Maanso cusub: DANQAABO – Waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin.

Yaasmiin+MHaddaan dado wixii jira
Ka daboolo dhaayaha
Dhegta maqal u diidoon
Nafta doodda kaba xidho
Damiirkaan I yeelayn.
Waxaan uga dan leeyay
Daarrantiyo ujeeddada
Dadka aan la nooliyo
Dalkan aan dhex joogee
Cudurrada dilaagii
Maankooda degayee
Ka dibbiray xumaatada!

Miyaan diirku mid ahayn?
Miyaan diin qudhaa jirin?
Degelkeenu mid ahayn?
Danta guud inoo ool
Waa maxay dirsoocani?
Hebel diidkan joogaa
Dayawgiyo asqowgani?

Gartay oday u duubtee
Da’yartii maxaa helay?
Qolqolo ku doorteen?
Yaa dulleeyey iyagoo?
Duumada qabiilkiyo
Dacuunka reernimo
Xididkood ku durayee
Doocaanta uga dhigay
Dulligiyo qadhmuunkaas?
Tolow mee Digriigii?
Dugsigiyo iskuulkii
Duruustii la siiyiyo
Digrigiyo Qur’aankii
Macalin uu ku daalee
Qalbigood ku daabacay?.
Mise daahan weeyoo
Cashar daa warkiisee
Dadnimaanay baranoo
Sida loo dulloobiyo
Sida laysu dago’iyo
Dulmigiyo nusqaantiyo
Sida laysu dala’sadaa
Diiwaanka ugu taal?

Waagii dillaacaba
Nabar bay damqanayoo
Dhegi waxa ay diiddaa
Maqalkay ku duxayee
Waa maxay dakaankiyo
Dudmadiyo afbuurkiyo
Ereyada diciifkee
Foodleydu diidee
Cirrowgeenu doorbiday?
Miyaan  iil dalooliyo
Ciidda  laysku duugayn?
Kafan laysku duubayn?
Miyaan  danab hillaaciyo
Dhulka dakharo gaadhayn?
Deeqlaa awood lehe
Waa maxay dinaahyuhu?

Dadow  yaabay aniguye
Maxaa daadshay samihii?
Buuxshay doobbi xumahaa?
Dawgan jeexay shalawgaa?
Yaa daleeyay madhantaa?
Yaa dooxay mililkaan
Dawo dhayda loo hayn?

Waxaan dani ku yeelsiin
Dugsashadu war maahee
U doonyaysta xaajada
Ka doondoon xalkeedana
Meel aan durugsanaynoo,

Is-dugsada dadkaygoow
Isku duubni waa door
Ha diyicin walaalnimo
Dayrka ehelku leeyahay
Waxaan nahay ul iyo diir.

W.C: Yaasmiin Maxamed Kaahin