macalimiinta,Macalimiinta,Macalimiinta,…
  • Macalimiinta Dugsiyada Boodhinka ah
  • Macalimiinta Kgga
  • Macalimiinta Dhegolayaasha,indhoolayaasha iyo Special Needs
  • Macalimiinta Tababarka Darawalnimada
  • Macalimiinta Tababarka siiya Ciidamada

September  Xuska macalimiinta Maalin u gaar ah Ayaa ugu Jirta wadamo badan Aduunka,in ku dhow 70 Dal Ayaana xusa Xuska Maalinta macalimiinta wadankooda,Wadamada Qaarkood Ayaana ku faana in Macalin iyo bare Ardeyda wadankiisa wax u dhigi Jirey uu Markii danbena Noqdey Siyaasi wadankiisii Madaxweyne ka noqda oo Bulsho badan Hantiyey.Qoraalkana Wuxuu ahaa Mid Keliya Xasuus u ah Macalimiinta Somaliland,mana aha Mid Tayada macalimiinta,Xuquuqda macalimiinta, iyo Guud ahaan Duruufaha ku gedaaman aynu kaga Hadleyney.Intaasi oo Meelood ee aynu Dusha ku sheegney ayeyna Aroor kasta Macalimiin kala duwani u Dareeraan si ay wax uga soo Dhigaan,waa Bas,Ardey,Macalin iyo Dugsi meel kasta Wakhtigani.

Wakhtigaa Ardey badan iyo Macalimiin badan kala kaxeeyey,waxana la isku sagootiyey Xaflado iyo Munaasibado qaali ah,Heerka waxbarashaduna wuxuu kala Wareejiyey Ardey iyo Barayaal in badan wada Joogey.Waa shaley iyo wax soo Dhamaadey,laakiin markasta oo aad dib u xasuusato Dareen ku bedela,indhahaagana ilmo soo Dhiga ayaa dadka qaarkood ku hadha.Mahadsanid Macalin,Waxaad Dugsiga ka dhigtey Mid Hoy u ah lagu dugsado Aqoon iyo Cilmi,Waxaanad Ardeyga ka dhigtey Mid Nolosha u diyaar ah oo ka faa,ideysta Tacliintaad bartey.Xus iyo Xasuus Jaceyl iyo reernimo ama Calaf ayaan Macalimiin badan xarumihii ay wax ka dhigaayeen ku soo Mara oo Qoysas ka yagleela.Barayaal Ayaa Gaboobey,kuwo kale ayaa Xanuuno la Deris Noqdey,kuwo kalena Weyba Dhinteen aynu garaneyno.Alle ha u Naxariisto.

 

Happy Teachers Day.

 

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com